top of page

Read Posts

There are 11characteristics of those who read others very well

' Waxaa jiro 11 calaamadood oo ay leeyihiin ku wa ku wanaagsan akhrinta dadka kale'


Dadka leh awooda maska xeed qaar kood waa dad inta baddan ku fiican akhrinta ama fahmida dadka kale, ayaga oo aanan ba horay ula kulmin ama aan waxba ka aqoon qofkaas.


Hadii aan ku waydiiyo adigu ma tahay qof ku fiican akhrinta dadka mise mala kulantay adigu qof ku wanaagsan akhrinta dadka kale?.


Akhrinta dadka kale maahan kaliyah inuu qofku u dhashay ee sidoo klae waxaan dhihi karnaa waa xirfad,waxa ayna u baahan tahay ku cel celin. Tusaale, waxaa jiro dad ku xeel dheer soorida danbiyada nuuc walba, xarumaha qaar waxa ay adeeg sadaan qof u ogaado dadka danbigaa geestay, waxaa laga yaabaa qofkaasu inuu ula dhaqmo dadka danbigaa geestay si caadiya, kadibna uu fahmo danbi baarihii qofka geeystay falkaa. Sidookale taas waxaa lamida qofka ku wanaagasan cilmi nafsiga ayaguna waxa ay akhrisan karaan qofkaan waxa uu dabaayo ama inuu waxaas sameeyo waxa ku kalifay, hadaba waxaan dhihi karnaa inaad qof akhrisato ama fahanto waxa uu yahay, waxa ay u baahanaan kartaa xirfad waqti iiyo ku celcelin dheeraad ah. Sidaadarteed, waxaa jiro astaamo lagu yaqaan dadka ku fiican akhrinta dadka kale. Qoraalkaan ayaan ku soo gudbi doonaa wax ku saabsan dadkaas indheer garad yadaa. Astaamahaanu waxa ay kuu sheegi doonaan ama aad ku ogaan doontaa in aad la macaamileeso dad aan inaba caadi aheyn.


Aan bilaawno astaamaas.


➤ Waxa ay leeyihiin garaad shacuureed oo wanaagsan.

Ä°naad tahay qof leh garaad wanaagsan waxaan dhihi karnaa taasi waxa ay la mid tahay inaatahy qof ka war haayo dabeecadiisa iyo jawaabaha uu bixinaayo markuu hadlaayo.

Dadka leh garaadka shacuureed oo sareeyo waxa ay inta badan waqti galiyaan iney naftooda fahmaan ka hor inta ay ayagu fahmin dadka kale naftooda. Kadib markii ay naftooda fahmaan ayay isku dayaan iney bartaan dadka ku hareersan.. Fahmida ay naftooda iyo shacuurtooda fahmeen ayaa waxa ay ka saaciday iney fahmaan dadka ka kle waxa ay fihiin. Sidookale hab fikirka dadka kale waxay u ogolaatay iney fahmaan ama akhristaan qofkaan waxa uu yahay.


Hadii aadtahay qof garaad shacuureed oo sare leh, hubaal waxaa tahay qof yaqaan naftiisa, barankarana dadka kale. Fahamka naftaada ayaa kuu ogolaaneedo inaad akhrisato oo fahamto hab fikirka dadkale.


➤ Waa dul qaad baddan yihiin:

Dul qaadka waa sifo qurux baddan oo qof kasta uu u baahan yahay, qofkii leh ne uu wax baddan dheer yahay dadka kale. Dulqaad ka ayaan waxaan dhihi karnaa waxa uu qeyb weyn ka qaataan dadku ineey akhristaan dadka kale. Dadka ku fiican akhrinta dadka kale waxa ay leeyihiin dulqaad, waxa ayna fahmaayaan qofkaan waxu uu rabo ama dabeecad ahaan waxa uu yahay. Dulqaad la,aantu waxa ay dhalidaa dag dag, markii dag dagaagu batana awood uma yeelaneeysid inaad akhrisato dadka kale. Sidookale waxaad wayn kartaa wax markaas aad u baahantahay.


Dulqaadkaada oo baddan waxaa in baddan oo aad fahantaa dadka kale waxa ay yihiin.


➤ Aad ay u dhageystaan dadka.

Dadka leh sifada introverts ka waxa ay kaga faaiido baddan yihiin dadka leh extroverts ka waa dhageeysiga. Dhageysiga dadka kale ayaa leh faaiido wayn, oo dad ka inta baddan wax dhageysto waa dad akhrista dadka kale. Waxaa la dhahaa dadka akhriska baddan maahan dad hadlo oo inta baddan wax ay dhages taan laakiin waxaan kuu sheegaa in ayaga kaliyah ay san wax dhageysan oo dadka ku fiican akhrinta dadka kale waxay inta baddan dhageystaan dadka kle hadaladooda.


