top of page

34 items found for ""

Articles (25)

  • İf you have these symptoms you have strong traits.

    Hadii aad leedahay calaamadahaan waxaad heesataa shaqsiyad adag. Lahaanshiyaha shaqsiyada adag maahan kaliyah wax dadku udhasheen ee waa dabeecad uu qofku doortay oo uu sameysan karana c marka uu rabo inuu wax ka badalo naftiisa. Marka uu qofku doonaayo inuu dabeecadiisa ka dhigo mid adag, waxa ay noqon kartaa labadaba mid wanaagsan ama mid xun ( negative and positive), is badalada nuucaan ah waxaan dhihi karnaa  qofka waxaa ku sababa bulshada ku hareersan sida saaxiibada,qaraabada, familyga iyo beyada uu ku noolyahay qofka. Shaqsiyadan dadka leh intooda badan waa dad wanaagsan waxna ka barta waqtiyadii kala duwanaa ee soomaray sidookalana  waa dad fahamsan in ay isbadal ku sameyn karaan wax yaabaha ka soo halaabay. Hada waxaa jiro astaamo ay macquultahay iney  caan ku yihiin dadka leh shaqsida adag. Waxaan doonaa inaan qoraalkaan  kuugula wadaago qaar ka mida astaamahaas, inigoo ka faaiideysanaaayo akhrintaada iyo diiradsaarkaada wanaaagsan. ➤ Maahan kuwa dadku ay isticmaali karaan. Marka la dhahaayo lama isticmaali karo micnaheedu maahan in laga wado qofka waxaa loo isticmaalaa sida weelka ama uu qofku yahay mid looma galaana ee waxaa loola jeedaa qofkaani waxa uu  kala yaqaan qofka ka faaiideeysanaayo noloshiisa  ama ku daneeysanaayo iyo kan daacada u ah oo aan wax daneeysiya ku wadan. İnaad kala barato dadka noloshaada ku soobiiraayo dhaqamadooda iyo sababta ku kalifeeso iney adiga kula jirsadaan waxay u baahantahay awood shaqsiyeed taasna waxa ay kaa saacidi doontaa adi, in aadan unuglaan dhibaatooyinka kaaga imaankaro hadhow. Calaamadaani waxa ay siweyn uga muuqataa dadka leh shaqsiyadaan. ➤ Waxaa u sahlan diidmada. Oraahda maya  waxay muujineeysaa inaad tahay qof wax diidi karo waxna yeeli karo. Maahan inaada diido wax walbaa  laakin waxaa laga wadaa diid wax kastaa oo naftaada dhibaayo halkii aad ku qasbi laheyd wax aysan ku qanacsaneen. Inaad tiraah   Maya waxay kaa caawineesaa iney ku haleeli waayaan waxyaabo naftaada haligi karo. Haa daada hadii ay badato waxaa hubaal ah in naftaadu ay noqon doonto mid hoos ku noolaa oo dadka kale ku hoos nool. Marka  waqtiyada  qaar waxaa qasab ah inaadan ka gamban ama aadan ka cabsan in aad tiraah “maya”. Dadka shaqsiyada adag waxa ay yaqaanaan oraahda “MAYA” ayaga oo diidan in ay naftooda ku qasbaan wax yaabo aysan awoodin sababtoo ah raaxo raaxo uma arkaan iney naftooda kalifaan. Aan barno nafteena sida loo adbiyo loogana badbaadiyo in ay unoolaato dad kale dartood halkii ay unoolaan laheed adiga dartaa. ➤ waa dad uu hadalkoodu cadyahay. Shaqsiyada adag dadka leh  waxa lagu amaano waxaa ka mida iney yihiin dadkaasu kuwa aan hadalka laa laabin. Waxay hadalka u sheegaan sida uu yahay ama ay ku ogyihiin. Hadii qof qalad galo waxa ay lawadaagaan qofka qaladkiisa iyo waxii uu ku saxnaa.  