top of page

25 items found for ""

  • İf you have these symptoms you have strong traits.

    Hadii aad leedahay calaamadahaan waxaad heesataa shaqsiyad adag. Lahaanshiyaha shaqsiyada adag maahan kaliyah wax dadku udhasheen ee waa dabeecad uu qofku doortay oo uu sameysan karana c marka uu rabo inuu wax ka badalo naftiisa. Marka uu qofku doonaayo inuu dabeecadiisa ka dhigo mid adag, waxa ay noqon kartaa labadaba mid wanaagsan ama mid xun ( negative and positive), is badalada nuucaan ah waxaan dhihi karnaa  qofka waxaa ku sababa bulshada ku hareersan sida saaxiibada,qaraabada, familyga iyo beyada uu ku noolyahay qofka. Shaqsiyadan dadka leh intooda badan waa dad wanaagsan waxna ka barta waqtiyadii kala duwanaa ee soomaray sidookalana  waa dad fahamsan in ay isbadal ku sameyn karaan wax yaabaha ka soo halaabay. Hada waxaa jiro astaamo ay macquultahay iney  caan ku yihiin dadka leh shaqsida adag. Waxaan doonaa inaan qoraalkaan  kuugula wadaago qaar ka mida astaamahaas, inigoo ka faaiideysanaaayo akhrintaada iyo diiradsaarkaada wanaaagsan. ➤ Maahan kuwa dadku ay isticmaali karaan. Marka la dhahaayo lama isticmaali karo micnaheedu maahan in laga wado qofka waxaa loo isticmaalaa sida weelka ama uu qofku yahay mid looma galaana ee waxaa loola jeedaa qofkaani waxa uu  kala yaqaan qofka ka faaiideeysanaayo noloshiisa  ama ku daneeysanaayo iyo kan daacada u ah oo aan wax daneeysiya ku wadan. İnaad kala barato dadka noloshaada ku soobiiraayo dhaqamadooda iyo sababta ku kalifeeso iney adiga kula jirsadaan waxay u baahantahay awood shaqsiyeed taasna waxa ay kaa saacidi doontaa adi, in aadan unuglaan dhibaatooyinka kaaga imaankaro hadhow. Calaamadaani waxa ay siweyn uga muuqataa dadka leh shaqsiyadaan. ➤ Waxaa u sahlan diidmada. Oraahda maya  waxay muujineeysaa inaad tahay qof wax diidi karo waxna yeeli karo. Maahan inaada diido wax walbaa  laakin waxaa laga wadaa diid wax kastaa oo naftaada dhibaayo halkii aad ku qasbi laheyd wax aysan ku qanacsaneen. Inaad tiraah   Maya waxay kaa caawineesaa iney ku haleeli waayaan waxyaabo naftaada haligi karo. Haa daada hadii ay badato waxaa hubaal ah in naftaadu ay noqon doonto mid hoos ku noolaa oo dadka kale ku hoos nool. Marka  waqtiyada  qaar waxaa qasab ah inaadan ka gamban ama aadan ka cabsan in aad tiraah “maya”. Dadka shaqsiyada adag waxa ay yaqaanaan oraahda “MAYA” ayaga oo diidan in ay naftooda ku qasbaan wax yaabo aysan awoodin sababtoo ah raaxo raaxo uma arkaan iney naftooda kalifaan. Aan barno nafteena sida loo adbiyo loogana badbaadiyo in ay unoolaato dad kale dartood halkii ay unoolaan laheed adiga dartaa. ➤ waa dad uu hadalkoodu cadyahay. Shaqsiyada adag dadka leh  waxa lagu amaano waxaa ka mida iney yihiin dadkaasu kuwa aan hadalka laa laabin. Waxay hadalka u sheegaan sida uu yahay ama ay ku ogyihiin. Hadii qof qalad galo waxa ay lawadaagaan qofka qaladkiisa iyo waxii uu ku saxnaa.  Qarinta hadalka ama iney ka hadlaan gadaasha dadka waxa ay u arkaan astaan hoos udhigeeso qofnimadooda. Hadalka oo aad laab laabtaa waxaa laga yaabaa iney kuu keento wax yaabo badan oo  aan fiicneen sida in uu qofku been sheego ama uu sameeyo sinaan la aan, kuwaasna waxa ay dhaawacaayaan jiritaanka qofnimadaada. ➤ Waxa ay ku hadlaayaan waa ka warqabaan. Mararka qaar waxaa laga yaabaa inuu qofku hadlaayo waqti badan hadana uu san u arkin wax dhiba. Hadalka badan waxuu keeni karaa in aadan ka war qabin waxa aad sheegtay xadkooda waxa uuna saameeynayaa dadka hareerahaada ah. Dadka leh shaqsiyadaan waxay ka warhaayaan waxa ay sheegaayaan ayaga oo diidan in gadaal uu ugu soolaabto hadalkii ay sida fudud u dhaheen. Waxa ayna isku dayaan dadkaan in  carabkoodu uu san ka soo horeen aqligooda. Kawar heenta carabkaada waa badbaadinta shaqsiyadaada maxaayeelay hadii aad iska sheegto wax kastaa oo kuugu soo dhaco waxaa hoos u dhacaayo adiga qiimahaaga oo qof walbaa waxa uu kuu arki karaa qof aan sariiban ama aan xishoon , ixtiraamka dadkana aan aqoon. ➤ Waxa ay la qabsadaan xaaladaha. Inaad laqabsato xaalad walbaa waa kugu adkaan kartaa marka koowaad  laakiin waxa ay ubaahantahay adkeeysi  iyo dhiiranaan.  Qofka leh shaqsiyada adag waxa ay si joogtaa ula qabsadaan xaaladaha soo mara noloshooda, ayaga oo muujinaayo dulqaadkeeda iyo qanacsanaan dheeraada. Uma arkaan waqti lumis  ama in ay lumaayaan wax muhiima marka uu isbadal ku yimaado noloshooda taasna waxa ay ka saacidaa in dhiirigalinta naftoodu ay kor u qaadanto. Is badalka nolosha waa xaalad qof walbaa uu la kulmo, waxaana nalooga baahan yahay inaan lahaano adkeesigeeda si aan guul uga gaarno danaha aad rabno inaan qabsano. ➤ Waa ay qoslaan mararka qaar. Qosolku waxa uu ujoogaa boos wanaagsan marka la jooga dadka leh shaqsiyada adag leh. Waxa ay murugtooda iyo dhibaatadooda ku qariyaan qosol iyo dhoola cadaynta.  Waxa ay dadka umuujiyaan furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan mana laga dareemo waxa qalbigooda uu dareemooyo. Qosolka ama dhoola cadayn ta ayaa ah ficil posative ah ama wanaagsan kaas oo lagaaga baahan yahay nalooga baahan yahay in aan ku dhaqano waqtiyadeena adag. ➤ waa dad u arka nolosha dhanka wanaagsan. In marwalbaa noloshaadu wanaagsanaato ama ay noqoto sidii aad rabtay muhiim maahan dabcan wax waa kaa halaabaayaan waxna waa kuu toosaayaan sidaatarteed dadka leh shaqsiyada adagi waxa ay u arkaan nolosha dhanka wanaagsan, ayagoo  dhibaatadii soo martay aan u istaajeen noloshooda. Unoolaanshaha dhanka wanaagsan ama in aad noloshaada u dhigto dhanka wanaagsan waxa ay naga saacidi kartaa inaan homar iyo isbadal  kala duwan ku sameeyo nafteena anago heleeno waqti wanaagsan oo aan ugu doori karno in nafteenu unoolaato qaab fiican. Sidookale, waxaa noo suurtoobeedo in aanan ka niyad jabin wax qabadka aan nafteena wax uga badali laheen. ➤ Maahan dad qiimeeya waxa dadka kale ka aaminsanyihiin. Hdii aatahay qof yaqaan waxa uu asagu yahay, baahi uma qabtid in aad ogaato waxa ay dadka kale kaa aaminsanyihiin.  Dadka leh shaqsiyada adag inta badan waa dad ku howlan naftooda mana waqtigooda ku dhumiyaan ka walwalida  waxa ay dadku ka aaminsanyihiin. Waxa ay wax caadi ah u arkaan in dadka qaarkood  ka soo horjeesan karaan fikirkooda maxaa yeelay dadku is ku fikir maahan. Sida si lamid ah waxa ay xushmeeyaan dadka laakiin maahan dad unoolaado in ay raali galiyaan dadka. Isweydii adigu maleedahay shaqsiyada? Gunaanad, Shaqsida adag waa wax aad sameysankarto marka aad dooneyso inaad naftaada ku sameyso is badal. Waxay muhiim utahay qof walbaa oo dareemaayo in naftiisu hooseedo.

  • The most well-known languages in the world

    ‘Luuqada ha ugu caansan adduunka’ Bulsho waliba oo aduunka ku nool oo waxaa ka jiro dhexdooda khilaaf ama khilaaf la,aan. Hadaba, adigu ma is weydiiday waligaa bulshada isqilaaf san ama aan iskhilaaf saneen sida ay ku ogaadeen in khilaafka dhex yaal?. Sidee se isku gu sheegaan khilaafka dhex yaal nuuca uu yahay?. Dancan waxa ay ku xariireen Luuqad ama af ugaara. Luuqadu waa habka ay bulsho yar ama badan ku wada xariiraan ayna is kugu gudbiyaan afkaartooda iyo danahooga gaarkaa. Luuqadu waxa ay door weyn ka qaadataa in bulshadu ay wada noolaadaan, ayagoo ku wada xariiraayo luuqada ay isku fahmaayaan. Waxaan dhihi karnaa bulsho ma wada noolaan karto luuqad ama af ay isku fahmaan la,aantiis sababtoo ah dadka ama qofku waxa uu u baahan yahay inuu hadlo oo uu cadeeyo dareenkiisa sida cabashooyinka iyo dareenkiisa ku aadan rabitaankiisa ama uu sheego waxa uu rabo inuu qabto sida shaqada. Marwalba oo aad u baahan tahay inaad wax cadeeydid ama aad wax qabatid waxaad ubaahee inaad hadasho waliba aad ku hadasho afkaada si ay kuugu hagaagaan waxa aad dooneysid. İntaa waxaa dheer luuqadu waxa ay saha shaa in la ogaado waddan ama bulsho taariikh dooda iyo asalkooda meesha ay ka imaadeen. Sikartaba ha ataahee, luuqadaha dunida looga hadlo maahan kuwo lasoo koobi karo laakiin waxaa jiro ku caan ah oo dunida daafihiisa laga maqlay ama aduunka barkiisaba looga hadlo. Qoraalkaan waxaan uga hadli doonaa luuqadaha dunida k uwooda ugu caan san,anagoo eegeeno dadka ku hadlaa inta ay la egyihiin. Waa kuwaan qaar ka mid ah luuqadaha aduunka ugu caan san dadka intooda baddan ne ay ku hadlaan. 1:English language Luuqada ingiriiska ayaa ah luuqad caalami ah oo caanka ah dunida idilkeed. Waxaa hubaal ah qof walbaa oo garasha leh aduunka joogane inuu maqlay luuqada ingiriiska yuusan ba ku hadine. Luuqada ingiriiska kaliya ku ma hadlaan dadka u dhashay sidookale waxaa ku hadla dad aan u dhalan. Wadar ahaan dadka ku hadlaa luuqada ingiriiska waxa waayo boqolkiiba 18%.8. Markii lakala dhigo, boqolkii 13%.8 waa dad u dhashay luuqada halka dadka aan u dhalan ay yihiin boqolkii 5%. 2:Chinese language Luuqada shiinees ka ayaa ah luuqada labaad oo ugu caan san dunida. Shiineesku waxa uu leeyahay shan lah jadood, mida ugu caansan waxa la yiraah mandari ayada ayaana meelaha badankood looga hadlaa. Dadka ku hadlaa luuqada shiinesska wadar ahaa waa boqolkiiba 13%.8. Waxaan dhihi karnaa dadkaa shiineeskaa ayaa ah dad aad u badan sidaas ayayna caan ku noqotaday luuqadoodu. 3:india language Luuqada hindia ayaa ka mid ah luuqadaha loogu hadalka badan yahay dunida ama kuwooda ugu caan san. Waa luuqada sadexaax ee dadku badankood ku hadlaan. Waxaa ku hadlo boqolkiiba 7.5%. Dadka u badan ee ku hadlaa luuqada hindiya waa dadka u dhashay. Markii laga soo tago dadka u dhashay luuqada hindiya, waxaa jiro dadkale oo aan u dhalan luuqadaas laakiin ku hadla hindi. Dadka hindiya waa dad ka mid ah dadka ugu tirada badan aduunka, sidaatarteen luuqada hindiya waxa ay noqotay kuwa ugu caansan aduunka. 4:Spanish language Wadanka spainsh waa wadan ka mid ah wadamada ugu hormarsan aduunka, sidaa si lamida, luuqadooda oo ah Spanishka waxa ay ka mid tahay luuqadaha ugu caan san aduun, dad badan oo aduunka joogana ay ku hadlaa. Waa luuqad ay dadku jecel yihiin inay bartaan, oo goobaha lagu barto luuqada ha luuqada Spanishka ayaa ka mid ah kuwa ugu horeeyo oo dadka labaro. Dadka ku hadlo luuqadha Spanishkaa wadar tooda guud waa boqolkiiba 6.9%. Luuqada Spanishku waa luuqad dadku ay jecelyihiin barashadeeda iyo ku hadalkeeda intaba. 5:French language Marka luuqad labaranaayo waxaa laga yaabaa in luuqadaas aadan jecleyn barashadeeda ama ku hadalkeeda, sidaa darteed, ah luuqada faransiiska maahan luuqad barashadeedu ay dadku nacebyihiin. Waxaa umoodaa in luuqada faransiiska ay tahay luuqad ku rux badan oo dadku waxa ay ba dhahaan luuqada faransiinsku waa luuqada ugu jacaylka badan aduun. Luuqada faransiiska kaliya kuma hadlaan dadka udhashay ee sidookale waxaa ku hadla dadkale sida wadamada uu faransiisku gumeystay. Waxaa lagu qiyaasaa dadka ku hadla faransiiska wadartooda guud iney yihiin boqolkiiba 3.4%. 6:Arabic language Luuqada carabiya sidookala waxaan dhihi karnaa luuqada islaamka, ayaa ah luuqada lixaad ee aduunka ugu caansan. Waa luuqad dadka intooda badan ku hadlaan. Waxaa carabi ku hadlo dad u dhashay iyo dad aan u dhalan. Dadka ku hadlaa carabiga wadar tooda guud waxa lagu qiyaasaa iney yihiin boqolkiiba 3.4%. Luuqada carabiga ayaad kabarankarta ama ka heleysaa barasheeda goob walba oo lagu barto luuqada aduunka. 7:Bengali language Luuqada totobaad ee ka mid ah luuqadaha ugu caan san aduunka waa luuqada la yiraah Bengali. Luuqadaan sanadii 2017 waxa ay aheyd luuqada labaad oo dadka ugu badan aduunka ay ku hadlaan. Waxaa ku hadla dad gaaraayo 284.3milyan oo qof. Boqolkiiba ne waxaa waayo dadka ku hadlaa 3.4%. Dad udhashay iyo dad aan u dhalanba intaba waa ku hadlaan luuqada Bengali. 8:Russian language Ruushka oo ah wadanka ugu weyn aduunka,sidookalana ah wadanka labaad ee ugu awooda badan aduunka, ayaa luuqadiisu ka mid tahay tobanka luuqad ee ugu caansan aduunka. Luuqada ruushka waxay gashay lambarka sideedaan. Waxaa ku hadla luuqada ruushka boqolkiiba 3.2%. Luuqada ruushka maahan luuqad ka adag luuqada shiinaha hadana waxaa ku hadla dad kayar dadka ku hadla luuqada shiineeska. 9:Portuguese language Luuqada sagaalaad oo aduunka ugu caan san waa luuqada Burtaqiiska. Luuqadaani waxa ay leedahay taariikh qoto dheer, asalkeeda waxa ay ka imaatay Romana oo waxa ku jiro erayo roman ah. Dadka ku hadla luuqada Burtaqiiska waxa ay iskugu jiraan dad u dhashay iyo dad aan u dhalan intaba. Wadarta guud ee dadka ku hadla luuqada Burtaqiiska waxa waayo boqolkiiba 3.2%,waxaa ku hadasho Burtqiiska in la eg dadka ku hadlo Ruushka. 10:Urdu language Luuqada tobanaad ah ne mida ugu danbeydo oo aan ka hadli doono ayaa luuqad la yiraahdo Urdu. Luuqadaani waxa ay ka kooban tahay luuqado badan oo is ku yimaaday sida luuqada hindia. Sidookale waxaa lasheegaa in ay ku jiraan erayo Jermany ah. Meelaha ugu caansan oo looga hadlo waxaa ka mida Pakistan iyo Hindiya. Tirada dadka ku hadlo luuqada Urdu waxaa lasheegaa in ay yihiin boqolkiiba 2.9%. Gunaanad, Lahaanshaha luuqad waa is fahanka bulshada ay is fahmaayaan midba midka kale kale. Luuqad la,aanteed bulsho mayeelan karaan wax xariira.Sidaadarteed bulsho walbaa waxa ay u baahan tahay nidaam ay ku xariiraan. Sidoo Kale horumarinta luuqadaada wax kale oo loobah yahay. Dhamaan luuqadahaas aan soo sheegnay waa luuqada ha ugu horumarsan aduunka, waxaana didaal ku baxshay bulshada u dhalatay. Luuqad walbaa waxa ay u bahantahy bulshada u dhalatay Byashoweb.com

