top of page

Read Posts

Learn about uncolonized countries

Waa maxay gumeeysi?

Taariikh ahaan, gumeeysigu waxa uu tilmaamaa, marka uu waddan doonaayo in uu maamulo, awooda dhaqaale ame ciidan ee wadan kale asaga oo doonaayo inuu ka faaiideesto kheyraadka wadankaas.


Markii ugu horeesay aduun in wax lagumeeysto waxa ay aheed qarnigii 15aad, waxaana bilaabay reer Europe. Gumeysigii ugu horreeyayna wuxuu ka billowday imaanshaha Christopher Columbus, oo ay hoos imanayeen Boqorradii Katooliga, sanadku markuu ahaa 1492-kii, qaaradda Ameerika. Sidookale, Boqortooyadii Isbaanishka iyo Boqortooyadii Boortaqiiska waxay ahaayeen laba da waddan ee Yurub ka ah oo ku jiray bilaawtanka gumeysiga, waxaana ku xigay Boqortooyadii Ingiriiska, Faransiiska iyo Holland waliba qarnigii 17aad. Intii u dhaxaysay qarniyadii 16-aad iyo 20-aad, quwadaha reer Yurub waxay isku dayeen inay maamulaan dunida inteeda kale, hateey tahay awood iyo hanti dhaqaalabe, Waxay ku guulaysteen amaba usuurta gashay ineey maamulaan qaybo badan oo ka mid ah, Ameerika, Afrika, Australia, iyo Aasiya. Si kastaba ha ahaatee, waxa jiray dhawr waddan oo aan gumaysigii reer galbeedku gaarin ame hoos iman.


- Waxaa ka mida waddamada aan gumeysigii reer Yurub hoos imaan kuwa hoos ku qoran:

1:Japan:

Japan waa wadan jasiirad ah oo ku yaal Bariga Aasiya. Waxay ku taal waqooyi-galbeed ee Badweynta Baasifiggaa, Japan waxay ilaasatay madax-bannaanideeda ayada oo ka fogaaneeso gumeysi. Dhaqanka gaarka ah ee dadka ree japan iyo kheyraadka dhulkooda da hodanka yaalay ayaa ukobcay si madax bannaan.


2:Ethiopia:

waa wadan ku yaala geeska afrika. Ethiopia waxa ay ka midtahay xadaaradaha joogtada ah ee ugu faca weyn adduunka, waxay si guul leh uga hortagtay gumaysigii xilligii imbaraariyaalka Yurub ay Afrika imaadeen. Waxay ku didaaleen ilaalinta madaxbannaani dooda , iyagoo ku faanaysa inay ilaalisteen dhaqankeeda, afkeeda, iyo caadooyinkoodii hore. Waxaana usuurta gashay iney ka mid noqdaad waddama da aan waligood gumeeysi soo marin.


3:Iran:

Waa waddan ku yaal Galbeedka Aasiya, waxaa sidookale looyaqaan Faaris, sida rasmigaane waa jamhuuriyad islaamiya, İran Iyada oo leh taariikh dheer oo soo jireen ah, waxay iska celisay duullaan iyo faragelin kala duwan oo ay ku sameeyeen quwado shisheeye. Inkasta oo ay soo food saartay caqabado badan, haddana waxa ay ku guulaysatay in ay ilaaliso madaxbannaanideeda iyo hidaheeda hodanka ah.


4:Liberia:

waa wadan ku yaala Galbeedka Afrika, waxa uu xuduud la leeyahay Sierra Leone, Guinea iyo Côte d'Ivoire. Liberia waxa la aasaasay horraantii qarnigii 19-aad iyadoo ay xoreeyeen addoomo Afrikaan-Maraykan ah. Weligeed si rasmi ah looma gumaysan Liberia. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay la kulmeysay saameyn iyo gacan ku haynta quwado shisheeye oo dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka raadinayay.


5:Afghanistan:

waa wadan ka mid ah imaaradka Islaamiga, waxa uu ku ku yaal isgoysyada bartamaha Aasiya iyo Koonfurta Aasiya. Afghanistan waxa ay nasiib uyeelatay iney ka difaacdo quwadaha gumeysi ee kala duwan qaranimadeeda boqortooyooyin . Waxay ka hortimid imperialism-kii Ingriiska qarnigii 19-aad ka dibna waxay wajahday duullaankii Midowga Soofiyeeti qarnigii 20-aad. Sikastaba ha ahaate, dad ka dalkaas waxay u halgamayaan xuquuqdooda iyo noloshooda tan iyo markii ay Taliban qabsadeen.


