top of page

Read Posts

Nature and Nurture

Nature/ dabeecada vs nurture/ barbaarinta.

Waxaa jirto labo saamayn oo aasaasi ah ku waa soo muhiim u ah ame qaabeeya horumarka aadanaha iyo dhaqankooda, la aan toodna ay san aadanuhu waxbe aheen . Waxa ayna kala yihiin dabeecada iyo barbaarinta. Dabeecadu waxa ay tilmaamaysaa arrimaha hidda-socodkaa ee ay waalidkeenu noo gudbiyaan. Kuwaas waxaa ka mid ah qaab-dhismeedkayaga hidde-sideyaasha, DNA-ga, iyo sifooyinka la dhaxlo. Dabeecada waxaa lagu sifeenkaraa arrimo laxariiro biologyga sida jirkka qofka, xirfadaha gudaha, iyo xitaa qaar ka mid ah shakhsiyaddeena. Saameenta labaad oo ah barbaarinta qofka ayaa ah saamaynta deegaan ka ee uu qofku la kulmo inta uu nool yahay oo dhan. Ku noolaanshaha deegaanka ame qoyska lala noolaanaayo, waxbarashada, dhaqanka, xiriirka bulshada, iyo dhacdooyinka nolosha ayaa dhamaantood waxa ay la xariiraan barbaarin. Kobcinta iyo dabeecaduba waa wax inta badan is la xariiro waayo kobcintu waxa ay saameyn weyn ku leedahay dabeecadda, qiyamka, iyo awoodda garashao ee qofka. Tusaale ahaan Ilmaha ku koray deegaan daryeel iyo dhiirigelin leh, waxa ay u badan tahay in uu yeesho awood dabeecadeed iyo luuqadeed oo ka sarreeya kan aan haysan ame aan soo helin fursadahaas. Dabeecadda iyo barbaarinta aadanah ayaa si isku mid ah u soo jiidatay cilmi-nafsi yaqaannada, bayloojiyada, iyo indheergaradyada. Qoraalkaan waxaan ugu tala galay in aan kaga hadlo wax ku saabsan labadaan saameyn ee nolosha aadana la xariiro.


- Asaaska Hiddaha:

Xeerkaan Hidde-sidahaa caadiyan waa waxa aan ka dhaxalno waalidkeena. Waxa uuna go’aamiyaa sifooyin jireed sida dhirirka ame gaabnida, nuuca ay indhaheenu u egyihiin ame usameeysanyihiin, kalarkaada iyo inaad unuglaano cudurada qaar. Hidde-sidayaasha ayaa sidoo kale saameeya qaybo ka mid ah shakhsiyadeena sida inaa tahay qof dabeecad wanaagsan, dabeecad adag iyo inaa tahay qof dagan. Hidde-yaqaannada hab-dhaqanka waa daraasadda sida hiddo-wadaha qaarkood u saameeyaan sifooyinka dabeecadda. Sidookale, waa waxa ugu horeeyo ee aan dhihi karno waa na saameeyaan.


- Arrimaha la xariiro deegaanka:

Maahan wax la iska indha tiri karo ame la hilmaami karo in wax yaabaha nagu hareersan ay saameyn weyn ku leeyihiin koritaan ka yaga, taas oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqa qoyska, waxbarashada, dhaqanka meesha aan ku noolnahay, iyo booska bulshada ame dadka aanu kulano ame qeebka ah nolosheena. Marka loo eego cilmi-baarayaasha, waxa ay dhahaan daryeelka iyo taageeridda agagaarka yaga ( waxa nagu hareersan) waxay hagaajin karaan awoodda garasho iyo fiyoobitaanka shacuureed ee nafteena. dhanka kale, waayo-aragnimada xun, waxay yeelan kartaan saameyn dheer oo ku saabsan caafimaadka maskaxda iyo dabeecadda qofeed.


- sida ay iskula xariiraan Dabeecadda iyo Kobcinta qofka:

Epigenetics waa saynis kaa soo isku xira dabeecadda iyo kobcinta ame barbaarinta. Waxay na baraydaa sida kicinta deegaanku ay u saameyn karto muujinta hidda-wadaha iyada oo wax aan saameyn ah ku yeelan taxanaha DNA-da. Tani waxay natusaysaa in waaya-aragnimadeena iyo deegaankeena laga yaabo inay kaga tagaan raad molecular hidde-sideyaashayaga, ay na beddalaan hawlahooda sidookalane ay suurtogal tahay inay u gudbaan jiilalka mustaqbalka.