Hadii aatahay qof rabo inuu mar walbaa hadlo ama doonaayo inuu codkiisu meel dheer gaaro, waxaa kuugu adkaanee inaad akhrisato dadka kale, taasna waxa ay la macno tahay adiguu maddaxa kula juro meel cariiriya oo cid ku saacida aan haysan.

Dhageysiga dadka war bixinada ay ku la wadaagaan ka dibna aad suaalo kooban ka weydiido waxii ay kuu sheegeen , waxaa laga bartaa wax baddan oo leh faaiido marka loo eego dadka rabo inay hadlaan, waana sifada ugu horeeda ama dabeecada ugu caan san oo ay leeyihiin dadka ku wanaagsan akhrinta dadka kale.


➤ waa dad aad ugu fur furan dadka:

Marka aatahay qof fur furan ma tihid qof ku eg hal meel oo waxaad awood uleedahay inaad wax baddan ogaatid. Xir xir naashaha xaalad walbaa waxaa laga yaabaa inaad wax baddan oo aadan dareensaneed aad ku weydo sida iney kuu gu adkaado akhrinta dadka kale.


Dadka ku wanaagsan akhrinta dad ka kale intooda baddan maahan dad xir xiran oo waxa ay dhex galaan dadka kale, ka dib waxaa suurtoobee iney la kulmaan dad leh dabeecado kala duwan, waxaana suurtoobi karto inuu arko dad baddan oo cabashooyin, dareen ama fikiro kala duwan leh. Marka hadii aatahay qof xir xiran cidna fikir ama dareen kulama wadaageyso, mana akhrisan kartid dadka kale.


➤ Waa dad u fiirsada dadka kale.

Awooda aan caadiga ahayn ee dadka ku fiican akhrinta dadka kale ay leeyihiin waa u fiir sada shada dad ka kale sida marka ay hadlaayaan, marka ay tagaan meel ku cusub, marka ay qol ame guri islaamed galaayaan, dhamaan ficiladaas iyo kuwa aanan ba sheegin ayaa ah ku wa ay ka eegaan dadka ku fiican akhrinta dad ka kale.

Ufiirsashada waxa ay kaa saacidee inaad barato dadka kale, dhaqamadooda iyo wax yaabaha ay dhibsanaayaan.


Recommended:

-İntrovert personality ➤


➤ Waxa jiro naxariis ayleeyihiin oo dadka kale aysan laheyn.

Naxariista ayaa ah sifo wanaagsan oo lagu duceysto. Dadka leh naxariis ama u dabacsan dadka waxa ay si dhaqsi leh ku akhrinkaraan dadka ku xeeran.

Dhab ahaanti noola kastaa waxa uu ubaahan yahay laxow ama naxariis, ayada oo aan dad ku is ku dareen ahayn hadana waxaa jiro baahi uu qof kastaa uu u qabo in loo naxariisto.

Bare cilmi-nafsiga oo lagu maga caabo Kendra Cherry waxa uu dhahay naxariistu waa awood qaab shacuur ahaan loo fahmo waxa ay dadka kale dareemaan.

Waxaan taas dhihi karnaa qof ku naxariis la,aan ma akhrisan karo dadka kale.

Qofk umarka uu yahay qof naxariis baddan waxa uu dadka kale dheer yahay wax yaabo badan, waxa uu akhrin karakaa dadka dareen kooda waxa uuna siiyaa talooyin ku haboon qofka iyo dhiiri galin wanaagsan.Sidookaale ne waxa uu is ku dayaa inuu caawiyo qofkaas waxii uu ka caawin karo.

Naxariista ayaa ah sifo ama calaamad ay leeyihiin dadka akhrin karaa dadka kale.


➤ Maahan dad kor isku qaado.

Ä°n baddan oo aatabahay qof kor is ku qaado waa in baddan aad is ku soo jeediso indhaha dadka kale waxaana macquul noqonaayo inaad yeelato cadow iyo saaxiib. Adigoo ah adoon waxaa qalad ah inaad iska la weeynaato dadka kula siman, markii laga soo tago sida ay ayagu kuu arkaa. Ä°ntaa ka dib,Dadka ku fiican akhrinta dadka kale waa dad is hoosasiiyaa oo aan ba jeclayn iney kor is ku qaadaan. Waxa ay inta baddan muu jiyaan iney yihiin dad aan wax ba ogeyn yacnii aan la socon waxa dhacaayo. Taas ayaa waxa ay ka saaciday akhriyaan dadka kale si qoto dhaeer.


Gunaanad, wooda akhrinta dadka kale waxa ay ubaahan tahay oo ay tilmaame faham dheer oo ku saabsan qofka ubaahan inuu wax akhriyo ama fahmo dadka kale. Waxa ayna qofka ka dhigeeysaa mid leh awood dheeraad ah.

Maahan awood lagu sameyn karo maalmo koo ban laakiin hadii aad u baahan tahay awoodaas inaad yeelato waxaad ubaahantahay inaad waqti baddan ku bixido.


Byashoweb.com

bottom of page