Qarinta hadalka ama iney ka hadlaan gadaasha dadka waxa ay u arkaan astaan hoos udhigeeso qofnimadooda. Hadalka oo aad laab laabtaa waxaa laga yaabaa iney kuu keento wax yaabo badan oo  aan fiicneen sida in uu qofku been sheego ama uu sameeyo sinaan la aan, kuwaasna waxa ay dhaawacaayaan jiritaanka qofnimadaada. ➤ Waxa ay ku hadlaayaan waa ka warqabaan. Mararka qaar waxaa laga yaabaa inuu qofku hadlaayo waqti badan hadana uu san u arkin wax dhiba. Hadalka badan waxuu keeni karaa in aadan ka war qabin waxa aad sheegtay xadkooda waxa uuna saameeynayaa dadka hareerahaada ah. Dadka leh shaqsiyadaan waxay ka warhaayaan waxa ay sheegaayaan ayaga oo diidan in gadaal uu ugu soolaabto hadalkii ay sida fudud u dhaheen. Waxa ayna isku dayaan dadkaan in  carabkoodu uu san ka soo horeen aqligooda. Kawar heenta carabkaada waa badbaadinta shaqsiyadaada maxaayeelay hadii aad iska sheegto wax kastaa oo kuugu soo dhaco waxaa hoos u dhacaayo adiga qiimahaaga oo qof walbaa waxa uu kuu arki karaa qof aan sariiban ama aan xishoon , ixtiraamka dadkana aan aqoon. ➤ Waxa ay la qabsadaan xaaladaha. Inaad laqabsato xaalad walbaa waa kugu adkaan kartaa marka koowaad  laakiin waxa ay ubaahantahay adkeeysi  iyo dhiiranaan.  Qofka leh shaqsiyada adag waxa ay si joogtaa ula qabsadaan xaaladaha soo mara noloshooda, ayaga oo muujinaayo dulqaadkeeda iyo qanacsanaan dheeraada. Uma arkaan waqti lumis  ama in ay lumaayaan wax muhiima marka uu isbadal ku yimaado noloshooda taasna waxa ay ka saacidaa in dhiirigalinta naftoodu ay kor u qaadanto. Is badalka nolosha waa xaalad qof walbaa uu la kulmo, waxaana nalooga baahan yahay inaan lahaano adkeesigeeda si aan guul uga gaarno danaha aad rabno inaan qabsano. ➤ Waa ay qoslaan mararka qaar. Qosolku waxa uu ujoogaa boos wanaagsan marka la jooga dadka leh shaqsiyada adag leh. Waxa ay murugtooda iyo dhibaatadooda ku qariyaan qosol iyo dhoola cadaynta.  Waxa ay dadka umuujiyaan furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan mana laga dareemo waxa qalbigooda uu dareemooyo. Qosolka ama dhoola cadayn ta ayaa ah ficil posative ah ama wanaagsan kaas oo lagaaga baahan yahay nalooga baahan yahay in aan ku dhaqano waqtiyadeena adag. ➤ waa dad u arka nolosha dhanka wanaagsan. In marwalbaa noloshaadu wanaagsanaato ama ay noqoto sidii aad rabtay muhiim maahan dabcan wax waa kaa halaabaayaan waxna waa kuu toosaayaan sidaatarteed dadka leh shaqsiyada adagi waxa ay u arkaan nolosha dhanka wanaagsan, ayagoo  dhibaatadii soo martay aan u istaajeen noloshooda. Unoolaanshaha dhanka wanaagsan ama in aad noloshaada u dhigto dhanka wanaagsan waxa ay naga saacidi kartaa inaan homar iyo isbadal  kala duwan ku sameeyo nafteena anago heleeno waqti wanaagsan oo aan ugu doori karno in nafteenu unoolaato qaab fiican. Sidookale, waxaa noo suurtoobeedo in aanan ka niyad jabin wax qabadka aan nafteena wax uga badali laheen. ➤ Maahan dad qiimeeya waxa dadka kale ka aaminsanyihiin. Hdii aatahay qof yaqaan waxa uu asagu yahay, baahi uma qabtid in aad ogaato waxa ay dadka kale kaa aaminsanyihiin.  Dadka leh shaqsiyada adag inta badan waa dad ku howlan naftooda mana waqtigooda ku dhumiyaan ka walwalida  waxa ay dadku ka aaminsanyihiin. Waxa ay wax caadi ah u arkaan in dadka qaarkood  ka soo horjeesan karaan fikirkooda maxaa yeelay dadku is ku fikir maahan. Sida si lamid ah waxa ay xushmeeyaan dadka laakiin maahan dad unoolaado in ay raali galiyaan dadka. Isweydii adigu maleedahay shaqsiyada? Gunaanad, Shaqsida adag waa wax aad sameysankarto marka aad dooneyso inaad naftaada ku sameyso is badal. Waxay muhiim utahay qof walbaa oo dareemaayo in naftiisu hooseedo.