  • There are 11characteristics of those who read others very well

    ' Waxaa jiro 11 calaamadood oo ay leeyihiin ku wa ku wanaagsan akhrinta dadka kale' Dadka leh awooda maska xeed qaar kood waa dad inta baddan ku fiican akhrinta ama fahmida dadka kale, ayaga oo aanan ba horay ula kulmin ama aan waxba ka aqoon qofkaas. Hadii aan ku waydiiyo adigu ma tahay qof ku fiican akhrinta dadka mise mala kulantay adigu qof ku wanaagsan akhrinta dadka kale?. Akhrinta dadka kale maahan kaliyah inuu qofku u dhashay ee sidoo klae waxaan dhihi karnaa waa xirfad,waxa ayna u baahan tahay ku cel celin. Tusaale, waxaa jiro dad ku xeel dheer soorida danbiyada nuuc walba, xarumaha qaar waxa ay adeeg sadaan qof u ogaado dadka danbigaa geestay, waxaa laga yaabaa qofkaasu inuu ula dhaqmo dadka danbigaa geestay si caadiya, kadibna uu fahmo danbi baarihii qofka geeystay falkaa. Sidookale taas waxaa lamida qofka ku wanaagasan cilmi nafsiga ayaguna waxa ay akhrisan karaan qofkaan waxa uu dabaayo ama inuu waxaas sameeyo waxa ku kalifay, hadaba waxaan dhihi karnaa inaad qof akhrisato ama fahanto waxa uu yahay, waxa ay u baahanaan kartaa xirfad waqti iiyo ku celcelin dheeraad ah. Sidaadarteed, waxaa jiro astaamo lagu yaqaan dadka ku fiican akhrinta dadka kale. Qoraalkaan ayaan ku soo gudbi doonaa wax ku saabsan dadkaas indheer garad yadaa. Astaamahaanu waxa ay kuu sheegi doonaan ama aad ku ogaan doontaa in aad la macaamileeso dad aan inaba caadi aheyn. Aan bilaawno astaamaas. ➤ Waxa ay leeyihiin garaad shacuureed oo wanaagsan. İnaad tahay qof leh garaad wanaagsan waxaan dhihi karnaa taasi waxa ay la mid tahay inaatahy qof ka war haayo dabeecadiisa iyo jawaabaha uu bixinaayo markuu hadlaayo. Dadka leh garaadka shacuureed oo sareeyo waxa ay inta badan waqti galiyaan iney naftooda fahmaan ka hor inta ay ayagu fahmin dadka kale naftooda. Kadib markii ay naftooda fahmaan ayay isku dayaan iney bartaan dadka ku hareersan.. Fahmida ay naftooda iyo shacuurtooda fahmeen ayaa waxa ay ka saaciday iney fahmaan dadka ka kle waxa ay fihiin. Sidookale hab fikirka dadka kale waxay u ogolaatay iney fahmaan ama akhristaan qofkaan waxa uu yahay. Hadii aadtahay qof garaad shacuureed oo sare leh, hubaal waxaa tahay qof yaqaan naftiisa, barankarana dadka kale. Fahamka naftaada ayaa kuu ogolaaneedo inaad akhrisato oo fahamto hab fikirka dadkale. ➤ Waa dul qaad baddan yihiin: Dul qaadka waa sifo qurux baddan oo qof kasta uu u baahan yahay, qofkii leh ne uu wax baddan dheer yahay dadka kale. Dulqaad ka ayaan waxaan dhihi karnaa waxa uu qeyb weyn ka qaataan dadku ineey akhristaan dadka kale. Dadka ku fiican akhrinta dadka kale waxa ay leeyihiin dulqaad, waxa ayna fahmaayaan qofkaan waxu uu rabo ama dabeecad ahaan waxa uu yahay. Dulqaad la,aantu waxa ay dhalidaa dag dag, markii dag dagaagu batana awood uma yeelaneeysid inaad akhrisato dadka kale. Sidookale waxaad wayn kartaa wax markaas aad u baahantahay. Dulqaadkaada oo baddan waxaa in baddan oo aad fahantaa dadka kale waxa ay yihiin. ➤ Aad ay u dhageystaan dadka. Dadka leh sifada introverts ka waxa ay kaga faaiido baddan yihiin dadka leh extroverts ka waa dhageeysiga. Dhageysiga dadka kale ayaa leh faaiido wayn, oo dad ka inta baddan wax dhageysto waa dad akhrista dadka kale. Waxaa la dhahaa dadka akhriska baddan maahan dad hadlo oo inta baddan wax ay dhages taan laakiin waxaan kuu sheegaa in ayaga kaliyah ay san wax dhageysan oo dadka ku fiican akhrinta dadka kale waxay inta baddan dhageystaan dadka kle hadaladooda. Hadii aatahay qof rabo inuu mar walbaa hadlo ama doonaayo inuu codkiisu meel dheer gaaro, waxaa kuugu adkaanee inaad akhrisato dadka kale, taasna waxa ay la macno tahay adiguu maddaxa kula juro meel cariiriya oo cid ku saacida aan haysan. Dhageysiga dadka war bixinada ay ku la wadaagaan ka dibna aad suaalo kooban ka weydiido waxii ay kuu sheegeen , waxaa laga bartaa wax baddan oo leh faaiido marka loo eego dadka rabo inay hadlaan, waana sifada ugu horeeda ama dabeecada ugu caan san oo ay leeyihiin dadka ku wanaagsan akhrinta dadka kale. ➤ waa dad aad ugu fur furan dadka: Marka aatahay qof fur furan ma tihid qof ku eg hal meel oo waxaad awood uleedahay inaad wax baddan ogaatid. Xir xir naashaha xaalad walbaa waxaa laga yaabaa inaad wax baddan oo aadan dareensaneed aad ku weydo sida iney kuu gu adkaado akhrinta dadka kale. Dadka ku wanaagsan akhrinta dad ka kale intooda baddan maahan dad xir xiran oo waxa ay dhex galaan dadka kale, ka dib waxaa suurtoobee iney la kulmaan dad leh dabeecado kala duwan, waxaana suurtoobi karto inuu arko dad baddan oo cabashooyin, dareen ama fikiro kala duwan leh. Marka hadii aatahay qof xir xiran cidna fikir ama dareen kulama wadaageyso, mana akhrisan kartid dadka kale. ➤ Waa dad u fiirsada dadka kale. Awooda aan caadiga ahayn ee dadka ku fiican akhrinta dadka kale ay leeyihiin waa u fiir sada shada dad ka kale sida marka ay hadlaayaan, marka ay tagaan meel ku cusub, marka ay qol ame guri islaamed galaayaan, dhamaan ficiladaas iyo kuwa aanan ba sheegin ayaa ah ku wa ay ka eegaan dadka ku fiican akhrinta dad ka kale. Ufiirsashada waxa ay kaa saacidee inaad barato dadka kale, dhaqamadooda iyo wax yaabaha ay dhibsanaayaan. Recommended: -How can you know someone who has low emotional intelligence ➤ -Nature and Nurture ➤ -İntrovert personality ➤ -Accepting the change ➤ -Extrovert Personality ➤ ➤ Waxa jiro naxariis ayleeyihiin oo dadka kale aysan laheyn. Naxariista ayaa ah sifo wanaagsan oo lagu duceysto. Dadka leh naxariis ama u dabacsan dadka waxa ay si dhaqsi leh ku akhrinkaraan dadka ku xeeran. Dhab ahaanti noola kastaa waxa uu ubaahan yahay laxow ama naxariis, ayada oo aan dad ku is ku dareen ahayn hadana waxaa jiro baahi uu qof kastaa uu u qabo in loo naxariisto. Bare cilmi-nafsiga oo lagu maga caabo Kendra Cherry waxa uu dhahay naxariistu waa awood qaab shacuur ahaan loo fahmo waxa ay dadka kale dareemaan. Waxaan taas dhihi karnaa qof ku naxariis la,aan ma akhrisan karo dadka kale. Qofk umarka uu yahay qof naxariis baddan waxa uu dadka kale dheer yahay wax yaabo badan, waxa uu akhrin karakaa dadka dareen kooda waxa uuna siiyaa talooyin ku haboon qofka iyo dhiiri galin wanaagsan.Sidookaale ne waxa uu is ku dayaa inuu caawiyo qofkaas waxii uu ka caawin karo. Naxariista ayaa ah sifo ama calaamad ay leeyihiin dadka akhrin karaa dadka kale. ➤ Maahan dad kor isku qaado. İn baddan oo aatabahay qof kor is ku qaado waa in baddan aad is ku soo jeediso indhaha dadka kale waxaana macquul noqonaayo inaad yeelato cadow iyo saaxiib. Adigoo ah adoon waxaa qalad ah inaad iska la weeynaato dadka kula siman, markii laga soo tago sida ay ayagu kuu arkaa. İntaa ka dib,Dadka ku fiican akhrinta dadka kale waa dad is hoosasiiyaa oo aan ba jeclayn iney kor is ku qaadaan. Waxa ay inta baddan muu jiyaan iney yihiin dad aan wax ba ogeyn yacnii aan la socon waxa dhacaayo. Taas ayaa waxa ay ka saaciday akhriyaan dadka kale si qoto dhaeer. Gunaanad, wooda akhrinta dadka kale waxa ay ubaahan tahay oo ay tilmaame faham dheer oo ku saabsan qofka ubaahan inuu wax akhriyo ama fahmo dadka kale. Waxa ayna qofka ka dhigeeysaa mid leh awood dheeraad ah. Maahan awood lagu sameyn karo maalmo koo ban laakiin hadii aad u baahan tahay awoodaas inaad yeelato waxaad ubaahantahay inaad waqti baddan ku bixido. Byashoweb.com

