top of page

Read Posts

What are the advantages and disadvantages of cold water

Biyaha waxa ay boqolkiisa 75% ilaa 60% ka kooban yihiin jirkeena, waxay muhiim u yihiin nolosheena, waana faaiidada ugu weyn oo ilaahey ugu arsaakhay adoomihiisa aduunka kunool.Biyahu waxa ay u wanaagsan yihiin nolosheena dhanwalba oo ay ugu horeedo dhinaca caafimaadka, sida aan ognahay na la,aantood noloshu waa istaagee . Kunoolaansha nolol dheer oo caafimaad leh waxaa ka qeyb qaata in aad heesato biyo. Biyahu waxa ay sifeeyaan ame dhaqaan kilyaheena ayaga oo suurta ka linaayo in kiliyahu ay sifiican u shaqeeyaan, waxa ayna koriyaan jirkeena dhamaan. Sidookale biyahu ay naga baabi iyaan daalka aan dareemno, waxa ayna naga dhifaaci karaan xanuunada qaar gaar ahaan xanuunada ku dhaco dheefmareenka iyo caloosha sida gaaska iyo kilyo xanuunada sida egfashinka ku dhaco kilyaha iyo waxii lamida kuwaas .Taas waa sii dheer in, cabidda biyaha yar ayaa waxa ay dadka qaan gaarkaa u sababi karaan cimri dag dag, sida cilmi baarayaashu qaar ay aamin sanyihiin. Heerkulka biyaha waxay saamayn kala duwan ku leeyihiin jirkeena. Biyaha qaboow, gaar ahaan, waxay bixiyaan faa'iidooyin iyo waxyeelooyin ay tahay in la baaro. Maqaalkani waxa uu ka hadli doonaa faa'iidooyinka iyo khasaaraha ay leeyihiin biyaha qaboow, taas oo iftiiminaysa saamaynta suurtagalka ah ee ay ku yeelan karaan caafimaadkeena.


-Diyaar unoqo inaad akhrisato faaiidooyinka iyo faaiido xumada biyaha qaboow:

1 ) Faaiidooyinka biyaha qaboow:

saameynta dib usoocelinta ah , waa mid ka mid ah faaiidooyinka ugu horeeyo oo ay leeyihiin biyaha qaboow, marka aytahay xili kuleel ame aad sameeso jimicsi adag, biyaha qabow waxay nafis degdeg ah siiyaan ama ay qaboojiyaan jirka waxa ay na ka saaraan haraadka. Sidookale, waxa ay cusbooneeysiiyaan dareenka maqaarkeena iyaga oo buuxinaayo heerarka tamarta yaga.Intaa waxaa dheer, waxaa jirto cilmi baaris muujineeso in cabidda biyaha qaboow ay si kumeel gaar ah u kordhiyaan metabolismka. Marka jirku isticmaalo biyo qabow, wuxuu ku bixiyaa tamar si uu u kululeeyo si uu u daboolo heerkulka gudaha. Gubashada kaloorigan yar waxay u horseedi kartaa metabolismka wax ku ool ah. Marka ay meel ku bararto, sida markaad cirbad isku durto ka dibne aay meeshii ku bararto ame marka uu muruq ku bararo, biyaha qaboow waxay kaa saacidi karaan in bararkaas ay yareeyaan. Ciyaar tooyda ayaa si joogto ah u isticmaalaan biyaga qaboow si uu muruqoodu u helo soo kabasho. Keed siga energiga ame in aysan kaa bixin enegry baddan waxaa sababikaro biyaha ame hawada qaboow. Tusaale, marka aadku qubeeseedo biyo qaboow ame marka aad joogto meel qaboow uma baahnid inaad bixiso ame beerdareedo energy baddan sida aad energy baddan ubixido xiliga kuleelahaa, tan ayaa ah faaiido macno weyn leh. Mida la midkaa keeydsiga energiga ahna faaiidada ugu danbeeydo oo ay leeyihiin biyaha qaboow waxaa waayo, ilaalinta nutritients( Nutrients /Nafaqada), biyaha qaboow markaad cabto waxa ay ilaaliyaan nafaqada jirkaada ku jirto taasoo kuu sahli doonta adiga inaad hesho nafaqo baddan.

Waxaa jiro dhowr nuuc oo faaiido ah oo ay leeyihiin biyaha qaboow hadii ay tahay, nafis in ay siiyaan jirkeena, cusbooneysiinta dareenka maqaarkeena, daboolida heerkulka jirkeena, yareeynta bararka ku yimaado qeybka mid ah jirkeen , keedsiga energiga iyo ilaalinta nafaqada , ayaa ah faaiidoyinka wax ku oolkaa ee aanu ka helno biyaha qaboowgaa.

