top of page

Read Posts

İntrovert personality

introverted: waxaa ladhahaa qof ka leh sifo nuuc shaqsi ah, waxaana loo yaqaan caadiyan introvertion,taasoo sheegeeso in qofka ah introvertiokaa uu yahay qof aan hadalka badneen oo hadal koodu yar yahay amabe aanbe jeclayn iney hadlaan, ahna dadka jecel ame ku raaxeesto kali nimada halka ay dadka dhex gali lahaayeen. Waxa ay daneeyaan iney waqti laqaataan dad yar sida hal ame labo qof ah buuqa iyo dad yoowga baddane majeclo dadka leh sifada introvertionkaa.

Waxaa jiro labo sifo oo dadku ay leeyihiin. Sifooyin badan dadku waa leeyihiin laakiin labadaan sifo waxay ka mid yihiin sifooyinka muuqdo oo dadka lagu arko. labadaas sifo waan introverted iyo extroverted. İntroverted hadaan si guud u macneeyo waa dadka aan hadalka badneen halka extroverted na ay tahay dadka hadalka badan. Waxaa laga yaabaa in aad dhowr jeer maqashay labadaan sifo oo aadne ka heesato micno guud. Sifada ah introverted oo ah mida aan ka hadli doono waxaa laga yaabaa markii aad maqasho iney kuugu soo dhacdo qof ame dadka xishoodka ame cabsada oo aamusnaan toodu baddantahy. Sikastaba ha ahaatee, waxaa jiro wax intaas ka baddan oo dadkaasi leh sifadaas ay leeyihiin. Seynis yahan la yiraah Carl Jung oo ah seynis yahan udhashay dalka Switzerland waxaa la weydiiyay inuu qiixo ama uu is barbar dhigo dadka leh labaddan sifo ee kala ah introverted iyo extroverted.Waxa uu ku qiiraxay İntrovertedka iney yihiin dad u jeestay ame ku mashquulsan maskasdooda iyo naftooda , halka dadka extroverted kaa ay yihiin dad ubaahan oo raadiya dadka kale tamartooda, baahi saaida yacnii u qabo dadka kale.. Qoraal kaan waxaan uga hadli doonaa mid ka mida labadaas sifo waana introverted.

Introversion waa sifo shakhsi ah oo lagu qeexo, u janjeerida gooni-isu-taagga .

Dadka Introverted ka ah waxay ay xaaladaha dagan ka helaan nasteexo iyo tamar. Dadka ah introverts waxay leeyihiin kartiyo kala duwan kuwaas oo gacan ka geysta korriinkooda shakhsi ahaaneed iyo guushooda.. Introverts kaa waxay jecel yihiin inay keligood waqti qaataan taas oo u ogolaaneeso inay baaraan fikirradooda, dareenkooda, iyo qiyamkooda. Shakhsiyaadka nuucaas ah inta badan waxay wacyigaliyaan naftooda, taasoo u horseedda iney korto shakhsiyadooda iyo aqoon wanaagsan oo naftooda ah. Sidookale, dadka Introverts ka ah aad ay ugu fiican yihiin dhegeysiga oo Waxa ay na leeyihiin rabitaan dhab ah oo ay ku fahmaan dadka kale waxayna badanaa yihiin dhegaystayaal aad u wanaagsan. Introverts waxa laga yaabaa inay dhisaan xidhiidh adag oo ay la yeeshaan shakhsiyaadka iyagoo fiiro gaar ah u leh xiriirkooda, waxayna siiyaan taageero dhab ah fikkradaha iyo dareenka dadka ay xariirka la leeyiniin. Dhanka kale, doorashadooda gooni-isu-taagga iyo ka-fiirsashada deggan waxay u oggolaanaysaa waqti iyo feejignaan loo baahan yahay si ay u soo saaraan fikrado cusub oo ay si qotodheer uga fikiraan, ogowna dadkaas iney yihiin dad inay si madaxbanaan u fikiro una xaliyaan dhibaatooyinka soo wajaha si feejignaan iyo calsooni ku jirto.

Ugu danbeeyta, dadka iIntroverts waxay inta badan leeyihiin duni gudaha ah yacnii waa dad leh hami iyo rabitaan aan laga dareemin oo kobcaysa oo lehne hal-abuuro. . Awooddooda ay ku galaan fikradahooda iyo shucuurtooda waxay ka caawisaa inay abuuraan fikrado asal ah. Kartida dadka introvertska iyo dareenka qotada dheer waxay kicisaa hal abuurkooda waxayna ku daraan hal-abuurnimadaas, hadday tahay qaybaha fanka, suugaanta, ama cilmi-baadhista. Waxaa intaas dheer, In kasta oo ay leeyihiin xidhiidh bulsheed oo yar waxay jecel yihiin is-dhexgalka qoto dheer oo waara, waxa ay na ku qiimeeyaan tayadooda ,waxayna ku bixiyaan waqtigooda iyo xooggooda si ay xiriir macno leh ula yeeshaan dadka kale. Dadka nuucaasa ee aa soo bandhigay waa saaxiibo daacad ah, la aamini karo, oo la isku halleyn karo kuwaas oo siiya nidaam taageero oo adag kuwa ay daneeyaan.