  • People sometimes learn these things too late in life

    'Dadka mararka qaar waxa ay sheeyadaan ka bartaan gadaal noloshooda.' Mararka qaar noloshu waxa ay leedahay wax yaabo adag oo nala ga rabay inaan waqtigeeda ku sameeyno, ka dibna waxa aan ku hantaaturoonaa ame ku dhibaatoonaa waxaas aan sameyn weynay waqtigeeda. Miyey san aheen taas?. kawaran hadii aan si hoosaada u barano casharkaas oo ka dibna aan ku dabaqno nolosheena ka hor inta ay san adeeg nagu noqon, dab can waa wax lasameyn karo hadii aan is ku day la imaano.! Sida saxdaa waxaa jiro waxaabo dadku baddan kood aysan baran waqti hore, oo waxaa laga yaabaa iney bartaan waqti danbe ame aysan ba baran noloshooda oo dhanba. qoraan kaan ayaan waxaa kugu la share gareen doonaanaa wax yaabahaas ay dadku gadaal ka bartaan xiliga dan be, laga yaabaa adigu inaa tahay qof ka soo daahay ama mid baranaayo hadda yacnii waqti hore. Diyaar u noqo moowduucaan akhrintiisa, laga yaabaa inaad ka hesho oo uu kaa badbaadiyo wax yaabo baddan oo noloshaada qasi karo. ➤ Wax yaabaha leh natiijoo yinka ha ku xirin farxa daada. Baddan keen waxaa caadi nala ah inaan farxadeena ku xirno wax yaabo yar yar ame waa weyn. Waxaa laga yaabaa hadii waxaas ay nu sameyn inaanu firfircooni laheyn, ka dibna waxaa suurtoobee inaa dib u dhigno wax kale oo muhiim noo ah laakiin aanagu aanu u jeedin muhiimada ay leeyihiin wax yaabahaas. Tusaale’ hadii aad tiraa maanta aniga hadii aan gato gaari cusub ame aan helo shaqo fiican waan ku farxi lahaa, oo waxaan qabsan lahaa wax baddan. Taas oo kale runtii waxaad ka heli doontaa markii aad hesho farxad ku meel gaaraa. İntii aad kaheleeysid waxaas aad ubaahantahayna hadii aadan laheyn qanac sanaan aad ku qanacsantahay waxa aad heesato hada, waxaa kaa jaha wareeri doona noloshaada, la dhaqanne mayeelan toontid. Ogsoonow mar walbaa in wax yaabaha na tiijada leh aysan aheyn wax farxad waarto u keeni karo qof, kali yah waxa ay ku egyihiin maalmo. Mu hiimna maahan inaad farxad iyo wax lamida aad shey ame wax kale ka sugtaa. ➤ Qaado oo raali ka noqo una diyaar garoow inaad guul daro la kulanto. Guul markaa maqalno caadiyan waxaa nagu soo dhaco wax kale sida qofku inuu helo hanti, inuu caan saaida noqdo, iyo waxii lamid ah laakiin ani gu waxaan dhihi karaa guul waa ‘wax walba oo aad qorsheydo inaad sameydo ka dibne waxii ay kuu hirgalaan, xataa hadii aad qofsheydo maanta inaad suaalo baddan ka shaqeeydo ka dibna aad suaalihii ka shaqeeydo waxaan dhihi karaa waa guul maxaa yeelay inaad suaalahaas baddan ka shaqeeydo waa hami aad laheyd. Sidaa tarteed , haka baqin in waxa aad ka shaqeeyday ay qalad wada noqdaan. Diyaar garoowgaas aad u diyaa garoow day qaladka ame saxda suaalahaas ayaa leh karti iyo soo jiidasho. İntaa waxaa dheer, ka baqida wax yaabaha yar waxay kuu hor seedi karaan inaad ka baqdo wax yaabo waa weyn oo lagaa rabo inaad qabato. Waa muhiim inaan yeelalo adkeysi aan ku waji karno wax kaastaa oo nagu soo wajahan, guul ame guul daro. ➤ Lasoco in xaaladuhu aysan adi kaliyah kugu ekeen. Mar uun istaag oo fiiri hareera haaga ka dibna arag sida dadku u waja haayaan noloshooda. Baddankeen waxaa xal uweynaa qaabka aan umaareyn laheen nolosheena, markaasne waxaa iska dhaadhicinaa in anaga ka liyah ay dhibaatadu naheeydo. Adi ahaan wax kuu wanaagsan maa ahan inaad maareeyn weydo xaaladahaaga. Ha is dhihin adiga kaliya aa la kulmaayo dhibkaan ka dibna ha is dhigan oo yaan lagaa tilaab san yacnii yaan lagaa tagin. Lasoco in noloshu aysan aheyn buug gacmeed laakiin ay tahay wax dabiiciya. Markasta oo aad dareento in wax kasta adi kugu kali yahiin waa mar kasta aad usii dhawaaneyso inaa ka dhunto jirka horumarka. Ku sasab naftaada wax kastaa oo dhacaayo iney jiraan dad soomaray!. ➤ İlaali dadka kaaga dhow dadka kale. Wax yaaba nolosheena na mashquuliyo ame aad ku jah wareerno waa ay fududahay inaan si sahlan ku hilmaamno waayo micna muuqdo uma arkeeno markii aan ka soo faaruqno. Midaas midlamida, xiliga aan nolosha ku mashquulsannahay waxaa jiro dad noo dhow oo anaga na raadraaca ame naga fikiro laakiin aan ilaawnay mashquulka dartiis. Xasuusin , muhiim maahan inaad dadka u sheegto muhiimada ay kuu leeyihiin, halka aadanba daryeeleen. Ogsoonowne in cilaaqaadku uu yahay taageero uu alle kusiiyay. Aan isku dayno inaan waqti siino cidkasta oo cilaaqaad naga dhaxeyo, oo aan ogaano in nolosha aan ku leenahay dadka aan cilaaqaadka la leenahay, sida qosaskeena iyo asxaabteena , ileen ayaga aa nasiiyo taageero buuxde. ➤ Hadii aad tahay ruux is daryeelo ha u arki dibaato in ay dadku kuu arkaan daneeste. İs dar yeelida iyo ku mashquulida naftaada waxaa laga yaaba in dadku kuu arkaan mid daneestaa. Taas badalkeed, hadii lacala aadan ba aheyn mid is daryeela waxaa laga yaabaa iney kuu arkaan mid naftiisii hilmaamay, oo waxaaba adkaanee ineey tooda kuugu aaminaana maadaama aadtahay mid aan daryeel lahey. ‘Hanoqon qof layiraah taada ma dar yeeshide teeyda maxaa ku daryeelee’. Baddan keen waan ka gam banaa in nala dhaho daneeste, waa caadi hadii lagu yiraah daneeste oo dhib ha u arag. Dhibku waxa uu ku jiraa inaadan dan taada aqoon. Latalinta naftaada, nadiifinta jirkaada, socod aad aado iyo inaad cunto wax yaabo aan cudur kuu keeneen intaa waxa dhaafsan hadii ay dadku u arkaan dhib iyo inaa daneeyseedo , isla dadkaa ayaa ah cudur la iska difaaco.! Xasuusnow tii aheeyd ‘Tiisa daryeelaa tu kale ku daro’. ➤ Marne ha is dhihin waqtigaan waxaas ma sameyn kartid. Caadiyan anagu wax nalaga rabay inaan barano waqtigii aan yareen sida markaa aheyn 9 jirkii iyo 12 jirkii waan ka xishoonaa markaa soo gaarno 18 jirka iyo meelahaas waayo fursad naluugu sheego in waxaanu ay yihiin wax la barankaro waqtigaa rabo ay yihiin, taas ayaa waxa ayna sababee inaan ka xishoono waxaas. Ha cabsan hana ka xishoon inaad bilaaw hiwaayaad cusub. İnteena baddan in waqtigaa rabto aad qabsankartid waxii aad rabto waxaan ogaanaa xili tanbe. ‘Dabagal waxii aad rabto inaad sameydo yay ku cabsi galin da’daadu’. Recommended: -How can you know someone who has low emotional intelligence ➤ -Nature and Nurture ➤ -İntrovert personality ➤ -Accepting the change ➤ -Extrovert Personality ➤ ➤ Shalaay tanka mar mar waxa uu ka xun yahay inaad weydo wax aad rabtay. İnaad ka qoomameeydo wax tagay ame aad qaban weyday waqtigoodii runtii waxa ay ka xuntahay adoo waayay wax aad usoo rafaaday, waayo qoomamadu ku ma siineedo inaa sameeyso is ku day oo aad wax kale ame horay usocod aad sameeydo taasna waa wax adag runtii. Wax walbaa waxa ay ku qurxoon yihiin waqti gooda, waxii aad is leedahay maanta faaiidaa kuugu jirto ha iska da yicin, waxii aysan faaido kuu gu jirine ka tag, hadii ay biri kuugu soo laabtaana sameey adiga oon shalaayn ame qoomameeyn. ➤ Ha udaalin wax yaabaha yar yarkaa. Waxaan faaiido noo laheyn aan inta baddan ku dhunsanaa waqtigeena halka nalaga rabay inaan waqtigeena ku dhunsano waxa noo leh faaiidada. Ma naqaan waqtiga aan u soo baraarugeeyno ame aan ka hortageeyno inaan joojino waqtigeena inaa ku dhumino waxa aan faaiidada laheyn laakiin baddan keen waxaa ka ogaanaa dib in waxaa nu aysan faaiido noolaheyn. Ciyaarta baddan iyo doodahana aan la is ku waa faqsaneen waxa ay dhumiyaan qof ahaan taada ayaga ayaana ugu horeeyo waxa aan waxtigeeyna ku qasaarino bilawga iyo dhamaadka maalinteena cusub. Qodobkaa ayaa ah midka ugu caansan oo aan gadaal ka ogaano nolosheena. Gunaanad, halkaan waxaad ku soo aragay qodobyo kuwaa soo aan gadaal ame dib aan ka barano nolosheena , halka laga yaabo qaar kaloo naga mid ah aysan ba baran. Wax barashada iyo hormaka kaliya maahan waxa noloshadu ubaahan tahay ee waxaa kale oo ay noloshaadu ubaahan tahay in aad barato qodob yadaas oo kale iyo kuwa kale oo aanan soo sheegin. Byashoweb.com

