top of page

Read Posts

People sometimes learn these things too late in life

'Dadka mararka qaar waxa ay sheeyadaan ka bartaan gadaal noloshooda.'

Mararka qaar noloshu waxa ay leedahay wax yaabo adag oo nala ga rabay inaan waqtigeeda ku sameeyno, ka dibna waxa aan ku hantaaturoonaa ame ku dhibaatoonaa waxaas aan sameyn weynay waqtigeeda. Miyey san aheen taas?.

kawaran hadii aan si hoosaada u barano casharkaas oo ka dibna aan ku dabaqno nolosheena ka hor inta ay san adeeg nagu noqon, dab can waa wax lasameyn karo hadii aan is ku day la imaano.!

Sida saxdaa waxaa jiro waxaabo dadku baddan kood aysan baran waqti hore, oo waxaa laga yaabaa iney bartaan waqti danbe ame aysan ba baran noloshooda oo dhanba. qoraan kaan ayaan waxaa kugu la share gareen doonaanaa wax yaabahaas ay dadku gadaal ka bartaan xiliga dan be, laga yaabaa adigu inaa tahay qof ka soo daahay ama mid baranaayo hadda yacnii waqti hore.


Diyaar u noqo moowduucaan akhrintiisa, laga yaabaa inaad ka hesho oo uu kaa badbaadiyo wax yaabo baddan oo noloshaada qasi karo.


➤ Wax yaabaha leh natiijoo yinka ha ku xirin farxa daada.

Baddan keen waxaa caadi nala ah inaan farxadeena ku xirno wax yaabo yar yar ame waa weyn. Waxaa laga yaabaa hadii waxaas ay nu sameyn inaanu firfircooni laheyn, ka dibna waxaa suurtoobee inaa dib u dhigno wax kale oo muhiim noo ah laakiin aanagu aanu u jeedin muhiimada ay leeyihiin wax yaabahaas. Tusaale’ hadii aad tiraa maanta aniga hadii aan gato gaari cusub ame aan helo shaqo fiican waan ku farxi lahaa, oo waxaan qabsan lahaa wax baddan. Taas oo kale runtii waxaad ka heli doontaa markii aad hesho farxad ku meel gaaraa. İntii aad kaheleeysid waxaas aad ubaahantahayna hadii aadan laheyn qanac sanaan aad ku qanacsantahay waxa aad heesato hada, waxaa kaa jaha wareeri doona noloshaada, la dhaqanne mayeelan toontid.


Ogsoonow mar walbaa in wax yaabaha na tiijada leh aysan aheyn wax farxad waarto u keeni karo qof, kali yah waxa ay ku egyihiin maalmo. Mu hiimna maahan inaad farxad iyo wax lamida aad shey ame wax kale ka sugtaa.


➤ Qaado oo raali ka noqo una diyaar garoow inaad guul daro la kulanto.

Guul markaa maqalno caadiyan waxaa nagu soo dhaco wax kale sida qofku inuu helo hanti, inuu caan saaida noqdo, iyo waxii lamid ah laakiin ani gu waxaan dhihi karaa guul waa ‘wax walba oo aad qorsheydo inaad sameydo ka dibne waxii ay kuu hirgalaan, xataa hadii aad qofsheydo maanta inaad suaalo baddan ka shaqeeydo ka dibna aad suaalihii ka shaqeeydo waxaan dhihi karaa waa guul maxaa yeelay inaad suaalahaas baddan ka shaqeeydo waa hami aad laheyd. Sidaa tarteed , haka baqin in waxa aad ka shaqeeyday ay qalad wada noqdaan. Diyaar garoowgaas aad u diyaa garoow day qaladka ame saxda suaalahaas ayaa leh karti iyo soo jiidasho. İntaa waxaa dheer, ka baqida wax yaabaha yar waxay kuu hor seedi karaan inaad ka baqdo wax yaabo waa weyn oo lagaa rabo inaad qabato.

Waa muhiim inaan yeelalo adkeysi aan ku waji karno wax kaastaa oo nagu soo wajahan, guul ame guul daro.


➤ Lasoco in xaaladuhu aysan adi kaliyah kugu ekeen.

Mar uun istaag oo fiiri hareera haaga ka dibna arag sida dadku u waja haayaan noloshooda. Baddankeen waxaa xal uweynaa qaabka aan umaareyn laheen nolosheena, markaasne waxaa iska dhaadhicinaa in anaga ka liyah ay dhibaatadu naheeydo. Adi ahaan wax kuu wanaagsan maa ahan inaad maareeyn weydo xaaladahaaga. Ha is dhihin adiga kaliya aa la kulmaayo dhibkaan ka dibna ha is dhigan oo yaan lagaa tilaab san yacnii yaan lagaa tagin. Lasoco in noloshu aysan aheyn buug gacmeed laakiin ay tahay wax dabiiciya.


Markasta oo aad dareento in wax kasta adi kugu kali yahiin waa mar kasta aad usii dhawaaneyso inaa ka dhunto jirka horumarka. Ku sasab naftaada wax kastaa oo dhacaayo iney jiraan dad soomaray!.


➤ İlaali dadka kaaga dhow dadka kale.

