top of page

Read Posts

7signs that indicate that a person is highly intelligent

Waxaa macquul ah inaad barato dhaqamada lamafilaankaa ee cajiibka ah ku waasoo dadka caqligoodu baddan yahay ay u dhaqmaan una fikiraan si ka duwan dad ka kale. Saynisku waxa uu sheegaa ame uu daaha ka qaadaa sida garaadka sare uu uga muuqdo hab-dhaqankeenna, go'aan-qaadashada, iyo is-dhexgalka.

Hadii aad hagaasiso tilmaamahaan, waxaad awood ujeelan doontaa inaad hesho ame dareento awood dheer oo xag maskaxda ah, xataa haduu ruux is ku dayo inuu hoos kuu dhigo.


- Waxaad diyaar u noqataa in aad ogaato calaamadahaan, aadne bar bar dhigtid dhaqamadaada iney ka mid yihiin calaamada haan caqli ee aan sheegi doono.


1)waa iney yihiin dad curious ah:

- curious waxaa loola jeedaa marka uu qofku doonaayo inuu wax baddan ogaado, yacnii uu suul kaa weydiinaayo waxa uu rabo inuu ogaado .

Waad ogtahay ilmahu had iyo jeer waxa ku weydiinayaan 'Sabab?' ‘maxey saas u dhaceen, udhici waayeen ,iyo wax la mida’’ si fiican, waxaa jirta fursad aad u sareysa oo isaga ama iyadu ay ku noqon doonaan kuwo aad u caqli badan. Talaabada ugu horeysa ee aqoontu waa maskax curious ah. Daraasad ay sameeyeen Khubarada cilminafsiga waxay heleen xariir xooggan oo ka dhexeeya curiosity and intelligencega . Daraasaduhu waxay muujinayaan dadka curiosity ga ah inay abuuraan fikrado kakan waxa ay na si fiican u dhexgalaan macluumaadyada kala duwan. MRI-yadu waxay muujinayaan in maskaxdoodu aad u firfircoon tahay marka lagu soo bandhigo waxyaabo yaab leh ama aan la garanayn. Ku raaxaysigooda iyo caqabadu waxay utartaa ame sababtaa isku xirka neerfaha fura fikirka aan la taaban karin iyo samaynta xasuusaha..


Halka dadka wax-waydiintoodu yartahay ay ka fogaadaan hubanti la'aanta, kuwa curiosity ga waxay rabaan helitaanka dariiqooyin maskaxeed oo cusub. Su'aalahooda waxay albaabada u furayaan faham sare iyo hal-abuurnimo.


2)Waxay ku milmi karaan ame la noolaanka raan ​​koox kasta.

İnaad la noolaato ame la qabsato dabeecadaha kala duwan oo ay leeyihiin dad aadan aqoonin maahan mid fudud laakiin waxa ay u sahlan tahay kaliyiyah dad ka caqliga sare leh meel dheerna wax ka arki karo. Awooda soo jiidasho ee aad u leedahay dadka aad is ku cusubtihiin iyo inaad ka dhaadhiciso hadal yar dadka ayaa ah calaamad tilmaameyso caqliga baddan. Sidookale, dadka caqliga baddan waxa ay leeyihiin sirdoon shacuureed oo aad u sareedo.


3)Waxay ku xeel dheer yihiin akhrinta luqadda jidhka ee dadka:

Shakhsiyaadka aadka u caqli ga badan ayaa si gaar ah xirfad u leh tarjumaadda tilmaamo aan hadal ahayn sida tibaaxaha wejiga, dhaqdhaqaaqyada, iyo muuqaalka inta ba. Waxay garan karaan sida ame xaalada uu qofku ame dadka kale ay markaas dareemaayaan,sida murugta, raaxada, iyo farxada xataa hadii ay xaaladaas qariyaan ame si kale usheegaan, dadka indheergaradkaa waa garan karaan qofka. Woodaas ay uleeyihiin iney akhriyaan luuqada jireed ayaa waxa ay usahlee iney sameeyaan xariiro qoto dheer.


Haddii adiga ama qof kugu xeeran, had iyo jeer aad mooddo in aad garanayso waxa ugu wanaagsan ee aad ku sheegi karto ame ku garan karto ayaa inaad xirfad qoto dheer u leedahay luuqada jirka, taasaana kaa caawin karto inaad wax badan ka aqooto.


4)Waxay samayn karaan xisaabta oo waxay si degdeg ah u soo saari karaan jawaabta:

Adigu mataqaan qof si dagdag ah wax u xisaabin karo

.