  • How can you know someone who has low emotional intelligence

    'Sidee ku ogaan kartaa qofka leh garaan shacuureed oo hooseeyo.' Ma aragtay qof ame dad kuwaasoo aad umuuqdo umoodeeyso in ay yihiin kuwo fahmaato dadka ku hareersan dareen kooda?. Waa laga yaabaa in aad aragto dad umuuqdo in ay leeyihiin naxariis iyo dabci saa id ah, sidookalane ay ku leeyihiin hadal wanaagsan oo aad is dhihi karto waa dad fiican. Hagaag, waa jiri karaan dadkaa sookale oo markii aad dhex gasho aad ogaandoontid in eeysan ba uqalmi in aad soo dhex gasho sababtoo ah maba lahan dadkaani wax la yiraah emotional intelligence. Qoraal kaan ayaan ku eegi doonaaa wax yaabo ame erayo ay adeeg sadaan dadka leh garaadka shacuureed oo kakan ku waa soo kaa saacidi doono in aad fahanto ame ogaato dadkan iney lee yihiin garaad shacuureed oo hooseeyo . anagoo soo koobi doono oraah yadooda qalafsan iyo sida ay iskaga indho tiraan ama muhiimad aysan u siineen dareemida dareenka dadka ku hareersan. Aan ku bilaawno oraahda ugu horeedo oo ay dhahaa! ➤ Wxa aad tahayqof nugul: Adiga oo naftaada caburinaayo doonayane inaad hesho qof ku fahma, markii aad is tiraa kan kuugu dhow aa ku fahmi karo deetana aad la wadaagto waxa aad la xanuun seedo kawaran hadii la gu dhaho oraah laga yaabo iney sabab unoqoto niyad jab dheeraad ah inaad hesho!. Waa tahay qof dhugul! oraah daan waxa ay calaamad wayn utahay inuu san qofku ku fahmeen sabab too ah marka ay dadku is ticmaalaan oraahdaan qalafsan waxaa lagu macneey karaa in uu san dareen kaadu macno laheyn uu sane xiiso u qabin in lagu fahmo. Kali ya maahan uu qof ku niyad jabaayo laakiin taas waa calaamad weyn oo muujineeso in qofka isticmaalo oraahdaan uu emotional intelligence giisu hoo seeyo. ➤ ka gudub dhibmalahee: Waligaa ma aragtay qof inta baddan dhahaayo oraahda ah ka gudub marka uu qof wax lawadaagi maago ame uu arko qof xaalad ku sugan. Waad is dhihi kartaa tani waxaa loo qaadan karaa dhiirigali ahaan laakiin oraahdaas oo kale waxaa lagu tilmaami karaa adoo qof lug ka jaban ku dhahaayo wax weyn maahan xanuunka ku haayo. Naxariis xumada sida ay qofka uga keen to hadalada qalafsan sidaas oo kale marka qofku emotional intelligence giisu saaid u hooseeeyo waxa uu halhees ka dhigaa oraahyo qalafsan ➤ Waan garanaa dareenka saxda ah ee aad dareemeydo. İnkastoo ay u qaab egtahay oraan naxariis leh si kastaba ha ahaatee waxaa jiro qalooc ku aadan oraahdaan ah ‘waan garanaa dareenka saxda ah ee aad dareemeydo’. Waxa ay kutu seedaa in ay jiro emotional intelligence kakan ame hooseeyo, sababtu na waxa waayo inuu san ba jirin qof si dhab ah ah u dareemi kara qof kale dariinkiisa sax daa ee qalbigiisu dareemaayo. ➤ Maxaad markasta u tahay qof shacuureeysan!. Oraah daani waxaa lagu micno dari karaa ayadoo qof feer kaaga dhuftay mindhicirada!. Mar ba hadii tanoo kale qof afkiis ka soo baxdo waxa waayo hadii la macneeyo ‘aniga culeys ay igu tahay ogaan shaha dareenkaada ama xanuun kaada waxaana jeclaan lahaa inaad iga qariso’. Sidookale waxa ay tilmaamee naxariis daro iyo garaad xumo intaba. Dhib malahan inaad wax fahmi weydo laakiin waxaa daran adoo wax ba fahmin hadana inaad adeeg sato hadal qalafsan. ➤ Hais mur jin iyo maxaa u murgee maxaa yeelay waxaa jiro dad kaa daran adiga. Dadka dhaho oraah daan waxa laga yaabaa iney isku moodaan iney hoos u dhigaayaan dareenkaada laakiin ma ogo in ay leeyihiin garaad wax lagu dareemo oo hooseeyo. İn aad dhahdo ruux ‘Hais mur jin iyo maxaa u murgee maxaa yeelay waxaa jiro dad kaa daran adiga’ halkii ad oran lahey waan ka xumahay waxa aad dareemeyso taas micnaheedu waa ‘been ayaad sheegeesaa oo dareenkaadu waa been abuur!’ oo maba o gid dadka adi kaa daran!. Adeeg siga is bar bar dhigu waa wax qiixaayo inaa dan dareenkaan ixtiraam aadan u heen. Asoo qofku is bar bar dhig adeegsan si ka duwan sidaan ayuu qofka wax ugu sheegi karaa. ➤ Ha ooynin sida caruurta. Ooyinta sideedaba ma loo gooni yeelin caruurta iyo dadka waa weyn oo qofba waxa xanuujinaayo ama uu ka murgaayo ayaa ka oysiido. Rasuul keen SCW ayaa ooyn jiran cabsi iyo murug uu u qabo cabsida ilaahey taasna waxay na tusee in aysan ooyintu laheyn yar ama weyn. Qofka markuu adeegsaayo oraah daan waxa uu dan qaa boog qof kale taas na inuu adeegsado waxaa u sabab ah garaad kiisa oo xun. ➤ Naga dhaaf riwaayada aad wadid: Oraah daan adeegsigeeda ayaa calaamad wayn u ah in uusan qofku laheyn wax garaad shacuureedaa iskana indho tiraayo dareenka qofka kale Maxa yeelay tan oo kale waxaa laga dheehan karaa in jees jees meesha yaal oo qof kaanu diyaar u aheen inuu ku fahmo. La isma kuma dhibo qof markaan oo kale!. Recommended: -Nature and Nurture ➤ -İntrovert personality ➤ -Accepting the change ➤ -Extrovert Personality ➤ ➤ Waxa aan meeshaan u joogaa waa adiga sababtaada. Hadii laguu adeegsado oraahdaan waxaa laga yaabaa in aad is tiraa waa oraah naxariis leh balse amarka saa id loo isticmaalo oo wax ficil ah na lagu darin waxaa dareemi toontaa taageer xumo. Micno keeni meeydo adeegsiga oraahyada wanaagsan bilaa ficil, inta badane waxaa adeegsado dadka sasaba dad ka kale, ileen sasabku waa qeyb ka mid ah beente. Sidookale, wax aan jirin in qof ku yiraah waa jiraan waxa ay natuseedaa garaad xumada qofka oo haduu qofku leeyahay garaad shacuureed oo baddan marnaba qof kale dareenkiis muusan been usheegeen. ➤ Waxaa tahay qof shacuureesa.! Waxaa jiro dad baddan oo aan aqoon qiimaha uu leeyahay dareenku ame inaad wax dareentid waayo dareen la,aatu waxa ay kaa dhigee mid qalafsan qiimana laheen. Tusaale yar, hadii qof ku yiraah waxaan daawaday film waxa uu ka hadlaayay waxaas oo waxaas runtii waan ku qiirooday kawaran hadii aad dhahdo ileen saasna waad aheyd waxaas waa film wax kama jiraan, taas waxa ay la micno tahay inaadan laheed garaad shacuureed sababtoo ah film ka la iskama jilo ee waxa uu ka hadlaa wax jira ama ka dhaca dunida, xaaladaas na dad ku sugan ayaa jiro film oo laga sameeyay , marka adi waxaa kuu banaan adi inaad tiraah ilaah ayaan ka magan galay. Marka dadku saas dhahaayaan ma garwaaqsano xaaladahaan oo kale waxaana laga yaabaa in oraah daan ay soo jeedineeyso in qof ku uu san yeelan xariiro qoto dheer. ➤ Diyaar uma ahi inaan dareemo waxa aad dareemeysid!. Cajiib!. Oraah daan maa han mid lagu micneen karo sida oraah naxariis ah oo kale waayo qofka si cad u adeegasado oraahdaan ah ‘ diyaar uma ahi inaan dareemo dareenkaada’ waxa uu ba hilmaamay ixtiraamka qofeed ee eebe ku siiyay, micno hadaan siino oraah daan waxa waayo albaabada qalbigeyga waa kaa xiranyihiin.Sidaa darteed, garaad kiisa yar oowgeed ayaa sabab unoqotay in uu adeegsado oraah daan kakan. Gabagabo, in aan adeegsano oraahyo kala duwan waxa aan ku micneen karnaa iney muu jinaayaar inta uu la egyahay garaad keena shacuureed. Bilaw ilaa dhamaad oraah yadaani waxa ay dhamaad unoqon karaan is faham waa baddan. Sidookale, lahaan shaha garaad shacuureed oo baddan waxaad ka dhaxli kartaa wanaag iyo naxariis baddan. Byashoweb.com

  • Top Highest Economic Countries in the World

    Dhaqaalaha aduunka ayaa sara kac sameeyo sanadba sanadka ka danbeeyo, ayadoo wax soosaarka dowladahu kor usii kacaayo. İnta badan marka la sameeynaayo waxa la yiraahdo is bar bardhig, waxaa halbeeg laga dhigtaa wax soo saarka waddan kas uu leeyahay. Muuqaalka dhaqaalaha adduunku waa mid firfircoon oo mar walba soo kordha. Fahamka dalalka haya jagooyinka ugu sarreeya xagga xoogga dhaqaalaha ayaa muhiim u ah siyaasad-dejiyeyaasha, ganacsiyada, iyo shakhsiyaadka si isku mid ah. Waxaa jiro afar dowladood oo leh dhaqaalaha aduunka ugu sareeyo 50% halaka 50% soo harayna ay leeyihiin dunida inteeda kale. Afartaas dowladood ayaa kala ah Mareykanka, China, Japan iyo Jarmalka. Maqaalkan , waxaan ku sahamin doonaa waddamada ugu dhaqaalaha badan adduunka,kuwooda ugu horeeyo, anagoo si qoto dheer u falanqeyn doona awooddooda dhaqaale, warshadaha, iyo saameynta ay ku leeyihiin marxaladda caalamiga ah. 1.Maraykanka: Maraykanku wuxuu si joogto ah uu darajo ahaan u yahay kan ugu weyn dhaqaalaha adduunka. Wax soo saarka waddanka mareeykanka ayaa ah 22.94 trilyon. Mareykanka ayaa ah kan hogaaminaayo waddamada warshadaha leh ee wax soo saaro, asagoo aduunka dhan u dhoofiya waxa uu soosaaro. Warshadaha kala duwan, oo ay ku jiraan tignoolajiyada, maaliyadda, iyo daryeelka caafimaadka, waxay wadaan awooddeeda dhaqaale. Wax-soo-saarka waddanku wuxuu ka sarreeyaa waddamada kale, isaga oo xoojinaya mawqifkiisa ah awooda dhaqaale ee caalami ah. 2.Shiinaha: Kobaca dhaqaale ee Shiinaha ee xawliga ku socda dhawrkii sano ee la soo dhaafay ma ahayn wax la yaab leh. Iyadoo diiradda la saarayo wax soo saarka iyo dhoofinta, Shiinuhu wuxuu noqday hoggaamiye ganacsi oo caalami ah. Wax-soo-saarka guud waxa uu ku xigaa Maraykanka, wax soo saarkiisana waxa waayo 16.86 trilyon, dhaqaalaha ugu badana waxa uu ka helaa warshadaha,wax soo saarka beeraha iyo adeeg yada kale. Shiinahu waxa uu sii waddaa qaabaynta dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha adduunka. 3.Japan: Inkastoo dhul-beereedka Japan uu yar yahay, hadane waxay ku faantaa dhaqaale adag. Wax soo saarka Japan ayaa ah in la eg 5.1trilyo, inkastoo dhaqaalaha waddankaani uu hoos u dhacay 2021kii.Sikastaba ha ahaatee, Japan waxa waayo waddanka sadexaad ee aduunka ugu dhaqaalaha baddan. Dhaqaalaha dowladaan ayaa caan ku ah hal-abuurnimadeeda tignoolajiyada iyo warshadaha baabuurta, xoogga dhaqaale ee Japan ayaa marag u ah sida ay uga go'an tahay cilmi-baadhista iyo horumarinta. 4.Germany: Awoodda wax soo saar iyo dhoofinta wadadanka Jarmalka ayaa meelsare ka gaartay dunida, kuwooda ugu dhaqaalaha baddan aduunka, asagoo wax soo saarka waddankaani uu gaaray 4.23 trilyon. Jarmal ayaa ah waddan 4aad oo ugu dhaqaalaha sareeyo dunida, sidookale ne ah kan ugu dhaqaalaha sareeyo qaarada Yurub. Jarmalka ayaa caan ku ah soo saarida Ingineerada saxda iyo dhoofinta baabuurta adduunka oo dhan, saameynta ay ku leeyihiin Midowga Yurubna waa mid muhiim ah. 5.Boqortooyada Ingiriiska: Waxaa laga yaabaa in Brexit ay wax ka bedeshay mowqifka UK ee Midowga Yurub, laakiin weli waa miisaan dhaqaale oo culus. Qaybta maaliyadeed ee London waxay sii ahaanaysaa xarun maaliyadeed oo caalami ah, UK waxay sii wadaa xiriirka ganacsi ee muhiimka ah adduunka oo dhan, Waana waddanka 2aad ee ugu dhaqaalaha sareeyo marka lajoogo qaarada Yurub, sidookale waa kan 5aad ee ugu dhaqaalaha sareeyo aduunka. Boqortoo yada ingiriiska ayaa leh wax soo saar gaaraayo 3.1 trilyon oo dollar. 6.Hindiya: Kobaca dhaqaale ee Hindiya waxa sabab u ah dadkeeda oo tiro badan iyo kuwo da’yar. Adeegyada software dalka, hormarinta korontada, disida dawooyinka, iyo suuqyada macmiisha, ayaa ah kuwo horumaraya. Dhaqaalaha Hindiya waxa uu ku socdaa jihadii uu ku noqon lahaa mid ka mid ah kuwa ugu weyn adduunka sanadaha soo socda, asagoo hada ka mid ah waddamada ugu dhaqaalaha sareeyo. Wax soo saarka waddankaan waxa uu gaaraa 3.1trillion. 7.Faransiiska: Dhaqaalaha Faransiiska waxaa lagu gartaa kala duwanaanshihiisa iyo tayada wax soo saar. İnkastoo covid 19 uu saameeyay dhaqaalaha waddankaa hadane waa mid ka mid ah wadda mada ugu dhaqaalaha baddan dunida. Wax soo saarka dowladaa waxa waayo 2.9 trillion ay doo u u dhow iney gaarto sadex trilyon oo dollar.Faransiiska ayaa door muhiim ah ka ciyaartaa Midowga Yurub waxayna si weyn uga qayb qaadataa dhaqaalaha adduunka. 8:Talyaaniga: Muhiimadda dhaqaale ee Talyaanigu way dhaafsiisan tahay moodada iyo naqshadaynta. Wadanku waxa uu yahay kan sadexaad ee ugu dhaqaalaha sareeyo marka la joogo qaarada Yurub, waan kan 8aad ee ugu dhaqaalaha sareeyo aduunka. Wax soo saarka wadankaa nu waa 2.1 trillion , wax-soo- dhoofintiisana waa laga yaqaan adduunka oo dhan, taas oo ay ugu wacan tahay hiddaha iyo farshaxanimada hodanka ah ee uu leeyahay. 9:Kanada: Dhaqaalaha Kanada wuxuu ku horumaraa kheyraadkiisa dabiiciga ah ee baaxadda leh, sida tamarta, macdanta, iyo kaynta. Dhaqaalaheeda xasiloon iyo xiriir ganacsi oo xooggan, gaar ahaan Mareykanka, ayaa gacan ka geysta maqaamkeeda dhaqaale ee adduunka. Wax soo saarka waddankaan waa 1.9 trillion. 10:Koonfurta kuuriya : Koonfurta kuuriya ayaa ah waddan leh dhaqaale xoogan, waana waddanka tobanaad ee aduunka ugu dhaqaalaha baddan. Koonfurta kuuriya waxa ay caan ku tahay iney hormariyaan tiknoolijiyada iyo wax soo saarka kale. Waddankaanu waxa uu dhoofiyaa alaabo kala duwan sida electronics ka,baabuuraha iyo kiimikada. Wax soo saarka waddankaanu waxa waayo 1.8 trillion oo dollar. 11:Rassia Rassia oo ah waddanka koowaad ee ugu weyn aduunka, ayaa ah kan koow iyo tobanaad ee ugu dhaqaalaha weyn dunida. Waxa uu caan ku yahay waddankaani dhoofinta saiida, gaaska , macdanta iyo ulwaaxda. Wax soo saarkii sa dhaqaalane waa 1.7 trillion 12:Brazil: Awoodda dhaqaale ee Brazil waxay si dhow ugu xidhan tahay kheyraadka dabiiciga ah ee badan. Beeraha, macdanta, iyo wax soo saarka tamarta ayaa ah waaxaha udub-dhexaadka u ah, in kasta oo dalku uu la kulmay caqabado dhaqaale sannadihii u dambeeyay, hadana waa kan 12aad ee ugu dhaqaalaha roon aduunka. Wax soo saarkiisane waa 1.6 trillion. Gabagabo, waddan madaad ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa soo bandhiga noocyo kala duwan oo ah awood dhaqaale iyo takhasusyo. Wadamadani kuma koobna oo kaliya inay wax ku biiriyaan dhaqaalaha caalamka balse sidoo kale waxay saamayn ku yeeshaan siyaasadaha dhaqaalaha iyo xidhiidhka ganacsi ee aduunka. Ka warhaynta dhaq-dhaqaaqooda dhaqaale ayaa muhiim u ah shakhsiyaadka iyo ganacsiyada u socdaalaya shabakada adag ee ganacsiga caalamiga ah. Waxaa laga yaabaa in dhaqaalaha soo koraya uu sare u kaco, is badalna uu ku yimaado. Sidookale waxaa laga yaabaa waddamadaaniv inay sii ahaan doonto sifo qeexan dhaqaalaha adduunka sannadaha soo socda. Byashoweb.com