  • The most well-known languages in the world

    ‘Luuqada ha ugu caansan adduunka’ Bulsho waliba oo aduunka ku nool oo waxaa ka jiro dhexdooda khilaaf ama khilaaf la,aan. Hadaba, adigu ma is weydiiday waligaa bulshada isqilaaf san ama aan iskhilaaf saneen sida ay ku ogaadeen in khilaafka dhex yaal?. Sidee se isku gu sheegaan khilaafka dhex yaal nuuca uu yahay?. Dancan waxa ay ku xariireen Luuqad ama af ugaara. Luuqadu waa habka ay bulsho yar ama badan ku wada xariiraan ayna is kugu gudbiyaan afkaartooda iyo danahooga gaarkaa. Luuqadu waxa ay door weyn ka qaadataa in bulshadu ay wada noolaadaan, ayagoo ku wada xariiraayo luuqada ay isku fahmaayaan. Waxaan dhihi karnaa bulsho ma wada noolaan karto luuqad ama af ay isku fahmaan la,aantiis sababtoo ah dadka ama qofku waxa uu u baahan yahay inuu hadlo oo uu cadeeyo dareenkiisa sida cabashooyinka iyo dareenkiisa ku aadan rabitaankiisa ama uu sheego waxa uu rabo inuu qabto sida shaqada. Marwalba oo aad u baahan tahay inaad wax cadeeydid ama aad wax qabatid waxaad ubaahee inaad hadasho waliba aad ku hadasho afkaada si ay kuugu hagaagaan waxa aad dooneysid. İntaa waxaa dheer luuqadu waxa ay saha shaa in la ogaado waddan ama bulsho taariikh dooda iyo asalkooda meesha ay ka imaadeen. Sikartaba ha ataahee, luuqadaha dunida looga hadlo maahan kuwo lasoo koobi karo laakiin waxaa jiro ku caan ah oo dunida daafihiisa laga maqlay ama aduunka barkiisaba looga hadlo. Qoraalkaan waxaan uga hadli doonaa luuqadaha dunida k uwooda ugu caan san,anagoo eegeeno dadka ku hadlaa inta ay la egyihiin. Waa kuwaan qaar ka mid ah luuqadaha aduunka ugu caan san dadka intooda baddan ne ay ku hadlaan. 1:English language Luuqada ingiriiska ayaa ah luuqad caalami ah oo caanka ah dunida idilkeed. Waxaa hubaal ah qof walbaa oo garasha leh aduunka joogane inuu maqlay luuqada ingiriiska yuusan ba ku hadine. Luuqada ingiriiska kaliya ku ma hadlaan dadka u dhashay sidookale waxaa ku hadla dad aan u dhalan. Wadar ahaan dadka ku hadlaa luuqada ingiriiska waxa waayo boqolkiiba 18%.8. Markii lakala dhigo, boqolkii 13%.8 waa dad u dhashay luuqada halka dadka aan u dhalan ay yihiin boqolkii 5%. 2:Chinese language Luuqada shiinees ka ayaa ah luuqada labaad oo ugu caan san dunida. Shiineesku waxa uu leeyahay shan lah jadood, mida ugu caansan waxa la yiraah mandari ayada ayaana meelaha badankood looga hadlaa. Dadka ku hadlaa luuqada shiinesska wadar ahaa waa boqolkiiba 13%.8. Waxaan dhihi karnaa dadkaa shiineeskaa ayaa ah dad aad u badan sidaas ayayna caan ku noqotaday luuqadoodu. 3:india language Luuqada hindia ayaa ka mid ah luuqadaha loogu hadalka badan yahay dunida ama kuwooda ugu caan san. Waa luuqada sadexaax ee dadku badankood ku hadlaan. Waxaa ku hadlo boqolkiiba 7.5%. Dadka u badan ee ku hadlaa luuqada hindiya waa dadka u dhashay. Markii laga soo tago dadka u dhashay luuqada hindiya, waxaa jiro dadkale oo aan u dhalan luuqadaas laakiin ku hadla hindi. Dadka hindiya waa dad ka mid ah dadka ugu tirada badan aduunka, sidaatarteen luuqada hindiya waxa ay noqotay kuwa ugu caansan aduunka. 4:Spanish language Wadanka spainsh waa wadan ka mid ah wadamada ugu hormarsan aduunka, sidaa si lamida, luuqadooda oo ah Spanishka waxa ay ka mid tahay luuqadaha ugu caan san aduun, dad badan oo aduunka joogana ay ku hadlaa. Waa luuqad ay dadku jecel yihiin inay bartaan, oo goobaha lagu barto luuqada ha luuqada Spanishka ayaa ka mid ah kuwa ugu horeeyo oo dadka labaro. Dadka ku hadlo luuqadha Spanishkaa wadar tooda guud waa boqolkiiba 6.9%. Luuqada Spanishku waa luuqad dadku ay jecelyihiin barashadeeda iyo ku hadalkeeda intaba. 