top of page

Read Posts

French|culture,people and language

Faransa waa waddan ku yaal Galbeedka qaarada Yurub, waxa uuna xaduud lawadaagaa waddamo gaaraayo todobo dal, waxa ay kala yihiin Jarmalka , Biljam, switzerland, italy, spain iyo andorra. Dhanka bada xaduud waxa uu la wadaagaa waddanka UK. Faransa waxa ay leedahay magaalooyin taariikhi ah, buuro iyo xeebo. Caasimada Faransiiska waa Paris, taasoo aheyd asalkeedii mid ka tirsaneyd imbaraadoorkii romanka. Waana magaalo caan ku ah quruxda iyo fashionka, Meelaha lagu keediyo wax yaabihii hore waxaana ugu horeeyo Louvre iyo taalooyin ame calaamado caan ah sida Tower Eiffel. Faranka waxa ay door weyn dhaqanka markii la joogo Yurubta, ayagoo fankooda, cuntadooda, farshaxanadoodu ay ku yeesheen saameyn weyn aduunka daafihiisa. Markii uu Faransiisku sameeyay ganacsiyo caalami ah ayagoona u sameeyeen suuq geeyn caalami ah waddan koodu waxa uu noqday waddan ka mid ah kuwa ugu quruxda badan Yurubta loona aado dalxiiska, xiligaan aan joognana waa mid dhoofintiisu ay wanaagsantahay.

​Table of Content:

. Dadka . Luuqada . Muusiga . Farshaxanka . Suugaanta . Cuntada . Ciyaaraha . Coffee/Kafeega . Dabaaldagyada . Diinta

Dadka:

Dadka Faransiiska waa dad kala duwan oo is kugu jiro madow iyo cadaan in taba, waxa ay na leeyihiin dhaxal dhaqameed qani ah. Tirada dad ka ree faransiis waxaa lagu sheegaa iney yihiin dad gaaraayo 67,413,000 oo qof. Dadka ree faransiis waxa ay aduunka ku soo kordhiyeen wax yaabo kala duwan , waxaa ka mida farshaxanka, suugaanta, falsafada, sayniska, iyo kuwa kale. Waxaa lasheegaa iney caan ku yihiin dadkaas cabida qamriga. Dadka Faransiinsku waa dad jecel midnimada sidookale waa dad jecel farshaxanka. Qoysaskoonu waxa ay qiimeeyaan dhaqankooda. Waxaa la sheegaa inta baddan dadka ineysan ahayn dad cuno quraacda halka inta kale oo soo hartay ay cunaan cuntooyin fudud ame wax yaabo yar yar oo macaan len. waxa ay ree Faransiis İs buucu marka uu dhamaan rabo qoysaska balaaran ee ree Faransiis waxa ay dhaqan iyo caado u leeyihiin iney mar wada cunteeyaan waqtine wada qaataan.


luuqada:

Luuqadda Faransiiska waa luuqad caalami ah taasoo looga hadlo meelo baddan oo aduunka daafihiisa ka mida ah, luuqadaani waxa ay ka mid tahay luuqada ha ugu waa weyn dunnida. Luuqada Faransiiska ayaa inta badan lagu tiriyaa ay tahay mid ka mid ah luuqadaha ugu quruxda badan uguna jacaylka badan adduunka. Faransiisku waa luqadda rasmiga ah ee waddanka oo waddanka, waxayna qayb muhiim ah ka ciyaartay sameenta aqoonsiga dhaqameed ee Faransiiska.


Muusiga:

Dhaqanka muusikada ee Faransiisku waxa ay tixraacaydaa caadooyinka, dhaqamada, iyo qaababka muusiga ee soo jireenka ah ee dhex mara jiilalka dhaqan ama bulsho gaar ah. Caadooyinkani waxay inta badan leeyihiin muhiimad taariikheed iyo dhaqameed qoto dheer. Qaybaha muusiga ee faransiisyada ama xafladaha waxay diiradda saaraan bandhigga muusig oo kala duwan, kuwaa soo is kugu jira muusig dhaqameed is laameed sida muusig waddan kale. Faa'iidooyinkan ayaa laga yaabaa inay ka muuqdaan bandhigyo, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo baayacmushtar la xiriira muusiga dhaqameed ee meelo kala duwan oo adduunka ah. Fanaaniinta ayaa ah kuwo ku dara heesahooda muusig dhaqameed waddan kale, iyaga oo abuuraya isku dhafka dhaqanka iyo qaababka casriga ah. Inkasta oo laga yaabo in tani aysan ahayn ganacsi hadane waxay u horseedi kartaa abuurista calaamad ama mashruuc gaar ah.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in muusiga dhaqameedku uu inta badan si qoto dheer ugu qotomo hidaha dhaqanka oo laga yaabo in aanu mar walba la jaan qaadin dhinacyada ganacsiga iyo calaamadaynta sida caadiga ah ee la xidhiidha franchises. Si kastaba ha ahaatee, waxa jiri kara fursado lagu horumarinayo laguna ilaalinayo muusiga dhaqameed ee qaabka ganacsiyada iyo dhacdooyinka muusiga la xidhiidha.