  • Spain|culture,people and language

    Spain waa waddan ka mid ah midowga yurub kuna taala koonfurta bari ee qaarada yurub. Waqooyigane waxaa ka xigo ame xaduud ka la leh waddanka Faransiiska iyo Andorra. Dhanka bari iyo koofur waxaa ka xigo badda cad ee dhaxe. Spain waa waddanka sadexaad oo ugu dhulka wayn yurubta galbeed, bedkeeda ama balaca waddankaasi ne waa 505,990km2. Spain waxaa ku yaalo magaalooyin waa weyn sida caasimada waddan ee Madrid taasoo hoy u ah wax yaabaha casrigaa iyo ku wa aan casriga aheyn, ah ne dowlada iyo qoyska ree boqor in taba. Madrid waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waa weyn midowga yurub. Sidookale, magaalada Barcelona ayaa ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn ee ku yaalo Spain, Barcelona waa caasimada gobalka catalonia, waxa ay intoota baddan ku baaqaana in ay ka go aan Spain. Dadka ku nool waddan kaas tiradooda waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin tiro dham 47.42 million oo qof ah. Dhaqaalaha waddan ka Spain ayaa ah mid aad uwanaagsan, waxa uu na yahay waddanka sagaalaad ee ugu dhaqaalaha weyn aduunka. İntaa waxaa dheer in waddanka Spain uu yahay waddan ka sadexaad oo ugu maal gashiga baddan caalam ka. Lacagta laga isticmaalo waddankaas xiligaan aan joogno waa yuuro (euro). Dadka: Dadka spanishkaa waa dad is kugu jiro kuwo spanish asal ah iyo ku wa qaatay dhalashada waddankaas. Waxa lasheegaa in boqolkii ba 88% ay yihiin Spanishka asalkaa halka boqolkiiba 12% ay yihiin ajaanibta qaadatay dhalashada dowladaas. Tirada dadka ree Spain maaho mid yar waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin 47.42 million oo dad. Dhaqan ahaan, horaantii qarnigii 21 aad dadka ree Spain nolol maal meed koodu waxa uu umuuqday mid ka duwan waddamada kale ee ree galbeedka. Sikastaba ha ahaatee, waxaa jiro dhowr dhaqam kuwaaso gaar u ah dad ka ree Spain aadne ugu muhiimsan ayaga dhankooda . Ku wa ugu caan san dhaqamadaas waxaa ka midda in dad ku yihiin kuwo u dhaxeeya guriga iyo shaqada. Xiliyada xagaaga marka la joogo, waxa ay quraac da cunaan inta u dhaxeedo 8 ilaa 11am. Qadada oo ay u yaqaanaan Spanishku almuerzo ahne cuntada ugu muhiimsan maalinka ayadane waxa ay qaataan in ta u dhaxeedo 2 ilaa 3 pm, cashadane waxa ay cunaan xili danbe saacada marka ay tahay 10:00. Sidookale, meelaha ganacsiga ayaa lafuraa inta udheedo 9am ilaa 2pm. waxa ay na dib u furaan 5pm ilaa 8:00 habeen nimo. Maqaayadaha, baararka iyo dukaamaha waa weynkaa ayaa inta baddan furan xiliga duhurkii. Waqtigaas ay dadku shaqada ka nasanaayaan, ayaa waxa lasiidaayaa barnaamijyada ugu caansan iyo wararka maalinlahaa. Luuqada: Waxaa jiro dhow luuqadood ku waasoo looga hadlo waddanka Spain markii laga soo tago luu qada Spanishkaa. Kuwa ugu horee waa luuqada la yiraahdo Catalan meelaha looga hadlo luuqadaan waxaa kamid ah gobalka Catalonia iyo Valencia, luuqada Galician( Galego) waxaa ayadane looga hadlaa gobalka Galicia waqooyiga galbeed ee Spain. Basque ayaa ah ayane luuqad ka mid ah luuqadaha looga hadlo spain qaasatan waqooyiga. Dadka ku hadlo luuqadaas ayaguna waxa ay rabaan in ay ka go aan waddanka Spain, maadaama ay yihiin dad aan ku luuqad ahayn. Waa jiraan luuqado kale oo looga hadlo Spain waxaana ka mid ah Aranese iyo Asturian-Leonese. Cuntada: Waxa ay dhan qan iyo caado uleeyihiin dad ka ree Spain in ay cunaan cunto fudud ka hor inta ay san cunin cuntooyinka kale gaar ahaan maalmaha fasaxaa ame shaqo aysan laheen. Sidookale maqaayadaha ayaa ah ku wo inta baddan furan waxaana lagu diyaarshaaa cuntooyin kala duwan. Cuntada ugu caansan waxaa ka mida tapas. Tapas waxa ay ka koobantahay rooti, khudaar iyo hilib la is ku daray. Cuntadan tapas ladhaho maahan cunto hal nuuc ah, oo waxa ay leedahay dhowr nuuc oo kala duwan. Dhanka kale, Spanishku cunta ka rinta waa ku kala duwanyihiin marka la joogo dhanka gobalada oo gobal walbaa waxa uu caan ku yahay cuntooyin gaara. Tusaale, gobalka Galicia waxa uu caan ku yahay cuntada bada. Gobalka Catanoia asne waxa uu caan ku yahay khudaarta iyo hilika.Sida lasheegay, hilibka ugu badan oo ay cunaan Spanishku waa doorada, hilibka lo’da iyo kan doofaarka. İntaa waxaa dheer in Spanisku cunaan digirta sida lentil. Dhanka cabbitaanka, khamri ga, shaaxa iyo qaxwaha ayaa ah qeeb ka mid ah cabbidaanka ay cabaan dadkaas. Qaasatan qaxwaha waxa ay cabaan ka dib cuntada marka ay cuna an. Farshaxanka: Farshaxanka ayaa ah mid ka mid ah dhaqamada ugu caan san spanishka, muhiimna ka ah Spanish agtooda. Waxaa jiro dhowr nuuc oo Farshaxan mid walbane waxa uu wataa xiiso gaara. Qeybaha ugu muhiimsan waxaa soo gali doona qoraal yaal sida Miguel de Cervantes oo ah mid ka mid ah suugaanyahanada ugu muhiimsan Spanishka, Pedro Calderon de la Barca iyo Lope de vega oo ah labo rinjiiloyaal, iyo Benito Perez Galdos oo ah asne riwaayadeys te. İntii u dhaxeeyday 1500 ilaa 1681, waxa ay u muuqatay in faneedka Spanishku uu ahaa mid heerkiisu sareeydo, ayadoo wax ku darida ame wax ku biirin tu ay aheed mid aan kala joogsi ahayn. Markii uu dhacay dagaalsii sokeeye ee spanishka ayaa waxaa hoos u dhacday faneedka spanishka,sikastaba ha ahaatee, xiligaan hada la joogo ma aho mid heerkeedu liidato. Muusiga: Hida dhaqameedka qaniga ah ee Spanishka waxaa ka mid ah muusiga. Waxaa jiro dhowr nuuc oo muusig ah. Flamenco, oo ah muusiga u caan san Spanish ayaa lasheegaa in asal ahaan ay ka timaatay Andalusian waxa ay na leedahay bandhigyo qurxoon, xamaasad, iyo qiiro. Sidookale, waxaa jiro dhowr hal abuurayaal oo Spanish ah kuwaasoo soo jiitay caalam ka muusigooda waxaa ka mida Isaac Albéniz, Enrique Granados, iyo Manuel de Falla. Ciyaaraha: Ciyaaraha ayaa ka mid ah kuwa ugu muhiimsan nolol maalmeedka Spanishka. Gobalwalbaa waxa uu caan ku yahay ciyaarihiisa, ayaga oo ku jiraan, kubada cagta oo İngariisku ukeenay ree Spain dhamaadkii qarnigii 19aad xiili gu marka uu ahaa 1889, dabaasha, baaskiil wadida, ciyaarta barafka, iyo buurafuulida. Sidookale, waxaa jirto ciyaar ay caan ku yahiin ree Spain taasoo lala dagaalamaayo dibi. Gunaanad, dhamaan qormooyinkaan aan soo sheegnay waa kuwo ka mid ah dhaqamada soo jireenkaa iyo kuwa aan soo jireenka aheyn ee ree spain, ayadoo spain ay tahay dowlad boqran, ilaalsatana dhaqan keeda asal iyo dhamaadba. By ashoweb.com

  • The Marvels or Realities of Artificial Intelligence and How Aİ Shape our Future

    The Marvels or Realities of Artificial Intelligence and How Aİ Shape our Future In the landscape of modern technology, there is perhaps no concept more captivating and transformative than artificial intelligence (AI). What was once confined to science fiction has now become an integral part of our daily lives, impacting industries, economies, and even the way we perceive the world around us. In this post we'll explore the marvels of artificial intelligence, its diverse applications, and examine the implications of its rapid advancement. The Rise of AI: From Imagination to Reality Artificial intelligence, often referred to as AI, involves the creation of intelligent machines that can simulate human-like cognitive processes. The roots of AI date back to the mid-20th century, when pioneers like Alan Turing laid the groundwork for machine learning and computational thinking. Fast forward to today, and AI has evolved into a powerhouse technology, enabling machines to perform tasks that traditionally required human intelligence. There are Usefulness of AI in a Variety of Industries: A. Healthcare: AI is revolutionising healthcare through early disease detection, personalized treatment plans, and even robotic surgeries. Machine learning algorithms analyzed vast amounts of medical data to predict disease trends and optimized patient care. B. Finance: In the financial sector, AI-powered algorithms manage complex trading strategies, assess credit risk, and even provide customer support. Chatbots are becoming commonplace for addressing customer inquiries and simplifying transactions. C. Automotive: The dream of self-driving cars is becoming a reality, with AI at the core of their navigation and decision-making systems. These vehicles use sensors and AI algorithms to analyzed their surroundings and navigate safely. D. Entertainment: Streaming platforms use AI to recommend content based on users' preferences, while video games utilized AI to create immersive virtual worlds and challenge opponents. The Future of AI: Exciting Possibilities: Despite the challenges, the future of AI is filled with exciting possibilities. Researchers are pushing the boundaries of AI in fields like natural language processing, enabling more human-like interactions with machines. AI-driven innovations in medicine could lead to personalised treatments that consider an individual's genetic makeup and lifestyle. And as AI continues to evolve, the concept of artificial general intelligence (AGI) looms on the horizon—the notion of machines that can understand, learn, and apply knowledge across diverse domains. Moral issues or ethical consideration: As artificial intelligence continues to weave itself into the fabric of our lives, ethical considerations have come to the forefront. The power of AI to process immense amounts of data and make decisions raises questions about accountability, transparency, and fairness. Transparency and Accountability: As AI becomes more complex, understanding how it arrives at its decisions can be a challenge. Black-box AI models, which make decisions without clear explanations, have led to concerns about accountability. Efforts are being made to develop explainable AI (XAI), which provides insight into the decision-making process of AI systems. The Role of Regulation and Policies: Addressing the ethical challenges of AI requires collaboration between technology developers, policymakers, and experts from various domains. Governments and organisations around the world are working to establish guidelines and regulations that ensure the responsible development and deployment of AI systems. By setting ethical standards and principles, societies can foster innovation while safeguarding against potential risks. The Intersection of AI and Humanity: The relationship between AI and humanity is multifaceted, impacting not only industries but also our understanding of human cognition and creativity. Some AI systems, like neural networks, are designed to mimic the human brain's structure, leading to insights into how our minds work. Additionally, AI-generated art, music, and literature challenge traditional notions of human creativity and raise philosophical questions about the nature of intelligence and consciousness. Challenges and Ethical Considerations: With great power comes great responsibility, and AI is no exception. As AI systems become more sophisticated, concerns about data privacy, bias, and job displacement have surfaced. Ensuring that AI algorithms are unbiased and transparent is a critical challenge to overcome. Additionally, the potential loss of jobs due to automation raises questions about how society will adapt to a changing workforce landscape. Embracing or accepting the AI Revolution: Artificial intelligence is not just a technological advancement; it's a paradigm shift that has the potential to reshape society, industries, and the way we perceive human capabilities. As AI continues to evolve, our approach should be one of cautious optimism. By addressing ethical concerns, ensuring transparency, and prioritising responsible AI development, we can harness the potential of AI to create a brighter and more innovative future for all. Conclude, In this journey of AI exploration, we stand at the crossroads of innovation and responsibility. The road ahead is exciting and uncertain, but one thing is clear, artificial intelligence has already become an indelible part of our world, and its impact will only continue to grow. How AI intelligence may impact our young people's lives: Artificial Intelligence (AI) has the potential to impact our whole lives and it also can impact our young people’s lives in various ways, both positive and negative. They can learn for their education. Ai can enhance the learning experience by providing personalized and adaptive educational resources. It can identify a student's strengths and weaknesses and tailor lessons accordingly, making learning more effective and engaging. Also, AI is creating new job opportunities in fields like data science, machine learning, and AI development. Young people who acquire AI skills can have promising career prospects. Other hand, it-powered technologies can improve healthcare outcomes through early disease detection, telemedicine, and personalized treatment plans, benefiting young people's health and well-being. Young innovators can leverage AI to develop groundbreaking solutions in various fields, from climate change mitigation to sustainable energy sources. However, there are negative impacts of AI. While AI creates new jobs, it can also lead to the displacement of certain job roles. Young people might need to adapt and acquire new skills to stay relevant in the job market. It also can be used to collect and analyze vast amounts of personal data, raising concerns about privacy and data security for young people. Moreover, The addictive nature of AI-powered applications, such as social media and video games, can negatively impact the mental health and well-being of young people. Finally, Over reliance on AI for decision-making and problem-solving can potentially hinder the development of critical thinking and problem-solving skills among young people. In summary, AI has the potential to significantly impact young people in both positive and negative ways. It can provide educational and career opportunities, improve healthcare, and drive innovation. However, it also comes with challenges such as job disruption, privacy concerns, and potential negative effects on mental health. To harness the benefits of AI while mitigating its drawbacks, young people must acquire digital literacy, ethical awareness, and adaptability to navigate the AI-driven world effectively. Education and responsible AI development and deployment are key factors in ensuring a positive impact on young people. Byashoweb.com