5:French language Marka luuqad labaranaayo waxaa laga yaabaa in luuqadaas aadan jecleyn barashadeeda ama ku hadalkeeda, sidaa darteed, ah luuqada faransiiska maahan luuqad barashadeedu ay dadku nacebyihiin. Waxaa umoodaa in luuqada faransiiska ay tahay luuqad ku rux badan oo dadku waxa ay ba dhahaan luuqada faransiinsku waa luuqada ugu jacaylka badan aduun. Luuqada faransiiska kaliya kuma hadlaan dadka udhashay ee sidookale waxaa ku hadla dadkale sida wadamada uu faransiisku gumeystay. Waxaa lagu qiyaasaa dadka ku hadla faransiiska wadartooda guud iney yihiin boqolkiiba 3.4%. 6:Arabic language Luuqada carabiya sidookala waxaan dhihi karnaa luuqada islaamka, ayaa ah luuqada lixaad ee aduunka ugu caansan. Waa luuqad dadka intooda badan ku hadlaan. Waxaa carabi ku hadlo dad u dhashay iyo dad aan u dhalan. Dadka ku hadlaa carabiga wadar tooda guud waxa lagu qiyaasaa iney yihiin boqolkiiba 3.4%. Luuqada carabiga ayaad kabarankarta ama ka heleysaa barasheeda goob walba oo lagu barto luuqada aduunka. 7:Bengali language Luuqada totobaad ee ka mid ah luuqadaha ugu caan san aduunka waa luuqada la yiraah Bengali. Luuqadaan sanadii 2017 waxa ay aheyd luuqada labaad oo dadka ugu badan aduunka ay ku hadlaan. Waxaa ku hadla dad gaaraayo 284.3milyan oo qof. Boqolkiiba ne waxaa waayo dadka ku hadlaa 3.4%. Dad udhashay iyo dad aan u dhalanba intaba waa ku hadlaan luuqada Bengali. 8:Russian language Ruushka oo ah wadanka ugu weyn aduunka,sidookalana ah wadanka labaad ee ugu awooda badan aduunka, ayaa luuqadiisu ka mid tahay tobanka luuqad ee ugu caansan aduunka. Luuqada ruushka waxay gashay lambarka sideedaan. Waxaa ku hadla luuqada ruushka boqolkiiba 3.2%. Luuqada ruushka maahan luuqad ka adag luuqada shiinaha hadana waxaa ku hadla dad kayar dadka ku hadla luuqada shiineeska. 9:Portuguese language Luuqada sagaalaad oo aduunka ugu caan san waa luuqada Burtaqiiska. Luuqadaani waxa ay leedahay taariikh qoto dheer, asalkeeda waxa ay ka imaatay Romana oo waxa ku jiro erayo roman ah. Dadka ku hadla luuqada Burtaqiiska waxa ay iskugu jiraan dad u dhashay iyo dad aan u dhalan intaba. Wadarta guud ee dadka ku hadla luuqada Burtaqiiska waxa waayo boqolkiiba 3.2%,waxaa ku hadasho Burtqiiska in la eg dadka ku hadlo Ruushka. 10:Urdu language Luuqada tobanaad ah ne mida ugu danbeydo oo aan ka hadli doono ayaa luuqad la yiraahdo Urdu. Luuqadaani waxa ay ka kooban tahay luuqado badan oo is ku yimaaday sida luuqada hindia. Sidookale waxaa lasheegaa in ay ku jiraan erayo Jermany ah. Meelaha ugu caansan oo looga hadlo waxaa ka mida Pakistan iyo Hindiya. Tirada dadka ku hadlo luuqada Urdu waxaa lasheegaa in ay yihiin boqolkiiba 2.9%. Gunaanad, Lahaanshaha luuqad waa is fahanka bulshada ay is fahmaayaan midba midka kale kale. Luuqad la,aanteed bulsho mayeelan karaan wax xariira.Sidaadarteed bulsho walbaa waxa ay u baahan tahay nidaam ay ku xariiraan. Sidoo Kale horumarinta luuqadaada wax kale oo loobah yahay. Dhamaan luuqadahaas aan soo sheegnay waa luuqada ha ugu horumarsan aduunka, waxaana didaal ku baxshay bulshada u dhalatay. Luuqad walbaa waxa ay u bahantahy bulshada u dhalatay Byashoweb.com

