top of page

Read Posts

How can you know someone who has low emotional intelligence

'Sidee ku ogaan kartaa qofka leh garaan shacuureed oo hooseeyo.'

Ma aragtay qof ame dad kuwaasoo aad umuuqdo umoodeeyso in ay yihiin kuwo fahmaato dadka ku hareersan dareen kooda?.

Waa laga yaabaa in aad aragto dad umuuqdo in ay leeyihiin naxariis iyo dabci saa id ah, sidookalane ay ku leeyihiin hadal wanaagsan oo aad is dhihi karto waa dad fiican. Hagaag, waa jiri karaan dadkaa sookale oo markii aad dhex gasho aad ogaandoontid in eeysan ba uqalmi in aad soo dhex gasho sababtoo ah maba lahan dadkaani wax la yiraah emotional intelligence.

Qoraal kaan ayaan ku eegi doonaaa wax yaabo ame erayo ay adeeg sadaan dadka leh garaadka shacuureed oo kakan ku waa soo kaa saacidi doono in aad fahanto ame ogaato dadkan iney lee yihiin garaad shacuureed oo hooseeyo . anagoo soo koobi doono oraah yadooda qalafsan iyo sida ay iskaga indho tiraan ama muhiimad aysan u siineen dareemida dareenka dadka ku hareersan.


Aan ku bilaawno oraahda ugu horeedo oo ay dhahaa!


➤ Wxa aad tahayqof nugul:

Adiga oo naftaada caburinaayo doonayane inaad hesho qof ku fahma, markii aad is tiraa kan kuugu dhow aa ku fahmi karo deetana aad la wadaagto waxa aad la xanuun seedo kawaran hadii la gu dhaho oraah laga yaabo iney sabab unoqoto niyad jab dheeraad ah inaad hesho!. Waa tahay qof dhugul! oraah daan waxa ay calaamad wayn utahay inuu san qofku ku fahmeen sabab too ah marka ay dadku is ticmaalaan oraahdaan qalafsan waxaa lagu macneey karaa in uu san dareen kaadu macno laheyn uu sane xiiso u qabin in lagu fahmo. Kali ya maahan uu qof ku niyad jabaayo laakiin taas waa calaamad weyn oo muujineeso in qofka isticmaalo oraahdaan uu emotional intelligence giisu hoo seeyo.


➤ ka gudub dhibmalahee:

Waligaa ma aragtay qof inta baddan dhahaayo oraahda ah ka gudub marka uu qof wax lawadaagi maago ame uu arko qof xaalad ku sugan. Waad is dhihi kartaa tani waxaa loo qaadan karaa dhiirigali ahaan laakiin oraahdaas oo kale waxaa lagu tilmaami karaa adoo qof lug ka jaban ku dhahaayo wax weyn maahan xanuunka ku haayo. Naxariis xumada sida ay qofka uga keen to hadalada qalafsan sidaas oo kale marka qofku emotional intelligence giisu saaid u hooseeeyo waxa uu halhees ka dhigaa oraahyo qalafsan


➤ Waan garanaa dareenka saxda ah ee aad dareemeydo.

İnkastoo ay u qaab egtahay oraan naxariis leh si kastaba ha ahaatee waxaa jiro qalooc ku aadan oraahdaan ah ‘waan garanaa dareenka saxda ah ee aad dareemeydo’. Waxa ay kutu seedaa in ay jiro emotional intelligence kakan ame hooseeyo, sababtu na waxa waayo inuu san ba jirin qof si dhab ah ah u dareemi kara qof kale dariinkiisa sax daa ee qalbigiisu dareemaayo.


➤ Maxaad markasta u tahay qof shacuureeysan!.

Oraah daani waxaa lagu micno dari karaa ayadoo qof feer kaaga dhuftay mindhicirada!. Mar ba hadii tanoo kale qof afkiis ka soo baxdo waxa waayo hadii la macneeyo ‘aniga culeys ay igu tahay ogaan shaha dareenkaada ama xanuun kaada waxaana jeclaan lahaa inaad iga qariso’. Sidookale waxa ay tilmaamee naxariis daro iyo garaad xumo intaba. Dhib malahan inaad wax fahmi weydo laakiin waxaa daran adoo wax ba fahmin hadana inaad adeeg sato hadal qalafsan.


➤ Hais mur jin iyo maxaa u murgee maxaa yeelay waxaa jiro dad kaa daran adiga.