  • 7signs that indicate that a person is highly intelligent

    Waxaa macquul ah inaad barato dhaqamada lamafilaankaa ee cajiibka ah ku waasoo dadka caqligoodu baddan yahay ay u dhaqmaan una fikiraan si ka duwan dad ka kale. Saynisku waxa uu sheegaa ame uu daaha ka qaadaa sida garaadka sare uu uga muuqdo hab-dhaqankeenna, go'aan-qaadashada, iyo is-dhexgalka. Hadii aad hagaasiso tilmaamahaan, waxaad awood ujeelan doontaa inaad hesho ame dareento awood dheer oo xag maskaxda ah, xataa haduu ruux is ku dayo inuu hoos kuu dhigo. - Waxaad diyaar u noqataa in aad ogaato calaamadahaan, aadne bar bar dhigtid dhaqamadaada iney ka mid yihiin calaamada haan caqli ee aan sheegi doono. 1)waa iney yihiin dad curious ah: - curious waxaa loola jeedaa marka uu qofku doonaayo inuu wax baddan ogaado, yacnii uu suul kaa weydiinaayo waxa uu rabo inuu ogaado . Waad ogtahay ilmahu had iyo jeer waxa ku weydiinayaan 'Sabab?' ‘maxey saas u dhaceen, udhici waayeen ,iyo wax la mida’’ si fiican, waxaa jirta fursad aad u sareysa oo isaga ama iyadu ay ku noqon doonaan kuwo aad u caqli badan. Talaabada ugu horeysa ee aqoontu waa maskax curious ah. Daraasad ay sameeyeen Khubarada cilminafsiga waxay heleen xariir xooggan oo ka dhexeeya curiosity and intelligencega . Daraasaduhu waxay muujinayaan dadka curiosity ga ah inay abuuraan fikrado kakan waxa ay na si fiican u dhexgalaan macluumaadyada kala duwan. MRI-yadu waxay muujinayaan in maskaxdoodu aad u firfircoon tahay marka lagu soo bandhigo waxyaabo yaab leh ama aan la garanayn. Ku raaxaysigooda iyo caqabadu waxay utartaa ame sababtaa isku xirka neerfaha fura fikirka aan la taaban karin iyo samaynta xasuusaha.. Halka dadka wax-waydiintoodu yartahay ay ka fogaadaan hubanti la'aanta, kuwa curiosity ga waxay rabaan helitaanka dariiqooyin maskaxeed oo cusub. Su'aalahooda waxay albaabada u furayaan faham sare iyo hal-abuurnimo. 2)Waxay ku milmi karaan ame la noolaanka raan ​​koox kasta. İnaad la noolaato ame la qabsato dabeecadaha kala duwan oo ay leeyihiin dad aadan aqoonin maahan mid fudud laakiin waxa ay u sahlan tahay kaliyiyah dad ka caqliga sare leh meel dheerna wax ka arki karo. Awooda soo jiidasho ee aad u leedahay dadka aad is ku cusubtihiin iyo inaad ka dhaadhiciso hadal yar dadka ayaa ah calaamad tilmaameyso caqliga baddan. Sidookale, dadka caqliga baddan waxa ay leeyihiin sirdoon shacuureed oo aad u sareedo. 3)Waxay ku xeel dheer yihiin akhrinta luqadda jidhka ee dadka: Shakhsiyaadka aadka u caqli ga badan ayaa si gaar ah xirfad u leh tarjumaadda tilmaamo aan hadal ahayn sida tibaaxaha wejiga, dhaqdhaqaaqyada, iyo muuqaalka inta ba. Waxay garan karaan sida ame xaalada uu qofku ame dadka kale ay markaas dareemaayaan,sida murugta, raaxada, iyo farxada xataa hadii ay xaaladaas qariyaan ame si kale usheegaan, dadka indheergaradkaa waa garan karaan qofka. Woodaas ay uleeyihiin iney akhriyaan luuqada jireed ayaa waxa ay usahlee iney sameeyaan xariiro qoto dheer. Haddii adiga ama qof kugu xeeran, had iyo jeer aad mooddo in aad garanayso waxa ugu wanaagsan ee aad ku sheegi karto ame ku garan karto ayaa inaad xirfad qoto dheer u leedahay luuqada jirka, taasaana kaa caawin karto inaad wax badan ka aqooto. 4)Waxay samayn karaan xisaabta oo waxay si degdeg ah u soo saari karaan jawaabta: Adigu mataqaan qof si dagdag ah wax u xisaabin karo . Weligaa ma taqaan qof samayn kara xisaab aad u degdeg badan? ma sahlano ama fududo inaan xisaab aad daqiiqado koo badan ku sameynkarto, xataa hadii aad baratay waxa ku saabsan xisaab. Xisaabin lacaga iyo taariikheynta ame xasuusashada dagdagaa ayaa ah wax uu san qof walbe sameeyn karin markii laga reebo dadka caqliga baddan. Dadka sirtoonkaa inta baddan waa dadka caqliga baddan waxay leeyihiin xasuus shaqo oo heer saro ah iyo awooda soo celinta macluumaadka . Maskaxdoodu waxay si dagdag ah u xisaabin kartaa xisaabaadka adag, waxa ay na si cad u xasuusan karaan dhacdooyi sanado hore ah ayagoo awood uleh iney faah faahin buuxda ka baxshaan!. 5)Waxay dhegaystaan ​​falsafada iyo caqiidooyinka kuwa kale iyaga oo aan caqabad ku ahayn: Waa maxay sababtu? Sababtoo ah waxay og yihiin inaysan jirin wax macno ah oo lagu mucaarado waxyaabaha qaarkood. Rumaynta waa wax la aamino haddii kale waxaan ugu yeeri karnaa xaqiiqooyin! Ma beddeli doontid qof maskaxdiisa ilaa ay waxaasrabaan mooyaane. Dad badanna, nidaamkooda caqiidada ayaa runtii muhiim u ah. Dadka garaadka sare leh ayaana fahmo taas. Iyagu ma haystaan ​​wax ay ku caddeeyaan mana laha ego, markaa looma baahna in 'sax' la noqdo. Dadka caqliga lihi waxay aqoonsadaan in qof kastaa leeyahay aragti gaar ah oo ay qaabeeyeen waaya-aragnimada nololeed ee kala duwan. Iyagoo si adag u falanqeynaya. way furan yihiin oo way ka fogaanayaan go'aannada qaar. Qofka caqliga lihi waxa uu fahamsan yahay in dhegaysiga qaar oo ka falcelin la’aantaa ay keento is-fahan qoto dheer oo labada dhinac ah. Sidoo kale ixtiraamka fikradaha dadka kale ay tahay wax fiican , waxay gartaan inay iyagana wax ka baran karaan fikradahaas. Khalad ha ii fahmin - dadka caqliga saliimka ah waxay badanaa jecel yihiin dood wanaagsan, laakiin kaliyah waa marka labada dhinac ame dadka ay la doodayaan ay dooda raali ka yihiin. Recommended: - Extrovert personality ➤ - İntrovert Personality ➤ - Accepting the change ➤ - Humanistic Theories . ➤ 6)Waxay qirtaan markay khaldan yihiin Iyaga oo ku kalsoon awoodooda, dadka garaadka sare leh kama labalabeeyaan mana baddalaan inay qirtaan khaladaadkooda marka la keeno caddayn cusub. Dhab ahaantii, waxay badanaa ku faraxsan yihiin in la tuso wax cusub ama in la caddeeyo khaladka markaas muuqdo. Waxay weli u heellan yihiin inay horumariyaan fikirkooda taasoo ay wax badan ka bartaan. Dadka caqliga leh, saxnaanta aad bay uga muhiimsan tahay raadinta runta iyo wada noolaanshaha. 7)Waxay leeyihiin dano iyo damacyo kala duwan: In kasta oo qaar ka mid ah maskaxda heerka garaadka ay ku waalan yihiin hal maado, qaar badan oo ka mid ah waa polymaths leh dano kala duwan oo ku saabsan sayniska, farshaxanka, falsafada, dhaqanka iyo qaar kale. Harraadka ay uqabaan iney helaan aqoon ayaa u horseedaysa inay wax walba xiiseeyaan. Dadka caqliga baddan leh waxay gartaan in fikradaha muhiimka ahi ay ka yimaaddaan isku-dubaridka macluumaadka qaybaha kala duwan. Waxay kobciyaan fikirkooda iyagoo si weyn ugu milmaya adduunka. U fur fur naanta raadinta wax yaabaya cusub waxay sidookale ka dhigtaa maskaxdooda mid si sare u shaqeeysa. Suaalo akhristaha ku saabsan - Maka mid tahay dadka leh calaamadahaas ame ma aragtay qof ame dad leh qaar kamida calaamadahaas? - Majeclaan laheeyd inaa yeelato? - mayihiin calaamado hadii uu qofku leeyahay wax ka dhiman aysan jirin? By ashoweb.com