  • There are 11characteristics of those who read others very well

    ' Waxaa jiro 11 calaamadood oo ay leeyihiin ku wa ku wanaagsan akhrinta dadka kale' Dadka leh awooda maska xeed qaar kood waa dad inta baddan ku fiican akhrinta ama fahmida dadka kale, ayaga oo aanan ba horay ula kulmin ama aan waxba ka aqoon qofkaas. Hadii aan ku waydiiyo adigu ma tahay qof ku fiican akhrinta dadka mise mala kulantay adigu qof ku wanaagsan akhrinta dadka kale?. Akhrinta dadka kale maahan kaliyah inuu qofku u dhashay ee sidoo klae waxaan dhihi karnaa waa xirfad,waxa ayna u baahan tahay ku cel celin. Tusaale, waxaa jiro dad ku xeel dheer soorida danbiyada nuuc walba, xarumaha qaar waxa ay adeeg sadaan qof u ogaado dadka danbigaa geestay, waxaa laga yaabaa qofkaasu inuu ula dhaqmo dadka danbigaa geestay si caadiya, kadibna uu fahmo danbi baarihii qofka geeystay falkaa. Sidookale taas waxaa lamida qofka ku wanaagasan cilmi nafsiga ayaguna waxa ay akhrisan karaan qofkaan waxa uu dabaayo ama inuu waxaas sameeyo waxa ku kalifay, hadaba waxaan dhihi karnaa inaad qof akhrisato ama fahanto waxa uu yahay, waxa ay u baahanaan kartaa xirfad waqti iiyo ku celcelin dheeraad ah. Sidaadarteed, waxaa jiro astaamo lagu yaqaan dadka ku fiican akhrinta dadka kale. Qoraalkaan ayaan ku soo gudbi doonaa wax ku saabsan dadkaas indheer garad yadaa. Astaamahaanu waxa ay kuu sheegi doonaan ama aad ku ogaan doontaa in aad la macaamileeso dad aan inaba caadi aheyn. Aan bilaawno astaamaas. ➤ Waxa ay leeyihiin garaad shacuureed oo wanaagsan. İnaad tahay qof leh garaad wanaagsan waxaan dhihi karnaa taasi waxa ay la mid tahay inaatahy qof ka war haayo dabeecadiisa iyo jawaabaha uu bixinaayo markuu hadlaayo. Dadka leh garaadka shacuureed oo sareeyo waxa ay inta badan waqti galiyaan iney naftooda fahmaan ka hor inta ay ayagu fahmin dadka kale naftooda. Kadib markii ay naftooda fahmaan ayay isku dayaan iney bartaan dadka ku hareersan.. Fahmida ay naftooda iyo shacuurtooda fahmeen ayaa waxa ay ka saaciday iney fahmaan dadka ka kle waxa ay fihiin. Sidookale hab fikirka dadka kale waxay u ogolaatay iney fahmaan ama akhristaan qofkaan waxa uu yahay. Hadii aadtahay qof garaad shacuureed oo sare leh, hubaal waxaa tahay qof yaqaan naftiisa, barankarana dadka kale. Fahamka naftaada ayaa kuu ogolaaneedo inaad akhrisato oo fahamto hab fikirka dadkale. ➤ Waa dul qaad baddan yihiin: Dul qaadka waa sifo qurux baddan oo qof kasta uu u