Dadka dhaho oraah daan waxa laga yaabaa iney isku moodaan iney hoos u dhigaayaan dareenkaada laakiin ma ogo in ay leeyihiin garaad wax lagu dareemo oo hooseeyo. İn aad dhahdo ruux ‘Hais mur jin iyo maxaa u murgee maxaa yeelay waxaa jiro dad kaa daran adiga’ halkii ad oran lahey waan ka xumahay waxa aad dareemeyso taas micnaheedu waa ‘been ayaad sheegeesaa oo dareenkaadu waa been abuur!’ oo maba o gid dadka adi kaa daran!. Adeeg siga is bar bar dhigu waa wax qiixaayo inaa dan dareenkaan ixtiraam aadan u heen. Asoo qofku is bar bar dhig adeegsan si ka duwan sidaan ayuu qofka wax ugu sheegi karaa.


➤ Ha ooynin sida caruurta.

Ooyinta sideedaba ma loo gooni yeelin caruurta iyo dadka waa weyn oo qofba waxa xanuujinaayo ama uu ka murgaayo ayaa ka oysiido. Rasuul keen SCW ayaa ooyn jiran cabsi iyo murug uu u qabo cabsida ilaahey taasna waxay na tusee in aysan ooyintu laheyn yar ama weyn. Qofka markuu adeegsaayo oraah daan waxa uu dan qaa boog qof kale taas na inuu adeegsado waxaa u sabab ah garaad kiisa oo xun.


➤ Naga dhaaf riwaayada aad wadid:

Oraah daan adeegsigeeda ayaa calaamad wayn u ah in uusan qofku laheyn wax garaad shacuureedaa iskana indho tiraayo dareenka qofka kale Maxa yeelay tan oo kale waxaa laga dheehan karaa in jees jees meesha yaal oo qof kaanu diyaar u aheen inuu ku fahmo. La isma kuma dhibo qof markaan oo kale!.


Recommended:


➤ Waxa aan meeshaan u joogaa waa adiga sababtaada.

Hadii laguu adeegsado oraahdaan waxaa laga yaabaa in aad is tiraa waa oraah naxariis leh balse amarka saa id loo isticmaalo oo wax ficil ah na lagu darin waxaa dareemi toontaa taageer xumo. Micno keeni meeydo adeegsiga oraahyada wanaagsan bilaa ficil, inta badane waxaa adeegsado dadka sasaba dad ka kale, ileen sasabku waa qeyb ka mid ah beente. Sidookale, wax aan jirin in qof ku yiraah waa jiraan waxa ay natuseedaa garaad xumada qofka oo haduu qofku leeyahay garaad shacuureed oo baddan marnaba qof kale dareenkiis muusan been usheegeen.


➤ Waxaa tahay qof shacuureesa.!

Waxaa jiro dad baddan oo aan aqoon qiimaha uu leeyahay dareenku ame inaad wax dareentid waayo dareen la,aatu waxa ay kaa dhigee mid qalafsan qiimana laheen. Tusaale yar, hadii qof ku yiraah waxaan daawaday film waxa uu ka hadlaayay waxaas oo waxaas runtii waan ku qiirooday kawaran hadii aad dhahdo ileen saasna waad aheyd waxaas waa film wax kama jiraan, taas waxa ay la micno tahay inaadan laheed garaad shacuureed sababtoo ah film ka la iskama jilo ee waxa uu ka hadlaa wax jira ama ka dhaca dunida, xaaladaas na dad ku sugan ayaa jiro film oo laga sameeyay , marka adi waxaa kuu banaan adi inaad tiraah ilaah ayaan ka magan galay. Marka dadku saas dhahaayaan ma garwaaqsano xaaladahaan oo kale waxaana laga yaabaa in oraah daan ay soo jeedineeyso in qof ku uu san yeelan xariiro qoto dheer.


➤ Diyaar uma ahi inaan dareemo waxa aad dareemeysid!.

Cajiib!. Oraah daan maa han mid lagu micneen karo sida oraah naxariis ah oo kale waayo qofka si cad u adeegasado oraahdaan ah ‘ diyaar uma ahi inaan dareemo dareenkaada’ waxa uu ba hilmaamay ixtiraamka qofeed ee eebe ku siiyay, micno hadaan siino oraah daan waxa waayo albaabada qalbigeyga waa kaa xiranyihiin.Sidaa darteed, garaad kiisa yar oowgeed ayaa sabab unoqotay in uu adeegsado oraah daan kakan.


Gabagabo, in aan adeegsano oraahyo kala duwan waxa aan ku micneen karnaa iney muu jinaayaar inta uu la egyahay garaad keena shacuureed. Bilaw ilaa dhamaad oraah yadaani waxa ay dhamaad unoqon karaan is faham waa baddan. Sidookale, lahaan shaha garaad shacuureed oo baddan waxaad ka dhaxli kartaa wanaag iyo naxariis baddan.



bottom of page