top of page

Read Posts

The most well-known languages in the world

‘Luuqada ha ugu caansan adduunka’


Bulsho waliba oo aduunka ku nool oo waxaa ka jiro dhexdooda khilaaf ama khilaaf la,aan.


Hadaba, adigu ma is weydiiday waligaa bulshada isqilaaf san ama aan iskhilaaf saneen sida ay ku ogaadeen in khilaafka dhex yaal?. Sidee se isku gu sheegaan khilaafka dhex yaal nuuca uu yahay?.


Dancan waxa ay ku xariireen Luuqad ama af ugaara.


Luuqadu waa habka ay bulsho yar ama badan ku wada xariiraan ayna is kugu gudbiyaan afkaartooda iyo danahooga gaarkaa. Luuqadu waxa ay door weyn ka qaadataa in bulshadu ay wada noolaadaan, ayagoo ku wada xariiraayo luuqada ay isku fahmaayaan. Waxaan dhihi karnaa bulsho ma wada noolaan karto luuqad ama af ay isku fahmaan la,aantiis sababtoo ah dadka ama qofku waxa uu u baahan yahay inuu hadlo oo uu cadeeyo dareenkiisa sida cabashooyinka iyo dareenkiisa ku aadan rabitaankiisa ama uu sheego waxa uu rabo inuu qabto sida shaqada. Marwalba oo aad u baahan tahay inaad wax cadeeydid ama aad wax qabatid waxaad ubaahee inaad hadasho waliba aad ku hadasho afkaada si ay kuugu hagaagaan waxa aad dooneysid. İntaa waxaa dheer luuqadu waxa ay saha shaa in la ogaado waddan ama bulsho taariikh dooda iyo asalkooda meesha ay ka imaadeen. Sikartaba ha ataahee, luuqadaha dunida looga hadlo maahan kuwo lasoo koobi karo laakiin waxaa jiro ku caan ah oo dunida daafihiisa laga maqlay ama aduunka barkiisaba looga hadlo. Qoraalkaan waxaan uga hadli doonaa luuqadaha dunida k uwooda ugu caan san,anagoo eegeeno dadka ku hadlaa inta ay la egyihiin.


Waa kuwaan qaar ka mid ah luuqadaha aduunka ugu caan san dadka intooda baddan ne ay ku hadlaan.


1:English language

Luuqada ingiriiska ayaa ah luuqad caalami ah oo caanka ah dunida idilkeed. Waxaa hubaal ah qof walbaa oo garasha leh aduunka joogane inuu maqlay luuqada ingiriiska yuusan ba ku hadine. Luuqada ingiriiska kaliya ku ma hadlaan dadka u dhashay sidookale waxaa ku hadla dad aan u dhalan. Wadar ahaan dadka ku hadlaa luuqada ingiriiska waxa waayo boqolkiiba 18%.8. Markii lakala dhigo, boqolkii 13%.8 waa dad u dhashay luuqada halka dadka aan u dhalan ay yihiin boqolkii 5%.


2:Chinese language

Luuqada shiinees ka ayaa ah luuqada labaad oo ugu caan san dunida. Shiineesku waxa uu leeyahay shan lah jadood, mida ugu caansan waxa la yiraah mandari ayada ayaana meelaha badankood looga hadlaa. Dadka ku hadlaa luuqada shiinesska wadar ahaa waa boqolkiiba 13%.8. Waxaan dhihi karnaa dadkaa shiineeskaa ayaa ah dad aad u badan sidaas ayayna caan ku noqotaday luuqadoodu.


3:india language

Luuqada hindia ayaa ka mid ah luuqadaha loogu hadalka badan yahay dunida ama kuwooda ugu caan san. Waa luuqada sadexaax ee dadku badankood ku hadlaan. Waxaa ku hadlo boqolkiiba 7.5%. Dadka u badan ee ku hadlaa luuqada hindiya waa dadka u dhashay. Markii laga soo tago dadka u dhashay luuqada hindiya, waxaa jiro dadkale oo aan u dhalan luuqadaas laakiin ku hadla hindi. Dadka hindiya waa dad ka mid ah dadka ugu tirada badan aduunka, sidaatarteen luuqada hindiya waxa ay noqotay kuwa ugu caansan aduunka.


4:Spanish language

Wadanka spainsh waa wadan ka mid ah wadamada ugu hormarsan aduunka, sidaa si lamida, luuqadooda oo ah Spanishka waxa ay ka mid tahay luuqadaha ugu caan san aduun, dad badan oo aduunka joogana ay ku hadlaa. Waa luuqad ay dadku jecel yihiin inay bartaan, oo goobaha lagu barto luuqada ha luuqada Spanishka ayaa ka mid ah kuwa ugu horeeyo oo dadka labaro. Dadka ku hadlo luuqadha Spanishkaa wadar tooda guud waa boqolkiiba 6.9%. Luuqada Spanishku waa luuqad dadku ay jecelyihiin barashadeeda iyo ku hadalkeeda intaba.