baahan yahay, qofkii leh ne uu wax baddan dheer yahay dadka kale. Dulqaad ka ayaan waxaan dhihi karnaa waxa uu qeyb weyn ka qaataan dadku ineey akhristaan dadka kale. Dadka ku fiican akhrinta dadka kale waxa ay leeyihiin dulqaad, waxa ayna fahmaayaan qofkaan waxu uu rabo ama dabeecad ahaan waxa uu yahay. Dulqaad la,aantu waxa ay dhalidaa dag dag, markii dag dagaagu batana awood uma yeelaneeysid inaad akhrisato dadka kale. Sidookale waxaad wayn kartaa wax markaas aad u baahantahay. Dulqaadkaada oo baddan waxaa in baddan oo aad fahantaa dadka kale waxa ay yihiin. ➤ Aad ay u dhageystaan dadka. Dadka leh sifada introverts ka waxa ay kaga faaiido baddan yihiin dadka leh extroverts ka waa dhageeysiga. Dhageysiga dadka kale ayaa leh faaiido wayn, oo dad ka inta baddan wax dhageysto waa dad akhrista dadka kale. Waxaa la dhahaa dadka akhriska baddan maahan dad hadlo oo inta baddan wax ay dhages taan laakiin waxaan kuu sheegaa in ayaga kaliyah ay san wax dhageysan oo dadka ku fiican akhrinta dadka kale waxay inta baddan dhageystaan dadka kle hadaladooda. Hadii aatahay qof rabo inuu mar walbaa hadlo ama doonaayo inuu codkiisu meel dheer gaaro, waxaa kuugu adkaanee inaad akhrisato dadka kale, taasna waxa ay la macno tahay adiguu maddaxa kula juro meel cariiriya oo cid ku saacida aan haysan. Dhageysiga dadka war bixinada ay ku la wadaagaan ka dibna aad suaalo kooban ka weydiido waxii ay kuu sheegeen , waxaa laga bartaa wax baddan oo leh faaiido marka loo eego dadka rabo inay hadlaan, waana sifada ugu horeeda ama dabeecada ugu caan san oo ay leeyihiin dadka ku wanaagsan akhrinta dadka kale. ➤ waa dad aad ugu fur furan dadka: Marka aatahay qof fur furan ma tihid qof ku eg hal meel oo waxaad awood uleedahay inaad wax baddan ogaatid. Xir xir naashaha xaalad walbaa waxaa laga yaabaa inaad wax baddan oo aadan dareensaneed aad ku weydo sida iney kuu gu adkaado akhrinta dadka kale. Dadka ku wanaagsan akhrinta dad ka kale intooda baddan maahan dad xir xiran oo waxa ay dhex galaan dadka kale, ka dib waxaa suurtoobee iney la kulmaan dad leh dabeecado kala duwan, waxaana suurtoobi karto inuu arko dad baddan oo cabashooyin, dareen ama fikiro kala duwan leh. Marka hadii aatahay qof xir xiran cidna fikir ama dareen kulama wadaageyso, mana akhrisan kartid dadka kale. ➤ Waa dad u fiirsada dadka kale. Awooda aan caadiga ahayn ee dadka ku fiican akhrinta dadka kale ay leeyihiin waa u fiir sada shada dad ka