Farshaxanka:

Faransiisku waxa uu leeyahay dhaxal farshaxan ku waaso hodan ka ah agtooda. Laga soo bilaabo farshaxameestayaasha halyeeyada ah sida Claude Monet iyo Vincent van Gogh ilaa qorayaasha caanka ka ah adduunka sida Victor Hugo iyo Marcel Proust,. Waxa ay na u yeeleen ame u sameeyeen madxafyo tiro badan. Caasimada waddanka Faransiiska ee Paris ayaa inta badan loo arkaa inay tahay xarun farshaxan oo caalami ah. Farshaxan Faransiisku waxa uu saamayn weyn ku yeeshay saaxadda fanka caalamiga ah, caadooyinkiisuna waxa ay ka kooban yihiin qaabab iyo dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo mid kastaa waxa uu gacan ka geystaa duubis hodan ah taasoo muujineesa fanka Faransiiska.


Suugaanta:

Suugaanta Faransiiska ee dhaqameed waxay caan ku tahay qaninimadeeda iyo kala duwanaanshaheeda, oo ka kooban noocyo iyo waqtiyo kala duwan. Suugaanta Dhexe ee Faransiiska waxaa ku jira gabayo hal-abuur ah sida Heesaha Roland iyo The Romance of Tristan , Waxay inta badan ka kooban yihiin tahay sheeko-xariirooyin, jacayl iyo wax lamida

Suugaanta Faransiisku waxay wax weyn ku soo kordhisay suugaanta adduunka waxayna weli tahay dhaqan suugaaneed firfircoon oo saamayn leh. Waxay soo saartay shaqooyin socday qarniyo badan, oo ka tarjumaysa isbeddelka bulsho, dhaqan, iyo muuqaal falsafadeed ee Faransiiska iyo adduunka.


Cuntada:

Cuntada Faransiiska ayaa caan ka ah aduunka daafihiisa,nuuc walbe waxa ay leedhahay dhadhan iyo waxa ay dadku ku tilmaamaan in ay tahay mid leh xiiso gaara. Dhowr nuuc oo cuntooyinka Faransiiska ah ayaa jiro waxaa ka mida Croque-monsieur, Quiche Lorraine iyo bourguignon. Cunnada Faransiiska waxay xoogga saartaa maaddooyinka cusub,taasoo ka dhigta cunto laga qadariyo adduunkoo idil.


Ciyaaraha:

Ciyaaraha ame Isboortiga ayaa ka mid ah wax yaaba ha ugu muhiimsan dhaqanka Faransiiska. Kubadda cagta (kubadda cagta) ayaa ah ciyaaraha ugu caansan, waxaana xulka qaranka Faransiiska uu marar badan ku guuleystay Koobka Adduunka ee FIFA. Faransiiska dhexdiisa ne, rugby, tennis, iyo baaskiil wadid waa ciyaaraha kale ee caanka ah.


Coffee/ Kafeega:


Dhaqanka kafateeriyada waa shay muhiim u ah nolol maalmeedka Faransiiska. Maqaaxiyadu waa meelo bulsheed oo ay dadku isugu yimaadaan, ku sheekeystaan, kuna cabbaan kafeega ama khamriga inta ay ku guda jiraan wadahadalo ame doodo maskaxeed.


Dabaaldagyada:

Sannadka oo dhan, Faransiisku waxa uu qabtaa dabbaaldegyo dhawr ah. 14-ka Luulyo waa Maalinta Bastille, waxa ayna sameeyaan fasax qaran ayaga ku sharfaayo Kacaankii Faransiiska. Carnaval, Bandhiga Filimka Cannes, iyo Tour de France ayaa ka mid ah ciidaha muhiimka ka ah.


Diinta:

Faransiisku ma heestaan caadiyan diin doowladeed oo dowladoodu waxa ay ku dhagantahay wax la yiraah lacité taas la micna ah cilmaaninimo. maadama ay san jirin diin dowladeed dadku waxa ay aaminaan dhowr diimood oo kala duwan sida Kiristanka ame islamka. Goobaha dowliga ee Faransiiska sida lasheegay waxaa ka mamnuuc ah dharka diimeedka . Tusaale, xijaabka.


Gabagabada, dhaqanka Faransiisku wuxuu ka kooban yahay dareen xoog leh oo lagu faano taariikhdiisa, farshaxankiisa, iyo luqaddiisa, isaga oo u beddelaya xoog dhaqameed oo soo jiidasho leh oo muhiim ah ka adduunka.




By ashoweb.com

bottom of page