top of page

Read Posts

Chinese|culture,people,and language

Jamhuuriyada rasmigaa ee chine waxa ay ku taal bariga qaarada Aasiya. Chine waa waddan ka mid ah waddamada ugu dadka badan aduunka, waliba waa kan labaad ee ugu dadka baddan. Waxaa la sheegaa in ka badan 1.4 bilyan oo qof iney ku nool yihiin chine. Waddan ka chine waxa uu lee yahay dhul juqraafi oo aad u weyn, xaduud ne waxa uu lalee yahay waddanka ugu wayn aduunka ee Ruushka. Caasimada shiinaha waa Beijing, taasoo leh taariikh soo jirtay saddex kun oo sano. Sidookale waddankaani waxa uu ka mid yahay afarta xadaaradood ee khadiimigaa oo aduunka soo maray, ilbaxnimadoodune waxa ay ka soo bilaabatay webiga Hwang Ho oo ah webiga labaad ee ugu dheer oo shiinaha ku yaal kana mid ah webiga lixaad oo aduunka ugu dheer iyo dooxada Yangtze oo ah webiga sadexaad ee aduunka ugu dheer.

Dadka:

Dadka shiineeska waa dad tiradoodu ay badan tahay, kuwaa soo gaaraaya 1.4 bilyan. Waa dad leh hido dhaqameed qani ah oo soo jirtay waqti hore. Sidookale waa dad kala duwan lehne qowmiyado kala duwan. 'Han Chinese' ayaa ah qowmiyada ugu baddan sida lasheegay, ayadoo ay jiraan 55 oo qowmiyado kalaa, leh ne dhaqamo , luuqado ame lahjado, iyo caadooyin ayaga ugaar ah. Kooxdaan lagu magacaabo Han caadiyan waa dad is ku dhaqan ah wax baddane ka mideysan halka 55 ka qowmiyadeed ay yihiin ku wo kala lah jad ah sidookalane kala dhaqana waxa ay na ku faafeen kala bar dhulka shiinuhu leeyahay. İntaa waxaa dheer, dadka shiinaha waa dad leh aqlaaq marka lajoogo wada shaqeeynta, kuna tarabiyeeyo caruurdooda ixtiraamida dadka waayeelkaa. Hadii ay noqoto dhanka wax barashada waa dad ku wanaagsan tacliinta jecelne iney wax bartaan.


Luuqada:

Waxaa jiro lamo luuqadoo oo caan ka ah shiinaha waxaana ku hadlo qowmiyadaha ugu waa weyn ee waddankaas. Labadaas luuqadood waxa waayo sino-Tibetan luuqad la yiraah oo ay ku hadlaan qowmiyadaha dagan koonfurta iyo koonfurta galbeed ee shiinaha halka luuqada kale ee la yiraah Altaic ay ku hadlaan qowmiyada dagan waqooyi-galbeed iyo waqooyiga Shiinaha. Sikastaba ha ahaatee, luuqada rasmiga ee shiinaha oo sida weyn loogu hadlo waa Mandarin (Putonghua) laakiin waxaa jiro lahjado iyo afaf badan oo kala duwan kuwaasoo looga hadlo gobolada qaar ee shiinaha taasna waxa ay ka turjumeedaa sida ay dadku ubadan yihiin una kala duwan yihiin. Lahaan shaha dhaqan is ku mida waxaa sabab unoqoto lah jadaha oo is ku mida sidaa tarteed waddanka shiinaha oo ah waddan aad u ballaaran dadkiisuna ay aad u baddan yihii waxa dadkiisu ku hadlaan dhowr lah jadood.


Cuntada:

Dhowr nuuc oo cuntooyin ah ayaa jiro kuwaasoo shiinuhu leeyihiin. Dadka shiinahu waxa lasheeegaa ineey yihiin dad ku fiican cunto karinta ayaqoo wata taqasuskooda. Marka ay kulmaayaan ame ay is ku imaadaan dad shiinuhu iney wadada cunteeyaan waa wax u dhaqan ah. Sidookale, cuntooyinka qaar ay cunaan shiineeka ayaa ah kuwo ayaga uun uqaasa. Peking Duck,Kung Pao Chicken,Dim Sum,Mapo Tofu,Fried Rice, iyo Hotpot ayaa ah qaar ka mida cuntooyin shiineesku ay cunaan.