Wax yaaba nolosheena na mashquuliyo ame aad ku jah wareerno waa ay fududahay inaan si sahlan ku hilmaamno waayo micna muuqdo uma arkeeno markii aan ka soo faaruqno. Midaas midlamida, xiliga aan nolosha ku mashquulsannahay waxaa jiro dad noo dhow oo anaga na raadraaca ame naga fikiro laakiin aan ilaawnay mashquulka dartiis.


Xasuusin , muhiim maahan inaad dadka u sheegto muhiimada ay kuu leeyihiin, halka aadanba daryeeleen. Ogsoonowne in cilaaqaadku uu yahay taageero uu alle kusiiyay.


Aan isku dayno inaan waqti siino cidkasta oo cilaaqaad naga dhaxeyo, oo aan ogaano in nolosha aan ku leenahay dadka aan cilaaqaadka la leenahay, sida qosaskeena iyo asxaabteena , ileen ayaga aa nasiiyo taageero buuxde.


➤ Hadii aad tahay ruux is daryeelo ha u arki dibaato in ay dadku kuu arkaan daneeste.

İs dar yeelida iyo ku mashquulida naftaada waxaa laga yaaba in dadku kuu arkaan mid daneestaa. Taas badalkeed, hadii lacala aadan ba aheyn mid is daryeela waxaa laga yaabaa iney kuu arkaan mid naftiisii hilmaamay, oo waxaaba adkaanee ineey tooda kuugu aaminaana maadaama aadtahay mid aan daryeel lahey. ‘Hanoqon qof layiraah taada ma dar yeeshide teeyda maxaa ku daryeelee’. Baddan keen waan ka gam banaa in nala dhaho daneeste, waa caadi hadii lagu yiraah daneeste oo dhib ha u arag. Dhibku waxa uu ku jiraa inaadan dan taada aqoon.

Latalinta naftaada, nadiifinta jirkaada, socod aad aado iyo inaad cunto wax yaabo aan cudur kuu keeneen intaa waxa dhaafsan hadii ay dadku u arkaan dhib iyo inaa daneeyseedo , isla dadkaa ayaa ah cudur la iska difaaco.!


Xasuusnow tii aheeyd ‘Tiisa daryeelaa tu kale ku daro’.


➤ Marne ha is dhihin waqtigaan waxaas ma sameyn kartid.

Caadiyan anagu wax nalaga rabay inaan barano waqtigii aan yareen sida markaa aheyn 9 jirkii iyo 12 jirkii waan ka xishoonaa markaa soo gaarno 18 jirka iyo meelahaas waayo fursad naluugu sheego in waxaanu ay yihiin wax la barankaro waqtigaa rabo ay yihiin, taas ayaa waxa ayna sababee inaan ka xishoono waxaas. Ha cabsan hana ka xishoon inaad bilaaw hiwaayaad cusub. İnteena baddan in waqtigaa rabto aad qabsankartid waxii aad rabto waxaan ogaanaa xili tanbe.


‘Dabagal waxii aad rabto inaad sameydo yay ku cabsi galin da’daadu’.



Recommended:


➤ Shalaay tanka mar mar waxa uu ka xun yahay inaad weydo wax aad rabtay.

İnaad ka qoomameeydo wax tagay ame aad qaban weyday waqtigoodii runtii waxa ay ka xuntahay adoo waayay wax aad usoo rafaaday, waayo qoomamadu ku ma siineedo inaa sameeyso is ku day oo aad wax kale ame horay usocod aad sameeydo taasna waa wax adag runtii.

Wax walbaa waxa ay ku qurxoon yihiin waqti gooda, waxii aad is leedahay maanta faaiidaa kuugu jirto ha iska da yicin, waxii aysan faaido kuu gu jirine ka tag, hadii ay biri kuugu soo laabtaana sameey adiga oon shalaayn ame qoomameeyn.


➤ Ha udaalin wax yaabaha yar yarkaa.

Waxaan faaiido noo laheyn aan inta baddan ku dhunsanaa waqtigeena halka nalaga rabay inaan waqtigeena ku dhunsano waxa noo leh faaiidada. Ma naqaan waqtiga aan u soo baraarugeeyno ame aan ka hortageeyno inaan joojino waqtigeena inaa ku dhumino waxa aan faaiidada laheyn laakiin baddan keen waxaa ka ogaanaa dib in waxaa nu aysan faaiido noolaheyn. Ciyaarta baddan iyo doodahana aan la is ku waa faqsaneen waxa ay dhumiyaan qof ahaan taada ayaga ayaana ugu horeeyo waxa aan waxtigeeyna ku qasaarino bilawga iyo dhamaadka maalinteena cusub.

Qodobkaa ayaa ah midka ugu caansan oo aan gadaal ka ogaano nolosheena.


Gunaanad, halkaan waxaad ku soo aragay qodobyo kuwaa soo aan gadaal ame dib aan ka barano nolosheena , halka laga yaabo qaar kaloo naga mid ah aysan ba baran. Wax barashada iyo hormaka kaliya maahan waxa noloshadu ubaahan tahay ee waxaa kale oo ay noloshaadu ubaahan tahay in aad barato qodob yadaas oo kale iyo kuwa kale oo aanan soo sheegin.



Byashoweb.com


bottom of page