top of page

Read Posts

Spain|culture,people and language

Spain waa waddan ka mid ah midowga yurub kuna taala koonfurta bari ee qaarada yurub. Waqooyigane waxaa ka xigo ame xaduud ka la leh waddanka Faransiiska iyo Andorra. Dhanka bari iyo koofur waxaa ka xigo badda cad ee dhaxe. Spain waa waddanka sadexaad oo ugu dhulka wayn yurubta galbeed, bedkeeda ama balaca waddankaasi ne waa 505,990km2. Spain waxaa ku yaalo magaalooyin waa weyn sida caasimada waddan ee Madrid taasoo hoy u ah wax yaabaha casrigaa iyo ku wa aan casriga aheyn, ah ne dowlada iyo qoyska ree boqor in taba. Madrid waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waa weyn midowga yurub. Sidookale, magaalada Barcelona ayaa ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn ee ku yaalo Spain, Barcelona waa caasimada gobalka catalonia, waxa ay intoota baddan ku baaqaana in ay ka go aan Spain. Dadka ku nool waddan kaas tiradooda waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin tiro dham 47.42 million oo qof ah. Dhaqaalaha waddan ka Spain ayaa ah mid aad uwanaagsan, waxa uu na yahay waddanka sagaalaad ee ugu dhaqaalaha weyn aduunka. İntaa waxaa dheer in waddanka Spain uu yahay waddan ka sadexaad oo ugu maal gashiga baddan caalam ka. Lacagta laga isticmaalo waddankaas xiligaan aan joogno waa yuuro (euro).

Dadka:

Dadka spanishkaa waa dad is kugu jiro kuwo spanish asal ah iyo ku wa qaatay dhalashada waddankaas. Waxa lasheegaa in boqolkii ba 88% ay yihiin Spanishka asalkaa halka boqolkiiba 12% ay yihiin ajaanibta qaadatay dhalashada dowladaas. Tirada dadka ree Spain maaho mid yar waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin 47.42 million oo dad. Dhaqan ahaan, horaantii qarnigii 21 aad dadka ree Spain nolol maal meed koodu waxa uu umuuqday mid ka duwan waddamada kale ee ree galbeedka. Sikastaba ha ahaatee, waxaa jiro dhowr dhaqam kuwaaso gaar u ah dad ka ree Spain aadne ugu muhiimsan ayaga dhankooda . Ku wa ugu caan san dhaqamadaas waxaa ka midda in dad ku yihiin kuwo u dhaxeeya guriga iyo shaqada. Xiliyada xagaaga marka la joogo, waxa ay quraac da cunaan inta u dhaxeedo 8 ilaa 11am. Qadada oo ay u yaqaanaan Spanishku almuerzo ahne cuntada ugu muhiimsan maalinka ayadane waxa ay qaataan in ta u dhaxeedo 2 ilaa 3 pm, cashadane waxa ay cunaan xili danbe saacada marka ay tahay 10:00. Sidookale, meelaha ganacsiga ayaa lafuraa inta udheedo 9am ilaa 2pm. waxa ay na dib u furaan 5pm ilaa 8:00 habeen nimo. Maqaayadaha, baararka iyo dukaamaha waa weynkaa ayaa inta baddan furan xiliga duhurkii. Waqtigaas ay dadku shaqada ka nasanaayaan, ayaa waxa lasiidaayaa barnaamijyada ugu caansan iyo wararka maalinlahaa.


Luuqada:

Waxaa jiro dhow luuqadood ku waasoo looga hadlo waddanka Spain markii laga soo tago luu qada Spanishkaa. Kuwa ugu horee waa luuqada la yiraahdo Catalan meelaha looga hadlo luuqadaan waxaa kamid ah gobalka Catalonia iyo Valencia, luuqada Galician( Galego) waxaa ayadane looga hadlaa gobalka Galicia waqooyiga galbeed ee Spain. Basque ayaa ah ayane luuqad ka mid ah luuqadaha looga hadlo spain qaasatan waqooyiga. Dadka ku hadlo luuqadaas ayaguna waxa ay rabaan in ay ka go aan waddanka Spain, maadaama ay yihiin dad aan ku luuqad ahayn. Waa jiraan luuqado kale oo looga hadlo Spain waxaana ka mid ah Aranese iyo Asturian-Leonese.