Weligaa ma taqaan qof samayn kara xisaab aad u degdeg badan?

ma sahlano ama fududo inaan xisaab aad daqiiqado koo badan ku sameynkarto, xataa hadii aad baratay waxa ku saabsan xisaab. Xisaabin lacaga iyo taariikheynta ame xasuusashada dagdagaa ayaa ah wax uu san qof walbe sameeyn karin markii laga reebo dadka caqliga baddan. Dadka sirtoonkaa inta baddan waa dadka caqliga baddan waxay leeyihiin xasuus shaqo oo heer saro ah iyo awooda soo celinta macluumaadka . Maskaxdoodu waxay si dagdag ah u xisaabin kartaa xisaabaadka adag, waxa ay na si cad u xasuusan karaan dhacdooyi sanado hore ah ayagoo awood uleh iney faah faahin buuxda ka baxshaan!.


5)Waxay dhegaystaan ​​falsafada iyo caqiidooyinka kuwa kale iyaga oo aan caqabad ku ahayn:

Waa maxay sababtu? Sababtoo ah waxay og yihiin inaysan jirin wax macno ah oo lagu mucaarado waxyaabaha qaarkood. Rumaynta waa wax la aamino haddii kale waxaan ugu yeeri karnaa xaqiiqooyin! Ma beddeli doontid qof maskaxdiisa ilaa ay waxaasrabaan mooyaane.


Dad badanna, nidaamkooda caqiidada ayaa runtii muhiim u ah. Dadka garaadka sare leh ayaana fahmo taas. Iyagu ma haystaan ​​wax ay ku caddeeyaan mana laha ego, markaa looma baahna in 'sax' la noqdo. Dadka caqliga lihi waxay aqoonsadaan in qof kastaa leeyahay aragti gaar ah oo ay qaabeeyeen waaya-aragnimada nololeed ee kala duwan. Iyagoo si adag u falanqeynaya. way furan yihiin oo way ka fogaanayaan go'aannada qaar. Qofka caqliga lihi waxa uu fahamsan yahay in dhegaysiga qaar oo ka falcelin la’aantaa ay keento is-fahan qoto dheer oo labada dhinac ah. Sidoo kale ixtiraamka fikradaha dadka kale ay tahay wax fiican , waxay gartaan inay iyagana wax ka baran karaan fikradahaas.


Khalad ha ii fahmin - dadka caqliga saliimka ah waxay badanaa jecel yihiin dood wanaagsan, laakiin kaliyah waa marka labada dhinac ame dadka ay la doodayaan ay dooda raali ka yihiin.


Recommended:


6)Waxay qirtaan markay khaldan yihiin

Iyaga oo ku kalsoon awoodooda, dadka garaadka sare leh kama labalabeeyaan mana baddalaan inay qirtaan khaladaadkooda marka la keeno caddayn cusub. Dhab ahaantii, waxay badanaa ku faraxsan yihiin in la tuso wax cusub ama in la caddeeyo khaladka markaas muuqdo. Waxay weli u heellan yihiin inay horumariyaan fikirkooda taasoo ay wax badan ka bartaan. Dadka caqliga leh, saxnaanta aad bay uga muhiimsan tahay raadinta runta iyo wada noolaanshaha.


7)Waxay leeyihiin dano iyo damacyo kala duwan:

In kasta oo qaar ka mid ah maskaxda heerka garaadka ay ku waalan yihiin hal maado, qaar badan oo ka mid ah waa polymaths leh dano kala duwan oo ku saabsan sayniska, farshaxanka, falsafada, dhaqanka iyo qaar kale.

Harraadka ay uqabaan iney helaan aqoon ayaa u horseedaysa inay wax walba xiiseeyaan. Dadka caqliga baddan leh waxay gartaan in fikradaha muhiimka ahi ay ka yimaaddaan isku-dubaridka macluumaadka qaybaha kala duwan. Waxay kobciyaan fikirkooda iyagoo si weyn ugu milmaya adduunka. U fur fur naanta raadinta wax yaabaya cusub waxay sidookale ka dhigtaa maskaxdooda mid si sare u shaqeeysa.


Suaalo akhristaha ku saabsan

- Maka mid tahay dadka leh calaamadahaas ame ma aragtay qof ame dad leh qaar kamida calaamadahaas?

- Majeclaan laheeyd inaa yeelato?

- mayihiin calaamado hadii uu qofku leeyahay wax ka dhiman aysan jirin?















bottom of page