6:Bhutan:

Bhutan oo ah waddan yar oo aan bad lahayn oo ku yaal Koonfurta Aasiya, ayaa ah wadan madax-bannaan oo aan gumeysiga taaban. Sida ay uga go’an tahay ilaalinta hidaha iyo dhaqanka dalkeeda iyo hab-nololeedkeeda soo jireenka ah waxa ay wax ka tartay dawladnimadeeda.


7:Saudi Arabia:

waa boqortooyo Carabiya, sidookale waa waddan ku yaal Galbeedka Aasiya. Saudi Arabia iyada oo leh hiddaha Islaamkaa iyo goobta istiraatiijiga ah, waxay si guul leh u ilaashatay madaxbannaanideeda inkasta oo ay jiraan colaado gobol iyo dano shisheeye oo doonaayobkheyraadkooda. Waxay ku guulaysatay inay ilaaliso madax-banaanideeda iyo aqoonsigeeda dhaqan.


8:Mongolia:

Waxay ku taallaa inta u dhaxaysa boqortooyin awood badan sida Shiinaha iyo Ruushka, Mongolia waxa ay ka midtahay wadamada aan weligeed la gumaysan. Dhaqankeeda reer-guuraaga ah, geed-socodyada ballaaran, iyo shakhsiyaadka taariikhiga ah sida Genghis Khan ayaa qaabeeyay aqoonsigeeda gaarka ah iyo ruuxeeda madaxbannaani.


9:china:

Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha (PRC), waa waddan ballaaran oo ku yaal Bariga Aasiya. Iyadoo gobollo gaar ah oo Shiinaha ka tirsan ay waqtiyo kala duwan taariikhda ku soo galeen saameyn shisheeye iyo gacan ku hayntooda, hadane sibuuxda waligiis shiinaha looma gumeeysan. Inta lagu jiro taariikhda dheer, Shiinuhu wuxuu soo maray nidaamyo kala duwan, isku dhacyo, iyo duulaano. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay ku guulaysatay in ay ilaaliso aqoonsigeeda dhaqan iyo siyaasadeed,


10:Thailand:

Waa wadan ku yaala Koonfur ta Bari ee aasiya. Waxa ay caan ku tahay xeebaha. Waagii hore waxaa loo aqoon jiray Siam, Thailand waxay u taagan tahay dalka keliya ee Koonfur bari Aasiya ee aan waligiis la gumaysan. Waxa ay si hufan u dhex martay quwadaha Yurub ee tartamaya, iyada oo ilaalisay madax-banaanideeda iyo inlakala sooco iyo in laga suuliyo dhaqankeeda gaarka ah.


11:Nepal:

Nepal waa waddanka toban iyo koowaad ee aan waligiis la gumeysan. Waxay ku taal Himalayas, Nepal weligeed lama gumaysan. Iyada oo adeegsanaysa isbahaysi istiraatiiji ah iyo ciidan xooggan, waxay ilaashatay madax-bannaanideeda, sidookale waxa ay ilaal satay dhaqankeeda gaarka ah iyo nidaamkeeda siyaasadeed.


12:Tongo:

Tonga, oo si rasmi ah loogu yaqaan Boqortooyada Tonga, waa jasiirad Polynesian ah oo ku taal Koonfurta Badweynta Baasifigga. Waa mid ka mid ah waddama fara ku tiriska ah ee aan weligood si rasmi ah u gumaysan quwado shisheeye. Tonga waxay leedahay taariikh qani ah, asalkeeduna wuxuu soo taxnaa ugu yaraan 3,000 oo sano ka hor. Waxay leedahay dhaxal dhaqameed gaar ah iyo dareen xooggan oo aqoonsi ah. Dalka waxaa dhaqan ahaan ka talin jiray boqortooyo, dadka reer Tongina waxa ay aad u ixtiraamaan boqortooyadooda iyo dhaqankooda soo jireenka ah.


Ugu danbeyn, maahan wax sahlan in aad jaanis udiido cadow gaada.Sidaa darteed,waddamadaan waxa ay tusaale u yihiin , adkaysiga iyo go’aan-qaadashada ummadihii ku guulaystay in ay ilaashadaan madax-bannaanidooda iyo hidahooda dhaqan, iyaga oo dhex maray mawjadaha qallafsan ee taariikhda soo maray , waxa ay boos ka galeen taariikhda dunida,waxa ay is ka ilaaliyeen iyagu gacan ugelida gumaysi. Taas ayaa na ah macno weyn qiimo iyo qadarine kuu leh intaad ifka joogto, xitaa hadaa tahay waddan bur bur san taariikh du waxa ay kuu khoreedaa inaa tahay mid ku guuleeystay difaacida qarankiisa, muujiyay jacaylka iyo qadarin waddankiisa.

Waxaan rajeynaa inuu qoraalkaan ku soo gaaray, aad na ogaatay wax ku saabsan waddamada aan lagumeysan waligood.


bottom of page