  • Philosopher Niccolò Machiavelli

    Kumuu ahaa philosopherkii la oran jiray Niccolò Machiavelli? Niccolò Machiavelli wuxuu ahaa faylasuuf siyaasadeed iyo dowlad yaqaan ree talayaani ah.. Wuxuu dhashay May 3, 1469 wuxuuna dhintay Juun 21, 1527 Florence. Machiavelli ayaa qoray buug caan ah oo la yiraahdo ‘Prince/Amiir’ agagaarka 1513 CE waxaana la daabacay dhimashadiisa ka dib. Sidookale, waxaa jiro buug kale oo uu qoray Machiavelli kaasoo ladaabacay ka dib markii uu geeriyooday. - Noloshiisii hore iyo xirfadihii siyaasadeed ee Machiavelli: - Qormooyinkii Machiavelli: A: Buuga Prince: B: Discourses on Livy: Noloshiisii hore iyo xirfadihii siyaasadeed ee Machiavelli: Machiavelli waxa uu ku koray magaalada Florence, xili gii garaadkiisa iyo fankiisa uu kobcaayay. Waxa uu helay waxbarasho. Sidookale,waxa uu aaday muxaadarooyin dhowra, oo uuna kua kulmay mufakiriin caan ahaa oo saameyn weyn lahaa kuwaasoo waagaas ame xiligaas jiray.Machiavelli wuxuu arkay kor u kaca iyo hoos u dhaca Girolamo Savonarola, kaasoo mudo kooban ku qabsaday awooda Florence. Inkasta oo Machiavelli uu qadarinayey kartida aftahanimo ee Savonarola, wuxuu ugu dambeyntii u muujiyay inuu yahay hogaamiye ku guuldareystay shaqadiisa caadiga ah "The Prince." İntaa ka dib, xiliga markuu ahaa1498, da’diisuna ay aheed 29 sano jir ayaa Machiavelli loo magacaabay madaxa fursada labaad, waxa uu na mas'uul ka ah arrimaha dibadda ee dhulalka. Marka la eego dhallinyarnimadiisa iyo la'aanta waayo-aragnimo ame tababar rasmi ah ee uu fursaddan uu uleeyahay, magacaabista shaqadaan waxay ku noqotay lama filaan. Waxa uu doorkan sii hayay ilaa 1512, isaga oo helay kalsoonida garsooraha sare ee Florence, Piero Soderini. Muddadii uu ku jiray fursaddan, Machiavelli wuxuu u safray Faransiiska, maxkamadda Cesare Borgia, Pope Julius II, maxkamadda Quduuska ah ee Roman Emperor Maximilian I, iyo Pisa, iyo meelo kale. Waxa uu sidookale gacan ka geystay abaabulida maleeshiyo ka jirta Florence si loo yareeyo ku tiirsanaanta askarta calooshood u shaqeystayaasha ah. Sanadku marka uu ahaa 1512kii, Machiavelli waa la riday markii boqortooyadii Medici ay dib ula wareegtay maamulka Florence. Sidookale, 1513kii ayaa Machiavelli la xiray lana jirdilay, ugu dambeyntiina la masaafuriyay. Intii uu musaafurinta ku jiray, wuxuu qalinka ku duugay ame uu qoray qaar ka mid ah shuqulladiisii ​​caanka ahaa, "The Prince" iyo "Discourses on Livy." Faylasuus Machiavelli waxa uu soo qabtay shaqooyin kala duwan, wuxuuna wax ka qori jiray arrimaha siyaasadda iyo ciidamada. Xiriirka uu la lahaa qoyska Medici, dhanka kale, wuxuu ahaa mid adag. Xiligu markuu ahaa ,1527kii, Machiavelli waxa uu damcay in dib loogu rakibo fursadda oo xil loodhiibo, markii Medici laga saaray Florence. Nasiib darro, waxaa dhaawac soo gaaray sawirkii uu ku dhex lahaa dadka u dooda ha jamhuuriyadda xorta ah, waxaana loo diiday jagadaas. Kadib jiro ayaa haleeshay faylasuuf Niccol Machiavelli taasoo uu ugu danbeyntii uu u dhintay’’. Buugaagta Niccol Machiavelli, ee ‘Prince/Amiirka’ iyo ‘Discourses on Livy’ gaar ahaan waliba buuga ‘Prince’ ayaa saameyn weyn ku yeeshay aragtida siyaasadda oo weli si joogta ah loo darso ilaa maantadan aan joogno. Qormooyinkii Machiavelli: Niccol Machiavelli waa gii uu dowladnimada ku jiray iyo intii uusan dowlad ka mid aheen labadaba waxa uu curiyay ame qoray khudbado siyaasadeed iyo gabayo kala duwan. Machiavelli intii uu dibad joogga ahaay, waxa uu xoogga saaray qoraallada falsafada siyaasadeed ee uu caanka ku yahaa. Sidookale, Machiavelli waxa uu si cad u faahfaahiyay mid ka mid ah maalmihiisii ​​caadiga ahaa ee masaafurinta, taasoo ku taariikhaysaneed December 10, 1513. Waxa uu ka sheekeeyay tamashleyntiisii , waqtiga uu la qaadan jiray saaxiibadiisii, iyo inuu daraaseyn iyo akhris sameyn jiray galabkii. Waxbarashadiisa ayuu ku tilmaamay goob uu ka helo masruufka maskaxeed. Isla warqadda ayuu si aan caadi ahayn u qiray inuu qoray buug yar oo ladhaho Prince/ Amiirrka. Faylasuuf Machiavelliwax fikrad ah uma uusan lahayn in buuggiisu uu noqon doono mid ka mid ah buugaagta ugu muhiimsan ee siyaasadda ee abid la daabaco, iyo in uu magaciisa la mid yahay khiyaano iyo dhagar. Intii uu ka shaqaynayey buuga Prince/Amiirka, Machiavelli waxa uu sidoo kale ka shaqaynayey buug kale oo muhiim ah, oo la yiraah (Discorsi sopra la prima deca di Tito Livio/ Discourses on Livy). Hadalada ku saabsan buugiisa Livy ayaa ah in la daabacay dhimashadii ka dib 1531, halka buuga Prince/Amiirka la daabacay 1532. Machiavelli wuxuu ku sheegay u heellanaanta qorida, buug kasta inay hayaan dhammaan aqoontiisa. Ugudanbey,buuga Prince/Amiirku inta badan waxa uu ku saabsan yahay amiirrada, gaar ahaan kuwa cusub, waa mid kooban, diyaarna u ah in la helo, oo inta badan ay dad badani u arkaan shar ama khatar. Dhanka kale, Discourses on Livy, ayaa ah qoraal dheer oo dhammaystiran oo talooyin ka bixinaayo sidii loo sii wadi lahaa jamhuuriyadda. Culimadii daraasaysay falsafada Machiavelli ayaa falanqeeyay oo dood ka yeeshay farqiga u dhexeeya labadan buug ee waaweyn. - Buuga Prince: prince waa buug magaciis oo uu qoray Niccol Machiavelli, ayaa taariikhda oo dhan looga sameeyay tafsiiro dhowr ah. Mid ka mid ah tafsiirrada baahsan ayaa u arka Machiavelli inuu yahay macallinka xumaanta, isaga oo muujinaya hab dhaqankiisa caadigaa iyo hab dhaqankiisa siyaasadeed. Aragtidaani, oo ay u ololeeyaan faylasuufiinta sida Leo Strauss, ayaa u arka prince inuu ka nasanayo shaqooyinka caadiga ah ee hagidda amiirrada sababtoo ah waxay xoogga saaraysaa "runta waxtarka leh" ee siyaasadda halkii ay ka ahaan lahayd fikradaha jacaylka ah ee sida amiirku u dhaqmo. Diirada Machiavelli ee lama huraanka, iyo sidoo kale diyaargarowgiisa inuu qiil uga bixiyo falalka loo qaadan karo anshax-xumo, waxay ku dari kartaa aragtidan. Aragti kale waxay u aragtaa Machiavelli inuu yahay hormoodka sayniska siyaasadeed ee hadda jira, isaga oo iftiiminaya qaabkiisa saxda ah ee siyaasadda. Marka loo eego aragtidan, fahamka Machiavelli ee xaaladda dhabta ah ee adduunka, sida ku cad qoraallada sida Jamhuuriyadda Plato iyo Saint Augustine's City of God, waxay calaamad u tahay isaga inuu yahay curiyaha edbinta ku salaysan aqoonta dhabta ah. Inkastoo uu aqoonsan yahay qiimaha taxaddarka iyo la-talinta amiirrada, Machiavelli kuma dadaalo inuu abuuro mabaadi'da saxda ah ama caalamiga ah ee siyaasadda, taas oo ka soocaya sayniska siyaasadeed ee hadda. Fikradda Machiavelli ee virtù, oo ka baxaysa fikradaha caadiga ah ee wanaagga, ayaa looga hadlay gudaha Amiirka. Sida laga soo xigtay Machiavelli, Prince/ amiirku waa inuu xoogga saaraa farshaxanka dagaalka oo uu raadiyaa ammaan inuu raadiyo nabadda ama uu u dhaqmo si wanaagsan. Machiavelli wuxuu farayaa taliyayaasha inay ka fiirsadaan akhlaaqdooda iyo sumcaddooda, xitaa haddii ay la macno tahay in loo arko inay yihiin bakhayo ama naxariis darrayaal. Fikraddiisa virtù waxay ku dadaalaysaa inay hoos u dhigto hantida ay ku hayso arrimaha bani'aadamka oo u ogolaato boqorrada inay isku halleeyaan naftooda. Machiavelli waxa uu soo jeedinayaa dhiirigelin xamaasad leh oo ah in la qabto Talyaaniga oo laga xoreeyo quwadaha shisheeye cutubka ugu dambeeya ee booga PrinceAmiirka, isagoo hoosta ka xarriiqay waddaniyaddiisa. Tilmaamahan shaqada ayaa keenay fasiraad ka duwan, taas oo u arka Machiavelli qof qaran ah halkii uu ka ahaan lahaa saynisyahan dhexdhexaad ah. Isku soo wada duuboo, Prince/Amiirka ayaa loo akhriyay siyaabo kala duwan, oo ay ku jiraan buug-gacmeedka, wax-is-daba-marinta siyaasadda iyo sida naqdin siyaasadeed oo macquul ah. Waxay si qoto dheer u gashay fikradda Machiavelli ee virtù waxayna ku daraysaa dhinacyo waddaniyaddiisa ah. Tafsiirrada kala duwan ee amiirku waxay muujinayaan qallafsanaanta iyo qaninimada shaqada Machiavelli, taasoo ka dhigaysa mawduuc khilaaf cilmiyeed joogto ah. -Discourses on Livy: Niccol Machiavelli's Discourses on Livy ame buugga Discourses on Livy ee uu qoray faylasuuf Machiavelli ayaa siyaabo kala duwan loo fasiri karaaame. Marka loo eego hal tafsiir ame hal macno Livy waxay xooga saaraysaa jamhuuriyadda. Machiavelli wuxuu sare u qaadaa aqoonta tirada badan iyo wanaagga naf-hurnimadu ay leedahay. Jamhuuriyadnimadiisa, waxa ay meesha ka saaraysaa in awooddu ay dad badan gacanta ugu jirto, isaga oo ku doodaya in hal caqli loo baahan yahay in la dhiso ama la beddelo Jamhuuriyad. Qoraalada Machiavelli waxa kale oo ay ka hadlayaan fikradda ujeedada caddaynta macnaha. Waxa uu aaminsan yahay in jamhuuriyadu ay u baahan yihiin hoggaamiyeyaal sifooyin leh oo lagu tilmaami karo Princes/Amiiro, wuxuuna soo jeedinayaa in dadka xun ee ku caanbaxa falalka wanaagsan ay xal u noqon karaan. Waxaa lasheegay in Machiavelli uu dhaleeceeyay Plato, Aristotle, iyo Cicero's Renaissance humanism, isaga oo ku doodaya habab iyo amaro cusub. Waxa uu ka hormariyaa ficilada dadkii hore ka fikiridooda, isaga oo amaanaya jamhuuriyadii Roomaanka ee kacdoonka kooxeed. Machiavelli waxa uu dhexda u galay mawduucyo khiyaano iyo shirqool ah, qoraalladiisuna waxay ka soo horjeedaan awoodihii hore iyo ceebaha casriga ah ee ay saamaysay diinta Masiixiga. Waxa uu weeraray Kaniisadda Katooliga ee Roomaanka iyo Masiixiyadda oo ah ilaha kala qaybinta Talyaaniga. Iyadoo ay adag tahay, qoraallada Machiavelli si cad uma taageerayaan diinlaawayaasha, jaahilka, ama diinta Masiixiga ee dib loo habeeyay. Doodaha ku saabsan Livy, nuxur ahaan, waxay baaraan tayada iyo mabaadi'da looga baahan yahay aasaaska iyo quudinta jamhuuriyadda, iyadoo xoogga la saarayo farqiga u dhexeeya kuwii hore iyo kuwa casriga ah. Some source : https://www.britannica.com.