kale sida marka ay hadlaayaan, marka ay tagaan meel ku cusub, marka ay qol ame guri islaamed galaayaan, dhamaan ficiladaas iyo kuwa aanan ba sheegin ayaa ah ku wa ay ka eegaan dadka ku fiican akhrinta dad ka kale. Ufiirsashada waxa ay kaa saacidee inaad barato dadka kale, dhaqamadooda iyo wax yaabaha ay dhibsanaayaan. Recommended: -How can you know someone who has low emotional intelligence ➤ -Nature and Nurture ➤ -İntrovert personality ➤ -Accepting the change ➤ -Extrovert Personality ➤ ➤ Waxa jiro naxariis ayleeyihiin oo dadka kale aysan laheyn. Naxariista ayaa ah sifo wanaagsan oo lagu duceysto. Dadka leh naxariis ama u dabacsan dadka waxa ay si dhaqsi leh ku akhrinkaraan dadka ku xeeran. Dhab ahaanti noola kastaa waxa uu ubaahan yahay laxow ama naxariis, ayada oo aan dad ku is ku dareen ahayn hadana waxaa jiro baahi uu qof kastaa uu u qabo in loo naxariisto. Bare cilmi-nafsiga oo lagu maga caabo Kendra Cherry waxa uu dhahay naxariistu waa awood qaab shacuur ahaan loo fahmo waxa ay dadka kale dareemaan. Waxaan taas dhihi karnaa qof ku naxariis la,aan ma akhrisan karo dadka kale. Qofk umarka uu yahay qof naxariis baddan waxa uu dadka kale dheer yahay wax yaabo badan, waxa uu akhrin karakaa dadka dareen kooda waxa uuna siiyaa talooyin ku haboon qofka iyo dhiiri galin wanaagsan.Sidookaale ne waxa uu is ku dayaa inuu caawiyo qofkaas waxii uu ka caawin karo. Naxariista ayaa ah sifo ama calaamad ay leeyihiin dadka akhrin karaa dadka kale. ➤ Maahan dad kor isku qaado. İn baddan oo aatabahay qof kor is ku qaado waa in baddan aad is ku soo jeediso indhaha dadka kale waxaana macquul noqonaayo inaad yeelato cadow iyo saaxiib. Adigoo ah adoon waxaa qalad ah inaad iska la weeynaato dadka kula siman, markii laga soo tago sida ay ayagu kuu arkaa. İntaa ka dib,Dadka ku fiican akhrinta dadka kale waa dad is hoosasiiyaa oo aan ba jeclayn iney kor is ku qaadaan. Waxa ay inta baddan muu jiyaan iney yihiin dad aan wax ba ogeyn yacnii aan la socon waxa dhacaayo. Taas ayaa waxa ay ka saaciday akhriyaan dadka kale si qoto dhaeer. Gunaanad, wooda akhrinta dadka kale waxa ay ubaahan tahay oo ay tilmaame faham dheer oo ku saabsan qofka ubaahan inuu wax akhriyo ama fahmo dadka kale. Waxa ayna qofka ka dhigeeysaa mid leh awood dheeraad ah. Maahan awood lagu sameyn karo maalmo koo ban laakiin hadii aad u baahan tahay awoodaas inaad yeelato waxaad ubaahantahay inaad waqti baddan ku bixido. Byashoweb.com

