top of page

Read Posts

10 OF THE WORLD'S SMALLEST COUNTRIES BY AREA

Waxaa jiro wax yaabo ay ka siman yihiin dhammaan Waddamada caalamka iyo wax ay ku kala duwanyiin. Wax yaabaha ay ka siman yihiin waxaa ka mida, Luuqada, iyo calamada, yacnii ma jiro wadan aan laheeyn luuqad ame calan lagu aqoonsado. Sidookle wax yaaba ay kula duwanyihiin waxaa ka mida, dadka tira dooda, dhaqamada, wax maamulida, iyo dhulka ame area da ay ku nool yihiin dadkaas. Waddamada qaar waxay heestaan dhul baaxad weyn waxaa ka mida Russia, oo ah waddanka ugu baaxadda weyn dhunida, Waxaa ku xiga Canada oo ah iyane waddanka labaa ee ugu baaxadda weyn dunida , Mareekanka ayaa ah waddanka sadexaad ee ugu baaxada weyn dunida. Sidaadarteed,wxaa jiro waddamo ku waas oo baaxaddoodu yartahay, ahne waddamada ugu baaxadda yar dunida. Waxaa kamida waddamadaas baaxadoodu yartahay kuwaan hoos ku qoran.


1: Vatican City:

Waddanka ugu horeeyo waa Vatican City, waa dowlad ka mid ah dowladaha madaxa banaan oo u gune yar aduunka, Waxay ku taal qaarada Yurub. Waxaa ku xeeran ame ay kutaal gudaha Rome, Italy. Luuqadeedana waa Latin/ italian. Dhulka uu ku fadhiyo wadankaani waxaa lagu qiyaasaa dhul dhan 0.19 square miles ama 0.49 square kilometres taas oo ay ka dhigantahay iney tahay dowlada ugu yar aduunk. Dadka ku noo tiradooda waxaa ayane lagu qiyaasaa 825 ilaa 900 oo qof.


2:Monaco (0.78 square miles):

Dawlada labaad waa Monaco oo ah dowlad magaaleed madax banaan oo xeebo ku hareersan yihiin . waxay kutaal Riviera Faransiiska ee Galbeedka Yurub. waxaay ku hadalaan dadka ku nool Monaco luuqada Faransiiska. dhulka uu ku fadhiyo uu ku fadhiyo waxaa lagu qiyaasaa 0.78 square miles. Sidookale, dadka ku nool Mnaco waxaa lagu qiyaasaa 36,686 oo qof, taasoo ka turjumeeydo iney dad yar ku noolyihiin.


3:Nauru (8.1 square miles):

Nauru oo ah waddan jasiirad ah horayna loo dhihi jiray jiray Pleasant İsland. Kutaal aaga Oceania ee bartamaha badda baasifigaa. Wxaa daris la ah jasiirada Banaba ee waddank kiribati.Labadaan jasiiradood ee Banaba iyo Nauru waa is ku dhow yihiin laakiin waxa ay ku kala duwanyihiin iney Naura ay tahay jasiirad baddax banaan, halka Banaba ay tahay jasiirad ka mid ah waddanka jasiiradaha ee kiribati. Caasimada dowladaan waxaa la yiraahdaa Yaren. Dhulka uu waddankaas ku fadhiyo ayaa ah 21 km² kilometres square( 8.1 square miles), halka dadka ku nool tiradoodu ay tahay 12,511 qof. Luuqada ay ku hadlaan dadka Nauru ayaga ayaa leh. Nuaru ayaa ah jasiirada sadexaad oo dowladaa oo ugu yar aduunka marka laga soo tago Monaco iyo Vatican City oo ka sii yar ayada.


4:Tuvalu (10 square miles):

Tuvalu ayadane waa jasiirad madax banaan oo ku taal Polynesian, kana mid ah waddamada ugu yar aduunka. Caasimada waddankaan waxa waayo Funafuti. Tuvalu waxaa gumeysan jiray ingariiska waxa uu na ka xoroobay 1979kii . Waa jasiirad aad u yar taaasoo aanan laheyn dalxiisa yaal badan. Tuvalu waxa ay leedahay bed dhul ah ku dhawaad ​​26 km² (10 square miles . Dad ka ku nool Tavalu tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 11,204 . Luuqada ay ku hadlaan waa luuqada Tuvalu sidookale luuqada ingariiska waa ku hadlaan.


