top of page

Read Posts

İf you have these symptoms you have strong traits.

Hadii aad leedahay calaamadahaan waxaad heesataa shaqsiyad adag.

Lahaanshiyaha shaqsiyada adag maahan kaliyah wax dadku udhasheen ee waa dabeecad uu qofku doortay oo uu sameysan karana c marka uu rabo inuu wax ka badalo naftiisa. Marka uu qofku doonaayo inuu dabeecadiisa ka dhigo mid adag, waxa ay noqon kartaa labadaba mid wanaagsan ama mid xun ( negative and positive), is badalada nuucaan ah waxaan dhihi karnaa  qofka waxaa ku sababa bulshada ku hareersan sida saaxiibada,qaraabada, familyga iyo beyada uu ku noolyahay qofka. Shaqsiyadan dadka leh intooda badan waa dad wanaagsan waxna ka barta waqtiyadii kala duwanaa ee soomaray sidookalana  waa dad fahamsan in ay isbadal ku sameyn karaan wax yaabaha ka soo halaabay.

Hada waxaa jiro astaamo ay macquultahay iney  caan ku yihiin dadka leh shaqsida adag. Waxaan doonaa inaan qoraalkaan  kuugula wadaago qaar ka mida astaamahaas, inigoo ka faaiideysanaaayo akhrintaada iyo diiradsaarkaada wanaaagsan.

➤ Maahan kuwa dadku ay isticmaali karaan.

Marka la dhahaayo lama isticmaali karo micnaheedu maahan in laga wado qofka waxaa loo isticmaalaa sida weelka ama uu qofku yahay mid looma galaana ee waxaa loola jeedaa qofkaani waxa uu  kala yaqaan qofka ka faaiideeysanaayo noloshiisa  ama ku daneeysanaayo iyo kan daacada u ah oo aan wax daneeysiya ku wadan. İnaad kala barato dadka noloshaada ku soobiiraayo dhaqamadooda iyo sababta ku kalifeeso iney adiga kula jirsadaan waxay u baahantahay awood shaqsiyeed taasna waxa ay kaa saacidi doontaa adi, in aadan unuglaan dhibaatooyinka kaaga imaankaro hadhow. Calaamadaani waxa ay siweyn uga muuqataa dadka leh shaqsiyadaan.

➤ Waxaa u sahlan diidmada.

Oraahda maya  waxay muujineeysaa inaad tahay qof wax diidi karo waxna yeeli karo. Maahan inaada diido wax walbaa  laakin waxaa laga wadaa diid wax kastaa oo naftaada dhibaayo halkii aad ku qasbi laheyd wax aysan ku qanacsaneen. Inaad tiraah   Maya waxay kaa caawineesaa iney ku haleeli waayaan waxyaabo naftaada haligi karo. Haa daada hadii ay badato waxaa hubaal ah in naftaadu ay noqon doonto mid hoos ku noolaa oo dadka kale ku hoos nool. Marka  waqtiyada  qaar waxaa qasab ah inaadan ka gamban ama aadan ka cabsan in aad tiraah “maya”.

Dadka shaqsiyada adag waxa ay yaqaanaan oraahda “MAYA” ayaga oo diidan in ay naftooda ku qasbaan wax yaabo aysan awoodin sababtoo ah raaxo raaxo uma arkaan iney naftooda kalifaan.

Aan barno nafteena sida loo adbiyo loogana badbaadiyo in ay unoolaato dad kale dartood halkii ay unoolaan laheed adiga dartaa.

➤ waa dad uu hadalkoodu cadyahay.

Shaqsiyada adag dadka leh  waxa lagu amaano waxaa ka mida iney yihiin dadkaasu kuwa aan hadalka laa laabin. Waxay hadalka u sheegaan sida uu yahay ama ay ku ogyihiin. Hadii qof qalad galo waxa ay lawadaagaan qofka qaladkiisa iyo waxii uu ku saxnaa.  Qarinta hadalka ama iney ka hadlaan gadaasha dadka waxa ay u arkaan astaan hoos udhigeeso qofnimadooda.

Hadalka oo aad laab laabtaa waxaa laga yaabaa iney kuu keento wax yaabo badan oo  aan fiicneen sida in uu qofku been sheego ama uu sameeyo sinaan la aan, kuwaasna waxa ay dhaawacaayaan jiritaanka qofnimadaada.

➤ Waxa ay ku hadlaayaan waa ka warqabaan.