View All

Pages (9)

  • Home | Ashoweb

    Read Posts İf you have these symptoms you have strong traits. Hadii aad leedahay calaamadahaan waxaad heesataa shaqsiyad adag. Lahaanshiyaha shaqsiyada adag maahan kaliyah wax dadku udhasheen ee waa... The most well-known languages in the world ‘Luuqada ha ugu caansan adduunka’ Bulsho waliba oo aduunka ku nool oo waxaa ka jiro dhexdooda khilaaf ama khilaaf la,aan. Hadaba, adigu... There are 11characteristics of those who read others very well ' Waxaa jiro 11 calaamadood oo ay leeyihiin ku wa ku wanaagsan akhrinta dadka kale' Dadka leh awooda maska xeed qaar kood waa dad inta... People sometimes learn these things too late in life 'Dadka mararka qaar waxa ay sheeyadaan ka bartaan gadaal noloshooda.' Mararka qaar noloshu waxa ay leedahay wax yaabo adag oo nala ga... How can you know someone who has low emotional intelligence 'Sidee ku ogaan kartaa qofka leh garaan shacuureed oo hooseeyo.' Ma aragtay qof ame dad kuwaasoo aad umuuqdo umoodeeyso in ay yihiin kuwo... Top Highest Economic Countries in the World Dhaqaalaha aduunka ayaa sara kac sameeyo sanadba sanadka ka danbeeyo, ayadoo wax soosaarka dowladahu kor usii kacaayo. İnta badan marka... Spain|culture,people and language Spain waa waddan ka mid ah midowga yurub kuna taala koonfurta bari ee qaarada yurub. Waqooyigane waxaa ka xigo ame xaduud ka la leh... The Marvels or Realities of Artificial Intelligence and How Aİ Shape our Future The Marvels or Realities of Artificial Intelligence and How Aİ Shape our Future In the landscape of modern technology, there is perhaps... 7signs that indicate that a person is highly intelligent Waxaa macquul ah inaad barato dhaqamada lamafilaankaa ee cajiibka ah ku waasoo dadka caqligoodu baddan yahay ay u dhaqmaan una fikiraan... Philosopher Niccolò Machiavelli Kumuu ahaa philosopherkii la oran jiray Niccolò Machiavelli? Niccolò Machiavelli wuxuu ahaa faylasuuf siyaasadeed iyo dowlad yaqaan ree... Chinese|culture,people,and language Jamhuuriyada rasmigaa ee chine waxa ay ku taal bariga qaarada Aasiya. Chine waa waddan ka mid ah waddamada ugu dadka badan aduunka,... Nature and Nurture Nature/ dabeecada vs nurture/ barbaarinta. Waxaa jirto labo saamayn oo aasaasi ah ku waa soo muhiim u ah ame qaabeeya horumarka aadanaha... The most prominent drink in the world- coffee Maxaad ka taqaanaa coffee/ kafaayga? Kafaaygu waa mid ka mid ah cabitaannada ugu caansan looguna isticmaalka badan yahay adduunka. Waxa... İndia|culture,people and language Hindiya waa waddan ku yaal koonfurta qaarada Aasiya. Waa dal ka mid ah waddamada ugu waaweyn uguna dadka badan aduunka. Caasimada... French|culture,people and language Faransa waa waddan ku yaal Galbeedka qaarada Yurub, waxa uuna xaduud lawadaagaa waddamo gaaraayo todobo dal, waxa ay kala yihiin... The world's top ten military powers Adduunyada ay arrimaha juqraafiyeedku si joogto ah u saameeyaan xidhiidhka caalamiga ah, quwadda iyo awoodaha ciidan ee qaranka ayaa... Japan|culture,people and language Wadan ka japan waa wadan jasiirado ah oo ku yaa la Bariga Aasiya, waqooyi-galbeed ee Pacific Ocean. Magaca japan waxaa loola jeedaa... Extrovert personality Extrovert: waa nuuc ka mid ah sifooyinka bili aadanka taasoo muujineeso in qofka ama dadka sifadaan leh uu mid hadalka badan ama ay... Viewest Posts 10 OF THE WORLD'S SMALLEST COUNTRIES BY AREA What are the advantages and disadvantages of cold water İntrovert personality Older posts Learn about uncolonized countries The Transformative Power of Exercise: Unlocking Health and Happiness İntrovert personality Personality View More İf you have these symptoms you have strong traits. There are 11characteristics of those who read others very well People sometimes learn these things too late in life Articles View More The most well-known languages in the world Top Highest Economic Countries in the World The Marvels or Realities of Artificial Intelligence and How Aİ Shape our Future

  • Free kids book | Ashoweb

    Fun kids books Next This page is for kids, we want to support any child with some books I have created. Our aim is to put a smile on any child's face and make them happy. There are stories in the Alphabet and questions with answer books in our website. They are also written in English so these books that I am sharing on my site are different and they are free.. If you are interested you can download and print them for your kids or read them as an online. Download Download Download Free cloring kids books

  • Free cloring kids book | Ashoweb

    BACK Free coloring kids book Next Our coloring book are printable and downloadable Download Download Animals coloring

View All
bottom of page