5:French language

Marka luuqad labaranaayo waxaa laga yaabaa in luuqadaas aadan jecleyn barashadeeda ama ku hadalkeeda, sidaa darteed, ah luuqada faransiiska maahan luuqad barashadeedu ay dadku nacebyihiin. Waxaa umoodaa in luuqada faransiiska ay tahay luuqad ku rux badan oo dadku waxa ay ba dhahaan luuqada faransiinsku waa luuqada ugu jacaylka badan aduun. Luuqada faransiiska kaliya kuma hadlaan dadka udhashay ee sidookale waxaa ku hadla dadkale sida wadamada uu faransiisku gumeystay. Waxaa lagu qiyaasaa dadka ku hadla faransiiska wadartooda guud iney yihiin boqolkiiba 3.4%.


6:Arabic language

Luuqada carabiya sidookala waxaan dhihi karnaa luuqada islaamka, ayaa ah luuqada lixaad ee aduunka ugu caansan. Waa luuqad dadka intooda badan ku hadlaan. Waxaa carabi ku hadlo dad u dhashay iyo dad aan u dhalan. Dadka ku hadlaa carabiga wadar tooda guud waxa lagu qiyaasaa iney yihiin boqolkiiba 3.4%. Luuqada carabiga ayaad kabarankarta ama ka heleysaa barasheeda goob walba oo lagu barto luuqada aduunka.


7:Bengali language

Luuqada totobaad ee ka mid ah luuqadaha ugu caan san aduunka waa luuqada la yiraah Bengali. Luuqadaan sanadii 2017 waxa ay aheyd luuqada labaad oo dadka ugu badan aduunka ay ku hadlaan. Waxaa ku hadla dad gaaraayo 284.3milyan oo qof. Boqolkiiba ne waxaa waayo dadka ku hadlaa 3.4%. Dad udhashay iyo dad aan u dhalanba intaba waa ku hadlaan luuqada Bengali.


8:Russian language

Ruushka oo ah wadanka ugu weyn aduunka,sidookalana ah wadanka labaad ee ugu awooda badan aduunka, ayaa luuqadiisu ka mid tahay tobanka luuqad ee ugu caansan aduunka. Luuqada ruushka waxay gashay lambarka sideedaan. Waxaa ku hadla luuqada ruushka boqolkiiba 3.2%. Luuqada ruushka maahan luuqad ka adag luuqada shiinaha hadana waxaa ku hadla dad kayar dadka ku hadla luuqada shiineeska.


9:Portuguese language

Luuqada sagaalaad oo aduunka ugu caan san waa luuqada Burtaqiiska. Luuqadaani waxa ay leedahay taariikh qoto dheer, asalkeeda waxa ay ka imaatay Romana oo waxa ku jiro erayo roman ah. Dadka ku hadla luuqada Burtaqiiska waxa ay iskugu jiraan dad u dhashay iyo dad aan u dhalan intaba. Wadarta guud ee dadka ku hadla luuqada Burtaqiiska waxa waayo boqolkiiba 3.2%,waxaa ku hadasho Burtqiiska in la eg dadka ku hadlo Ruushka.


10:Urdu language

Luuqada tobanaad ah ne mida ugu danbeydo oo aan ka hadli doono ayaa luuqad la yiraahdo Urdu. Luuqadaani waxa ay ka kooban tahay luuqado badan oo is ku yimaaday sida luuqada hindia. Sidookale waxaa lasheegaa in ay ku jiraan erayo Jermany ah. Meelaha ugu caansan oo looga hadlo waxaa ka mida Pakistan iyo Hindiya. Tirada dadka ku hadlo luuqada Urdu waxaa lasheegaa in ay yihiin boqolkiiba 2.9%.


Gunaanad, Lahaanshaha luuqad waa is fahanka bulshada ay is fahmaayaan midba midka kale kale. Luuqad la,aanteed bulsho mayeelan karaan wax xariira.Sidaadarteed bulsho walbaa waxa ay u baahan tahay nidaam ay ku xariiraan. Sidoo Kale horumarinta luuqadaada wax kale oo loobah yahay. Dhamaan luuqadahaas aan soo sheegnay waa luuqada ha ugu horumarsan aduunka, waxaana didaal ku baxshay bulshada u dhalatay.


Luuqad walbaa waxa ay u bahantahy bulshada u dhalatay


Byashoweb.com








bottom of page