Gunaanad, Waxaa muhiim ah in la fahmo in isdhexgalku aanu ahayn xaddidaad, laakiin waa qayb la qiimeeyo oo kala duwan. Qabashada iyo garashada kartida dadka is dhex galiyay waxay u horseedi kartaa bulsho loo dhan yahay.oo dheeli tiran.


U ogow Sikooban Calaamadaha ugaarkaa İntroverts ka:
  • Waa dad aan goaan si dag dag ah uqaadan.

  • Waa dad aan jecleyn iney dadka baddan la shaqeeyaan sida group ahaan.

  • Waa dad jecel iney wax qoraan halka ay ka hadli lahaayeen.

  • Waxa ay ku daalaan ame ku caajisaan buuqa baddan.

  • Kali nimada ay ku dareemaan amni raaxo iyo daganaan.

  • Waxa ay mar karto baahi u qabaan aamusnaanta.

  • Waa dad is ku qanacsan ogne dabeecada ay leeyihiin.

  • Waxa sameestaan saaxiibo yar, waxa ayna layeeshaan xariir wanaagsan.

  • Waxa ay isticmaalan mala awaal, si ay u xaliyaan dhibaatadooda.


Meeqo Qeyb ayay sifadan İntroverted ka ay leedahay:

Waxaa jiro dhowr nuun oo ay uqeebsanto ame laga helo dadka leh sifadaan aan kasoo hadalnay, dadka leh sifadaane waa labadaas nuuc.

  • Nuuca koowaad, dadka sifadaanleh waa dad leh ame sameeysto group yar oo ka kooban sadex ilaa labo qof waxaan ka dhaxeedo wada shaqeyn weyn, waxa ayna soo saaraan wax muuqda.

  • Nuuca labaad, dadkaanu maahan dad jecel iney dad dhan la shaqeeyaan, waxa ay rabaan iney kali ku ahaadaan waxa ay qabanaayaan. Waqtiga intiisa baddan waxa ay ku qaataan fikir, waana dad umuuqdo iney yihiin dad hal abuurleh.

  • Nuuca sadexaad, dadka nuu caana waa dad fikira ka hor inteysan wax sameeyn.Si ay talaabo wanaagsan uqaadaan waxa ay gadaal u dhigaan qaadashada go,aanka dad dagaa.

  • Nuuca afaraad, waa walaac baddan yihiin.waxa ay ka wal walaan wax aan micno saaida lahayn sida iney ka cabsadaan marka ay dadka lajoogaa ame ay rabaan iney hadlaan.

Waxaa laga yaabaa in war bixinada qaar ay wax ku soo kordhaan, sidookalene ay wax ka badalmaan. Sikastaba ha ahaate, adigu ma lee dahay dabeecadaan oo ma is tiri sifooyin aad leedahay ayaa ku jiro.


Recommended:


Wax yaabaha negative ee laga aamin sanyahay dad ka İntroverts kaa:

Waxa ugu daran oo la dhihi karo dadkaas waa lagu dacaayadeeyaa waxa waayo iney yihiin dad xishood baddan. Waa laga yaabaa iney yihiin dad saaid u aamusan sidookalene waa laga yaabaa dad ka leh sifadaan qaar kamida iney yihiin kuwo xishood baddan.Waxaa kaloo ka mida iney ay yihiin:

  • dad aan aheyn dadka jecel iney saaxiib sameystaan. Muhiim maahan inaad saaxiib leeydahay ee muhiimadu waa inaatahay qof lagu tashan karo.

  • İn ay san noqon ka rin madax ame leaders. İn aad ku hamiso inaad biri wax maamusho waa wax qofka qalbigiisa ku jiro,taasna waa ay ka simar yihiin extroverts iyo introvertskuba.

  • Barashadoodu waa adag tahay sikale hadaan u dhaho waxaa adag in la la sameeyo xariir. Sidaan soo sheegnayba dadka sifadaan leh waa dad la socdo ame la saaxiibo dad yar waxa ay na la yeeshaan hadhow xariir qurux baddan. Markasta aatahay qof dad baddan waa mar kasta oo aad dhumisaa kuwii kuu dhawaa.

  • Dadka leh Sifadaan waxaa lagu dhaliilaa in aysan ku fiicneen xariirinta dadka ame lashaqeyn ta dad baddan.



bottom of page