5:San Marino (24 square miles):

San Marino waa dowlada yar sidookale lagu magacaabo jamhuuriyada xasiloon. Waa dowlada 5aad oo ugu yar aduunka taas oo buuro ku hareersanyihiin. Waxay taal dhexbartanka waqooyiga Talayaanka İtaly. San Marino waa dowlad aan lahay bad ame xeeb. Badka ame baaxada ay ku fadhiso San Marino waxaa lagu qisaa ( 61 square kilometers24) (square miles). Sidookale, dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 33,745.


6:Liechtenstein (62 square miles):

Liechtenstein waxay u dhaxeeysaa Austria iyo Switzerland. Waa waddsnka lixaad ee aduunka ugu yar. Caasimada waddankaan waa Vaduz dadka ku nool caasimada tiradoodu waxa ay gaareesaa 5,450 oo qof, dabcan waa tiro aad u yar. Dhulka ay Liechtenstein ku fadhiso baaxadiisa waxa waayo 158 km² (62 square miles). Dad keedu waxay ku hadlaan luuqada Jarmalka, tiradoodane waa 39,039 qof.


7:Marshall Islands (70 square miles):

Marshall waa jasiirad dowladeed oo madax banaan taas oo kutaal bartamaha Badweynta Baasifiga, inta u dhaxayso Hawaii iyo Filibiin. dhuka ayku fadhiso waxaa lagu sheegaa iyadane ( 181 km²)(70 square miles). Dad ka ku noolne waa 42,050.Jasiiradaan ayaa ka mid ah tobanka waddan ee aduunka ugu yar marka la jooga dhanka baaxadda.


8:Saint Kitts and Nevis (101 square miles):

Saint Kitts and Nevis waa waddan laba jasiiradood ah , ame labo jasiirad oo waddan ah. waxay ne ku yaalaan inta u dhaxaysa badweynta Atlantiga iyo badda Caribbean-ka. Waxay caan ku yihiin buuro iyo xeebo daruuruha qarinaayo. Dhulka ay ku fadhiyaane waa (261 km²)(100.773 square miles). Tirada dadka ku noolne waa 47,606 qof.


9:Maldives (120 square miles):

Maldives waa jasiirad xor ah ame madax banaan taasoo ku taala koonfurta Sri lanka waxa ay na dhacdaa dhanka Badweynta Hindiya, waxa ay leedahay jasiiradooyin baddan oo gaaraayo ku dhawaad 1200 oo jasiiradoo. Caasimada waddankaas waxaa la yiraah Male.Maldives ayaa ka mid ah waddamada ugu yar aduunka. Waxa ay leedahay dhul baaxadiisa gaaraayo qiyaastii (298 km² kiiloomitir laba jibaaran )(115 mayl laba jibaaran). Tirada dadka ku noolne waxay dhanyihiin 521,457 oo qof.


10:Malta (122 square miles):

Malta oo ah waddanka ugu danbeeyo ee aan ka hadleeno, ahne mid ka mid ah waddamada ugu yar caalam balac iyo dad ahaan ba, ayaa ah jasiirad ku taal bartamaha Mediterranean ee u dhaxaysa Sicily iyo waqooyiga Afrika. waxa ay caan ku tahay goobo taariikhi ah. Caasimada dowladaan ayaa ah Valleta. Balaca dhulka ay Malta ku fadhiso waa (316 km² kiiloomitir)(122 square miles). Waxaana ku nool dad gaaraayo 518,536 oo qof. Luuqada ay ku hadlaan waa Malta sidookalene eglish waa ku hadlaan.


Ugu danbeyn. Dhamaan dowladaha aan soo sheegnay waa kuwo dhulkoodu iyo dad ka ku nool ay aad uyar yahay marka loo eego dowladaha kale ee aduunka. Sikastaba ha ahaatee waxa ay kala simanyihiin dowladaha adduunka maamulka iyo tayada kunoolaanshaha ame dhaqaalaha, halka kuwa qaar ay ka mid yahiin kuwa ugu daqliga baddan aduun ka sida Liechtenstein oo ah waddan ka mid ah wadda mada ugu dhaqaalah baddan aduunka.

Waxaan rajeynaa inaad wax badan ka fahamtay qoraalkaan.


bottom of page