- La qabsiga Maskaxda:

Waxaa jiro wax la dhaho Neuroplasticity oo sidookalane loo yaqaan brain plasticity ame neural plasticity waa awoodda ay maskax du wax kula qabseedo hadane ay isku badasho iyo dib u habeynta nafeed si ay uga jawaabto waayo-aragnimada, waxay xoogga saartaa saameynta deegaanka ee horumarinta maskaxda iyo qibradaha . Dhaxalka iyo waayo-aragnimada ayaa saameeya waxbarashada, xusuusta, iyo xirfad helista, yacnii wax aad udhalatay oo waalidka ka dhaxasho iyo wax aad soo aragtay sida meeshaad ku nooleed, waxa ay saameyn ku leeyihiin xasuustaada, xirfadaha aad taqaan qaar iyo waxbarashadaada. neuroplasticity waxay muujisaa awoodda cajiibka ah ee maskaxdu u leedahay la qabsiga, barashada, iyo soo kabashada dhaawacyada inta lagu jiro nolosha. Fikradani waxay bedeshay fahamka ah maskax-xumada, waxa ayna leedahay saameyn fog oo xagga waxbarashada, daawaynta, baxnaaninta, iyo habkeena guud ee caafimaadka maskaxda.


- Critical Periods iyo Sensitive Periods:

Waa labo waqti oo soo mara nolosha aadanaha waxa ay na saameyn ku leeyihiin hormarka dadka. Critical periodska hadaan wax ka sheego, waa wakhti ga uu nooluhu aad ugu nugul yahay inuu helo astaamo ama karti gaar ah sida marka uu qofku yahay caruur. Haddii waayo-aragnimada loo baahan yahay aan la bixin wakhtigan, waxay u horseedi kartaa cillado waarta ama dhibaatooyin nolosha dambe ee qofka . Horumarinta luqadda ee bini'aadamka ayaa tusaale muhiim ah u ah marxaladdaan aadka u muhiimkaa. Carruurta aan helin soo-bandhigidda luqad ku filan inta lagu jiro xilliga ay baran karaan luqadd , waxaa laga yaabaa inay ku guuldareystaan ​​inay helaan awood luqadeed oo buuxda. Dhankakale, sensitive periodska is na waa waa wakhti ga uu nooluhu aad ugu furfuran yahay barashada iyo la qabsiga khibradaha cusub, Iyadoo saameyntu ay xooggan tahay xilliyadaan, ma aha mid si adag u xaddidan. waxaa lagu gartaa sensetive periods ka awoodda waxbarashada oo la xoojiyo. Kobcinta xirfada bulsheed ee aadanaha ayaa ah hal tusaale ee sensitive periodska. Baahiyaha nolosha qofka waxaa ka midda labadaan waqti iney helaan.

Gunaanad, Dabeecadda iyo barbaarinta ame kobcinta qofka waa labo tilmaam oo iska soo horjeedo. Waa saameyno ay qof waalbaa somaraan laakiin lagu kala duwan ayahay. Labadaan saameyn Waxa ay ka imaan karaan labadaba hidaha iyo deegaanka, waxa ay saameyn xoog leh ku yeelan karaan nolosheena oo ay ugu horeedo caafimaadkeena sida maskaxka , waxbarashada iyo waxii lamidkaa ee la xariiro nafteena ame nolosheena.


Suaalo kuugu saabsan oo la xariiro qoraalkeena:

- Waa sidee noloshaada?

- Ma jiraan wax saameyn ku gu leh?. Maxaase kuu sababay saameyntaas?

- Saameyn intee la eg ayay waalidkaa ku leeyihiin noloshaada?.Sidookale ma jiraan saameyn aad lee dahay waxaa - igu sababay deegaan keeyga, mid xun ame mid wanaagsan intaba?

- Ma jiraan dabeecad aad dhaheedo waxaan ka keenay waalidkey ?. Sidookale, majiraan dabeecad aad dhaheedo waxaan ka keenay deegaan keyga?

- Ma jiraan wax saameyn ah oo ay kuugu yeesheen dadka aad lanooshahay? Ame ma jiraan saameyn aay kuugu yeesheen dad aad la soo noolaatay oo aad nolol wadaag aheey deen?

- Saameyn intee la’eg ayay kuugu yeelatay waxbarashadaadu?

- Ma jiraan wax saameyn ah aad ku yeelatay qof ame bulsho dhan?. Saameyn nuucee ah ayaadne ku yeelatay ?


Related Posts










bottom of page