Mararka qaar waxaa laga yaabaa inuu qofku hadlaayo waqti badan hadana uu san u arkin wax dhiba. Hadalka badan waxuu keeni karaa in aadan ka war qabin waxa aad sheegtay xadkooda waxa uuna saameeynayaa dadka hareerahaada ah. Dadka leh shaqsiyadaan waxay ka warhaayaan waxa ay sheegaayaan ayaga oo diidan in gadaal uu ugu soolaabto hadalkii ay sida fudud u dhaheen. Waxa ayna isku dayaan dadkaan in  carabkoodu uu san ka soo horeen aqligooda. 

Kawar heenta carabkaada waa badbaadinta shaqsiyadaada maxaayeelay hadii aad iska sheegto wax kastaa oo kuugu soo dhaco waxaa hoos u dhacaayo adiga qiimahaaga oo qof walbaa waxa uu kuu arki karaa qof aan sariiban ama aan xishoon , ixtiraamka dadkana aan aqoon.

➤ Waxa ay la qabsadaan xaaladaha.

Inaad laqabsato xaalad walbaa waa kugu adkaan kartaa marka koowaad  laakiin waxa ay ubaahantahay adkeeysi  iyo dhiiranaan.  Qofka leh shaqsiyada adag waxa ay si joogtaa ula qabsadaan xaaladaha soo mara noloshooda, ayaga oo muujinaayo dulqaadkeeda iyo qanacsanaan dheeraada. Uma arkaan waqti lumis  ama in ay lumaayaan wax muhiima marka uu isbadal ku yimaado noloshooda taasna waxa ay ka saacidaa in dhiirigalinta naftoodu ay kor u qaadanto.

Is badalka nolosha waa xaalad qof walbaa uu la kulmo, waxaana nalooga baahan yahay inaan lahaano adkeesigeeda si aan guul uga gaarno danaha aad rabno inaan qabsano.

➤ Waa ay qoslaan mararka qaar.

Qosolku waxa uu ujoogaa boos wanaagsan marka la jooga dadka leh shaqsiyada adag leh. Waxa ay murugtooda iyo dhibaatadooda ku qariyaan qosol iyo dhoola cadaynta.  Waxa ay dadka umuujiyaan furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan mana laga dareemo waxa qalbigooda uu dareemooyo.

Qosolka ama dhoola cadayn ta ayaa ah ficil posative ah ama wanaagsan kaas oo lagaaga baahan yahay nalooga baahan yahay in aan ku dhaqano waqtiyadeena adag.

➤ waa dad u arka nolosha dhanka wanaagsan.

In marwalbaa noloshaadu wanaagsanaato ama ay noqoto sidii aad rabtay muhiim maahan dabcan wax waa kaa halaabaayaan waxna waa kuu toosaayaan sidaatarteed dadka leh shaqsiyada adagi waxa ay u arkaan nolosha dhanka wanaagsan, ayagoo  dhibaatadii soo martay aan u istaajeen noloshooda.

Unoolaanshaha dhanka wanaagsan ama in aad noloshaada u dhigto dhanka wanaagsan waxa ay naga saacidi kartaa inaan homar iyo isbadal  kala duwan ku sameeyo nafteena anago heleeno waqti wanaagsan oo aan ugu doori karno in nafteenu unoolaato qaab fiican. Sidookale, waxaa noo suurtoobeedo in aanan ka niyad jabin wax qabadka aan nafteena wax uga badali laheen.

➤ Maahan dad qiimeeya waxa dadka kale ka aaminsanyihiin.

Hdii aatahay qof yaqaan waxa uu asagu yahay, baahi uma qabtid in aad ogaato waxa ay dadka kale kaa aaminsanyihiin.  Dadka leh shaqsiyada adag inta badan waa dad ku howlan naftooda mana waqtigooda ku dhumiyaan ka walwalida  waxa ay dadku ka aaminsanyihiin. Waxa ay wax caadi ah u arkaan in dadka qaarkood  ka soo horjeesan karaan fikirkooda maxaa yeelay dadku is ku fikir maahan. Sida si lamid ah waxa ay xushmeeyaan dadka laakiin maahan dad unoolaado in ay raali galiyaan dadka.


  Isweydii adigu maleedahay shaqsiyada?


Gunaanad, Shaqsida adag waa wax aad sameysankarto marka aad dooneyso inaad naftaada ku sameyso is badal. Waxay muhiim utahay qof walbaa oo dareemaayo in naftiisu hooseedo. 


bottom of page