Cuntada:

Waxa ay dhan qan iyo caado uleeyihiin dad ka ree Spain in ay cunaan cunto fudud ka hor inta ay san cunin cuntooyinka kale gaar ahaan maalmaha fasaxaa ame shaqo aysan laheen. Sidookale maqaayadaha ayaa ah ku wo inta baddan furan waxaana lagu diyaarshaaa cuntooyin kala duwan. Cuntada ugu caansan waxaa ka mida tapas. Tapas waxa ay ka koobantahay rooti, khudaar iyo hilib la is ku daray. Cuntadan tapas ladhaho maahan cunto hal nuuc ah, oo waxa ay leedahay dhowr nuuc oo kala duwan. Dhanka kale, Spanishku cunta ka rinta waa ku kala duwanyihiin marka la joogo dhanka gobalada oo gobal walbaa waxa uu caan ku yahay cuntooyin gaara. Tusaale, gobalka Galicia waxa uu caan ku yahay cuntada bada. Gobalka Catanoia asne waxa uu caan ku yahay khudaarta iyo hilika.Sida lasheegay, hilibka ugu badan oo ay cunaan Spanishku waa doorada, hilibka lo’da iyo kan doofaarka. İntaa waxaa dheer in Spanisku cunaan digirta sida lentil. Dhanka cabbitaanka, khamri ga, shaaxa iyo qaxwaha ayaa ah qeeb ka mid ah cabbidaanka ay cabaan dadkaas. Qaasatan qaxwaha waxa ay cabaan ka dib cuntada marka ay cuna an.


Farshaxanka:

Farshaxanka ayaa ah mid ka mid ah dhaqamada ugu caan san spanishka, muhiimna ka ah Spanish agtooda. Waxaa jiro dhowr nuuc oo Farshaxan mid walbane waxa uu wataa xiiso gaara. Qeybaha ugu muhiimsan waxaa soo gali doona qoraal yaal sida Miguel de Cervantes oo ah mid ka mid ah suugaanyahanada ugu muhiimsan Spanishka, Pedro Calderon de la Barca iyo Lope de vega oo ah labo rinjiiloyaal, iyo Benito Perez Galdos oo ah asne riwaayadeys te. İntii u dhaxeeyday 1500 ilaa 1681, waxa ay u muuqatay in faneedka Spanishku uu ahaa mid heerkiisu sareeydo, ayadoo wax ku darida ame wax ku biirin tu ay aheed mid aan kala joogsi ahayn. Markii uu dhacay dagaalsii sokeeye ee spanishka ayaa waxaa hoos u dhacday faneedka spanishka,sikastaba ha ahaatee, xiligaan hada la joogo ma aho mid heerkeedu liidato.


Muusiga:

Hida dhaqameedka qaniga ah ee Spanishka waxaa ka mid ah muusiga. Waxaa jiro dhowr nuuc oo muusig ah. Flamenco, oo ah muusiga u caan san Spanish ayaa lasheegaa in asal ahaan ay ka timaatay Andalusian waxa ay na leedahay bandhigyo qurxoon, xamaasad, iyo qiiro. Sidookale, waxaa jiro dhowr hal abuurayaal oo Spanish ah kuwaasoo soo jiitay caalam ka muusigooda waxaa ka mida Isaac Albéniz, Enrique Granados, iyo Manuel de Falla.


Ciyaaraha:

Ciyaaraha ayaa ka mid ah kuwa ugu muhiimsan nolol maalmeedka Spanishka. Gobalwalbaa waxa uu caan ku yahay ciyaarihiisa, ayaga oo ku jiraan, kubada cagta oo İngariisku ukeenay ree Spain dhamaadkii qarnigii 19aad xiili gu marka uu ahaa 1889, dabaasha, baaskiil wadida, ciyaarta barafka, iyo buurafuulida. Sidookale, waxaa jirto ciyaar ay caan ku yahiin ree Spain taasoo lala dagaalamaayo dibi.



Gunaanad, dhamaan qormooyinkaan aan soo sheegnay waa kuwo ka mid ah dhaqamada soo jireenkaa iyo kuwa aan soo jireenka aheyn ee ree spain, ayadoo spain ay tahay dowlad boqran, ilaalsatana dhaqan keeda asal iyo dhamaadba.




bottom of page