Posti yada laxiiro:


2) Dhibaatada ame faaiido xumada ay leeyihiin biyaha qaboowgaa:

Hadii ay jiraan faaiidooyin ay leeyihiin biyaha qabow sidookale waxaa jiro faaiido xumo ay leeyihiin biyaha qaboowgaa. Hal ka khasaare oo suurtagalka ah oo ay leeyihiin biyaha qaboowgaa ayaa ah saamaynta dheefshiidka. Cabbitaanka biyo aad u qabow marka aad wax cunayso waxay carqaladayn kartaa dheefshiidkaada. Heerkulka qaboowgu waxa uu xannibaa xididdada dhiigga, waxa uuna dib u dhigaa dheefshiidka markaa waxaa adkaaneeso in uu jirku si ku filan u burburiyo cuntada. Sidookale , biyaha qaboow waxay keenaan ilko xanuun ame ilko waliil, taasne waxay kaa hor istaagee inaad hadasho ame aad dhoola cadeeso adigoo dhibsaaya waliilka ame xanuunka ku qabanaayo waqtigaas,waxaana laga yaabaa in aad wal wal joogta ah uu ku haayo. Sidookale, biyaha qaboowgaa maahan kuwo kaa saaraayo wasaq da ame jeermiska xiliga aad qubeysaneeydo. Joogista ame ku noolaanshaha qabowga waxaa laga yaa baa in ay qofka u keenaan maddax xanuun iyo in uu qofku ku dareemi waayo daganaan, xasilooni ame raaxaad. Faaiido xumada ugu danbeeydo oo ay lahaan ka raan biyaha qaboow waxaa ay noqon kartaa in biyaha qaboow ay keenaan quman xanuun ame qufac daran. Hadii ay qumanku awal horay kuu xanuuni jireen waxa dhibkuugu ahhaan doon ta inaad cabto biyo qaboow waayo waxaa laga yaabaa iney ku bararaan ame xanuun iyo qufac daran ay kuu keenaan, waxaa na adkaan doonta inaad wax cunto ame cabto marka ay qumanka kuugu kacaan .

Gunaanad, biyaha qabowgaa waxay leeyihiin faa'iidooyin iyo dhibaatooyin badan oo ay tahay in la tixgeliyo. Haraad suulinta, qaboo jinta jirka, kor uqaadida metabolismka, yareenta bararka murqaha ame meelkale oo jirkaada kamida , keeydinta tamarta iyo ilaalinta nutrients keena waa faaiidooyinka ay noo leeyihiin biyaha qaboowgaa. Sikastaba ha ahaatee, saameeynta dheef shiidka, ilkaha oo ku xanuuno, qumaka oo iyagane ku xanuuno, inuu san qofku dareemin mar marka qaar xasilooni marka uu joogo meel qaboow saaid ah ama biyo qaboow ah uu ku qubeeysto, inuu madax xanuun qof ku dareemo, iyo in ay san jeermiska dhaqi kareyn ayaguna waa faaiido xumada ame qasaara ha ay leeyihiin biyaha qaboowgaa.

Shakhsiyaadka waa in ay tixgeliyaan dookhyada shakhsi ahaaneed, arrimaha caafimaadka, iyo duruufaha gaarka ah marka ay go'aansanayaan heerkulka biyaha ugu fiican ee la isticmaali karo, iyaga oo la ogyahay wax qof u wanaagsan in uu qof kale ufiican yahay hadane waxaa fiican in lasameeyo wax layiraah is ku dheeli tir, taas ayaa ah mid noo sababi karta caafimaad iyo ku noolaanshaha nolol dheer oo wanaagsan.


İs weydiisay suaalahan:

- Macabtaa biyo kugu filan?

-Majeceshahay inaad cabto biyaha baddan?

- Biyo nuucee ayaa jeceshahay inaad cabto, sida qaboow , kuleel ame meel dhex dhexaad kuwo ah?

- Ma ku qabtaa dhibaato biyaha qaboow? dhibaato nuuceese aad ku qabtaa?

Eray bixin:

Meaning of metabolism: waa habka ay cuntadu ku noqeeso tamar ame energy. Marka aad wax cunto cuntadaada waa la burburiyaa waxay na noqee tamar ame energy, taas ayaa la dhahaa metabolism.


By ashoweb.com

bottom of page