Farshaxanka iyo muusiga:

Farshaxanka iyo muusigga waxa ay yihiin qeyb ka mid ah dhaqanka shiineeska,waxa ayna leeyihiin taariikh qani ah. Farshaxanka shiinaha hadaan waxka sheego waxa uu leeyahay dhowr dhuuc oo kala duwan sida sawir-qaadis ta , rinjiyeynta dhaqameed iyo dhoobada sida taalada. Farshaxankoodu maahan mid qoraal kaliyah ah laakiin sidookale waxaa kamida muqaalo kuwaasoo muuqinaayo bilic iyo qurux. Dhanka kale, Muusigga dhaqameedka shiineesku waxa uu leeyahay qalabyo kala duwan sida guzheng iyo erhu kuwaasoo leh dhawaq ka duwan kuwa ree galbeedku sameeya. Sidookale,muusig dhaqameedka shiineedku waa dhowr nuuc waxaa ka mida Tonal Scales, Folk , Classical Muusig kuwaasoo laxariira dhaqanka maxkamadaha.

pop, rock, iyo hip-hop ayaa ah muusiga casrigaa ee shiineesku. fanka Shiinaha iyo muusiggu waxa ay ka kooban yihiin noocyo badan oo kala duwan, kuwaas oo ka tarjumaya taariikhda hodanka ah ee waddanka, kala duwanaanshaha dhaqameed, iyo saamaynta falsafadaha sida Confucianism iyo Taoism.


Dharka:

Waxaa jiro ku dhawaad afar nuuc oo dhar dhaqameedka shiineeskaa . Hanfu ayaa ah style ka mid ah dhar dhaqameed oo shiineesku leeyihiin, ahne mida ugu caan san, taasna waxa ay ka tur jumee ka la duwanaanshaha qadhanka iyo isbadalada taariikheed ee shiineeeska. Dharka dhaqanka shiineeska raga iyo dumarku waa ku kala duwan yihii. Ruqun iyo Cheongsam ayaa ah labis dhaqameed shiinees kuwaa soo ay dhumarku xiran jireen qarnigii 20aad. Sidookale, Zhongshan Suit ayaa ayaguna ah kuwa rageed. Sida lasheegay sanadihii la soo dhaafay, waxaa jiray dib u soo kabashada xiisaha dharka dhaqameed ee Shiinaha, iyada oo la isku dayay in la soo nooleeyo oo kor loo qaado qadarinta dhar dhaqameedkooda. Tani waxay keentay in la kordhiyo wacyiga iyo fahamka muhiimada uu leeyahay dhaqan ee Hanfu iyo meesha ay kaga jirto bulshada casriga ah.


Diinta:

Waxaa jiraan sadex caado oo diimeed kuwaasoo ay leeyihiin shiineesku. Confucianism, Taoism, iyo Buddhism ayaa ah diimaha ay shiineesku aamin sanyihiin. Tan ugu horeeda ee Confucianism ayaa ah hab falsafadeed,taasoo na xooga saartaa mabaadi'da sida ixtiraamka,maamulka, daacadnimada, akhlaaqda, iyo muhiimada xiriirka qoyska. Barashada Confucian waxay si qoto dheer u saamaysay dhaqanka Shiinaha, bulshada, iyo maamulka qarniyo. Tan laab Taoism waa dhaqan ruuxi ah iyo falsafadeed oo diiradda saaraya fikradda Tao oo la micno ah ame loo turjumi karo dariiqa, waxa ay xoogga saartaa ku noolaanshaha is-waafajinta dabeecadda, raadinta dheelitirnaanta, iyo soo dhaweynta is-beddelka nolosha. Tan ugu danbeedo,Budhiism, asalkeedu waxa ay ka imaatay Hindiya, waxayna xooga saartaa iftiiminta, ka-fiirsashada, iyo wareegga dhalashada iyo dib-u-dhalashada. Diinta Shiinaha waxaa lagu gartaa kala duwanaanshaheeda.


Dabaal dagga:

Shiinuhu waxa uu leeyahay hidde dhaqameed qani ah, waxaana uu u dabaaldagaa xaflado dhaqameedyo iyo ciido kala duwan sanadka kastaa. Dabaal dagyada ugu caan san ee uu shiinahu qabto waxaa ugu caansan sanadka cusub kaasoo si weyn looga xuso shiinaha. Waqtiga uu dabaal dagu socdo waxaa ay sameeyaan bandhigyo sida qoobka ciyaarida iyo isku imaatanka qoysaska ama saaxiibada waqtiga dheer kala maqnaa. Sidookale, waa jiraan dhowr dabaal dagyo oo laga sameeyo waddankaas.


Gunaanad, lahaanshaha dhaqamo kala duwan waxa ay muu jineesaa ama cadeyn utahay in aad tahay waddan soo jiray.Sidaa badalkeed , ayaa shiinaha dhaqankiisu uyahay mid leh xadaarad fog, aya goo soo jiitay caalam intiisa kale.





bottom of page