  • Chinese|culture,people,and language

    Jamhuuriyada rasmigaa ee chine waxa ay ku taal bariga qaarada Aasiya. Chine waa waddan ka mid ah waddamada ugu dadka badan aduunka, waliba waa kan labaad ee ugu dadka baddan. Waxaa la sheegaa in ka badan 1.4 bilyan oo qof iney ku nool yihiin chine. Waddan ka chine waxa uu lee yahay dhul juqraafi oo aad u weyn, xaduud ne waxa uu lalee yahay waddanka ugu wayn aduunka ee Ruushka. Caasimada shiinaha waa Beijing, taasoo leh taariikh soo jirtay saddex kun oo sano. Sidookale waddankaani waxa uu ka mid yahay afarta xadaaradood ee khadiimigaa oo aduunka soo maray, ilbaxnimadoodune waxa ay ka soo bilaabatay webiga Hwang Ho oo ah webiga labaad ee ugu dheer oo shiinaha ku yaal kana mid ah webiga lixaad oo aduunka ugu dheer iyo dooxada Yangtze oo ah webiga sadexaad ee aduunka ugu dheer. Dadka: Dadka shiineeska waa dad tiradoodu ay badan tahay, kuwaa soo gaaraaya 1.4 bilyan. Waa dad leh hido dhaqameed qani ah oo soo jirtay waqti hore. Sidookale waa dad kala duwan lehne qowmiyado kala duwan. 'Han Chinese' ayaa ah qowmiyada ugu baddan sida lasheegay, ayadoo ay jiraan 55 oo qowmiyado kalaa, leh ne dhaqamo , luuqado ame lahjado, iyo caadooyin ayaga ugaar ah. Kooxdaan lagu magacaabo Han caadiyan waa dad is ku dhaqan ah wax baddane ka mideysan halka 55 ka qowmiyadeed ay yihiin ku wo kala lah jad ah sidookalane kala dhaqana waxa ay na ku faafeen kala bar dhulka shiinuhu leeyahay. İntaa waxaa dheer, dadka shiinaha waa dad leh aqlaaq marka lajoogo wada shaqeeynta, kuna tarabiyeeyo caruurdooda ixtiraamida dadka waayeelkaa. Hadii ay noqoto dhanka wax barashada waa dad ku wanaagsan tacliinta jecelne iney wax bartaan. Luuqada: Waxaa jiro lamo luuqadoo oo caan ka ah shiinaha waxaana ku hadlo qowmiyadaha ugu waa weyn ee waddankaas. Labadaas luuqadood waxa waayo sino-Tibetan luuqad la yiraah oo ay ku hadlaan qowmiyadaha dagan koonfurta iyo koonfurta galbeed ee shiinaha halka luuqada kale ee la yiraah Altaic ay ku hadlaan qowmiyada dagan waqooyi-galbeed iyo waqooyiga Shiinaha. Sikastaba ha ahaatee, luuqada rasmiga ee shiinaha oo sida weyn loogu hadlo waa Mandarin (Putonghua) laakiin waxaa jiro lahjado iyo afaf badan oo kala duwan kuwaasoo looga hadlo gobolada qaar ee shiinaha taasna waxa ay ka turjumeedaa sida ay dadku ubadan yihiin una kala duwan yihiin. Lahaan shaha dhaqan is ku mida waxaa sabab unoqoto lah jadaha oo is ku mida sidaa tarteed waddanka shiinaha oo ah waddan aad u ballaaran dadkiisuna ay aad u baddan yihii waxa dadkiisu ku hadlaan dhowr lah jadood. Cuntada: Dhowr nuuc oo cuntooyin ah ayaa jiro kuwaasoo shiinuhu leeyihiin. Dadka shiinahu waxa lasheeegaa ineey yihiin dad ku fiican cunto karinta ayaqoo wata taqasuskooda. Marka ay kulmaayaan ame ay is ku imaadaan dad shiinuhu iney wadada cunteeyaan waa wax u dhaqan ah. Sidookale, cuntooyinka qaar ay cunaan shiineeka ayaa ah kuwo ayaga uun uqaasa. Peking Duck,Kung Pao Chicken,Dim Sum,Mapo Tofu,Fried Rice, iyo Hotpot ayaa ah qaar ka mida cuntooyin shiineesku ay cunaan. Farshaxanka iyo muusiga: Farshaxanka iyo muusigga waxa ay yihiin qeyb ka mid ah dhaqanka shiineeska,waxa ayna leeyihiin taariikh qani ah. Farshaxanka shiinaha hadaan waxka sheego waxa uu leeyahay dhowr dhuuc oo kala duwan sida sawir-qaadis ta , rinjiyeynta dhaqameed iyo dhoobada sida taalada. Farshaxankoodu maahan mid qoraal kaliyah ah laakiin sidookale waxaa kamida muqaalo kuwaasoo muuqinaayo bilic iyo qurux. Dhanka kale, Muusigga dhaqameedka shiineesku waxa uu leeyahay qalabyo kala duwan sida guzheng iyo erhu kuwaasoo leh dhawaq ka duwan kuwa ree galbeedku sameeya. Sidookale,muusig dhaqameedka shiineedku waa dhowr nuuc waxaa ka mida Tonal Scales, Folk , Classical Muusig kuwaasoo laxariira dhaqanka maxkamadaha. pop, rock, iyo hip-hop ayaa ah muusiga casrigaa ee shiineesku. fanka Shiinaha iyo muusiggu waxa ay ka kooban yihiin noocyo badan oo kala duwan, kuwaas oo ka tarjumaya taariikhda hodanka ah ee waddanka, kala duwanaanshaha dhaqameed, iyo saamaynta falsafadaha sida Confucianism iyo Taoism. Dharka: Waxaa jiro ku dhawaad afar nuuc oo dhar dhaqameedka shiineeskaa . Hanfu ayaa ah style ka mid ah dhar dhaqameed oo shiineesku leeyihiin, ahne mida ugu caan san, taasna waxa ay ka tur jumee ka la duwanaanshaha qadhanka iyo isbadalada taariikheed ee shiineeeska. Dharka dhaqanka shiineeska raga iyo dumarku waa ku kala duwan yihii. Ruqun iyo Cheongsam ayaa ah labis dhaqameed shiinees kuwaa soo ay dhumarku xiran jireen qarnigii 20aad. Sidookale, Zhongshan Suit ayaa ayaguna ah kuwa rageed. Sida lasheegay sanadihii la soo dhaafay, waxaa jiray dib u soo kabashada xiisaha dharka dhaqameed ee Shiinaha, iyada oo la isku dayay in la soo nooleeyo oo kor loo qaado qadarinta dhar dhaqameedkooda. Tani waxay keentay in la kordhiyo wacyiga iyo fahamka muhiimada uu leeyahay dhaqan ee Hanfu iyo meesha ay kaga jirto bulshada casriga ah. Diinta: Waxaa jiraan sadex caado oo diimeed kuwaasoo ay leeyihiin shiineesku. Confucianism, Taoism, iyo Buddhism ayaa ah diimaha ay shiineesku aamin sanyihiin. Tan ugu horeeda ee Confucianism ayaa ah hab falsafadeed,taasoo na xooga saartaa mabaadi'da sida ixtiraamka,maamulka, daacadnimada, akhlaaqda, iyo muhiimada xiriirka qoyska. Barashada Confucian waxay si qoto dheer u saamaysay dhaqanka Shiinaha, bulshada, iyo maamulka qarniyo. Tan laab Taoism waa dhaqan ruuxi ah iyo falsafadeed oo diiradda saaraya fikradda Tao oo la micno ah ame loo turjumi karo dariiqa, waxa ay xoogga saartaa ku noolaanshaha is-waafajinta dabeecadda, raadinta dheelitirnaanta, iyo soo dhaweynta is-beddelka nolosha. Tan ugu danbeedo,Budhiism, asalkeedu waxa ay ka imaatay Hindiya, waxayna xooga saartaa iftiiminta, ka-fiirsashada, iyo wareegga dhalashada iyo dib-u-dhalashada. Diinta Shiinaha waxaa lagu gartaa kala duwanaanshaheeda. Dabaal dagga: Shiinuhu waxa uu leeyahay hidde dhaqameed qani ah, waxaana uu u dabaaldagaa xaflado dhaqameedyo iyo ciido kala duwan sanadka kastaa. Dabaal dagyada ugu caan san ee uu shiinahu qabto waxaa ugu caansan sanadka cusub kaasoo si weyn looga xuso shiinaha. Waqtiga uu dabaal dagu socdo waxaa ay sameeyaan bandhigyo sida qoobka ciyaarida iyo isku imaatanka qoysaska ama saaxiibada waqtiga dheer kala maqnaa. Sidookale, waa jiraan dhowr dabaal dagyo oo laga sameeyo waddankaas. Gunaanad, lahaanshaha dhaqamo kala duwan waxa ay muu jineesaa ama cadeyn utahay in aad tahay waddan soo jiray.Sidaa badalkeed , ayaa shiinaha dhaqankiisu uyahay mid leh xadaarad fog, aya goo soo jiitay caalam intiisa kale. By ashoweb.com

  • Nature and Nurture

    Nature/ dabeecada vs nurture/ barbaarinta. Waxaa jirto labo saamayn oo aasaasi ah ku waa soo muhiim u ah ame qaabeeya horumarka aadanaha iyo dhaqankooda, la aan toodna ay san aadanuhu waxbe aheen . Waxa ayna kala yihiin dabeecada iyo barbaarinta. Dabeecadu waxa ay tilmaamaysaa arrimaha hidda-socodkaa ee ay waalidkeenu noo gudbiyaan. Kuwaas waxaa ka mid ah qaab-dhismeedkayaga hidde-sideyaasha, DNA-ga, iyo sifooyinka la dhaxlo. Dabeecada waxaa lagu sifeenkaraa arrimo laxariiro biologyga sida jirkka qofka, xirfadaha gudaha, iyo xitaa qaar ka mid ah shakhsiyaddeena. Saameenta labaad oo ah barbaarinta qofka ayaa ah saamaynta deegaan ka ee uu qofku la kulmo inta uu nool yahay oo dhan. Ku noolaanshaha deegaanka ame qoyska lala noolaanaayo, waxbarashada, dhaqanka, xiriirka bulshada, iyo dhacdooyinka nolosha ayaa dhamaantood waxa ay la xariiraan barbaarin. Kobcinta iyo dabeecaduba waa wax inta badan is la xariiro waayo kobcintu waxa ay saameyn weyn ku leedahay dabeecadda, qiyamka, iyo awoodda garashao ee qofka. Tusaale ahaan Ilmaha ku koray deegaan daryeel iyo dhiirigelin leh, waxa ay u badan tahay in uu yeesho awood dabeecadeed iyo luuqadeed oo ka sarreeya kan aan haysan ame aan soo helin fursadahaas. Dabeecadda iyo barbaarinta aadanah ayaa si isku mid ah u soo jiidatay cilmi-nafsi yaqaannada, bayloojiyada, iyo indheergaradyada. Qoraalkaan waxaan ugu tala galay in aan kaga hadlo wax ku saabsan labadaan saameyn ee nolosha aadana la xariiro. - Asaaska Hiddaha: Xeerkaan Hidde-sidahaa caadiyan waa waxa aan ka dhaxalno waalidkeena. Waxa uuna go’aamiyaa sifooyin jireed sida dhirirka ame gaabnida, nuuca ay indhaheenu u egyihiin ame usameeysanyihiin, kalarkaada iyo inaad unuglaano cudurada qaar. Hidde-sidayaasha ayaa sidoo kale saameeya qaybo ka mid ah shakhsiyadeena sida inaa tahay qof dabeecad wanaagsan, dabeecad adag iyo inaa tahay qof dagan. Hidde-yaqaannada hab-dhaqanka waa daraasadda sida hiddo-wadaha qaarkood u saameeyaan sifooyinka dabeecadda. Sidookale, waa waxa ugu horeeyo ee aan dhihi karno waa na saameeyaan. - Arrimaha la xariiro deegaanka: Maahan wax la iska indha tiri karo ame la hilmaami karo in wax yaabaha nagu hareersan ay saameyn weyn ku leeyihiin koritaan ka yaga, taas oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqa qoyska, waxbarashada, dhaqanka meesha aan ku noolnahay, iyo booska bulshada ame dadka aanu kulano ame qeebka ah nolosheena. Marka loo eego cilmi-baarayaasha, waxa ay dhahaan daryeelka iyo taageeridda agagaarka yaga ( waxa nagu hareersan) waxay hagaajin karaan awoodda garasho iyo fiyoobitaanka shacuureed ee nafteena. dhanka kale, waayo-aragnimada xun, waxay yeelan kartaan saameyn dheer oo ku saabsan caafimaadka maskaxda iyo dabeecadda qofeed. - sida ay iskula xariiraan Dabeecadda iyo Kobcinta qofka: Epigenetics waa saynis kaa soo isku xira dabeecadda iyo kobcinta ame barbaarinta. Waxay na baraydaa sida kicinta deegaanku ay u saameyn karto muujinta hidda-wadaha iyada oo wax aan saameyn ah ku yeelan taxanaha DNA-da. Tani waxay natusaysaa in waaya-aragnimadeena iyo deegaankeena laga yaabo inay kaga tagaan raad molecular hidde-sideyaashayaga, ay na beddalaan hawlahooda sidookalane ay suurtogal tahay inay u gudbaan jiilalka mustaqbalka. - La qabsiga Maskaxda: Waxaa jiro wax la dhaho Neuroplasticity oo sidookalane loo yaqaan brain plasticity ame neural plasticity waa awoodda ay maskax du wax kula qabseedo hadane ay isku badasho iyo dib u habeynta nafeed si ay uga jawaabto waayo-aragnimada, waxay xoogga saartaa saameynta deegaanka ee horumarinta maskaxda iyo qibradaha . Dhaxalka iyo waayo-aragnimada ayaa saameeya waxbarashada, xusuusta, iyo xirfad helista, yacnii wax aad udhalatay oo waalidka ka dhaxasho iyo wax aad soo aragtay sida meeshaad ku nooleed, waxa ay saameyn ku leeyihiin xasuustaada, xirfadaha aad taqaan qaar iyo waxbarashadaada. neuroplasticity waxay muujisaa awoodda cajiibka ah ee maskaxdu u leedahay la qabsiga, barashada, iyo soo kabashada dhaawacyada inta lagu jiro nolosha. Fikradani waxay bedeshay fahamka ah maskax-xumada, waxa ayna leedahay saameyn fog oo xagga waxbarashada, daawaynta, baxnaaninta, iyo habkeena guud ee caafimaadka maskaxda. - Critical Periods iyo Sensitive Periods: Waa labo waqti oo soo mara nolosha aadanaha waxa ay na saameyn ku leeyihiin hormarka dadka. Critical periodska hadaan wax ka sheego, waa wakhti ga uu nooluhu aad ugu nugul yahay inuu helo astaamo ama karti gaar ah sida marka uu qofku yahay caruur. Haddii waayo-aragnimada loo baahan yahay aan la bixin wakhtigan, waxay u horseedi kartaa cillado waarta ama dhibaatooyin nolosha dambe ee qofka . Horumarinta luqadda ee bini'aadamka ayaa tusaale muhiim ah u ah marxaladdaan aadka u muhiimkaa. Carruurta aan helin soo-bandhigidda luqad ku filan inta lagu jiro xilliga ay baran karaan luqadd , waxaa laga yaabaa inay ku guuldareystaan ​​inay helaan awood luqadeed oo buuxda. Dhankakale, sensitive periodska is na waa waa wakhti ga uu nooluhu aad ugu furfuran yahay barashada iyo la qabsiga khibradaha cusub, Iyadoo saameyntu ay xooggan tahay xilliyadaan, ma aha mid si adag u xaddidan. waxaa lagu gartaa sensetive periods ka awoodda waxbarashada oo la xoojiyo. Kobcinta xirfada bulsheed ee aadanaha ayaa ah hal tusaale ee sensitive periodska. Baahiyaha nolosha qofka waxaa ka midda labadaan waqti iney helaan. Gunaanad, Dabeecadda iyo barbaarinta ame kobcinta qofka waa labo tilmaam oo iska soo horjeedo. Waa saameyno ay qof waalbaa somaraan laakiin lagu kala duwan ayahay. Labadaan saameyn Waxa ay ka imaan karaan labadaba hidaha iyo deegaanka, waxa ay saameyn xoog leh ku yeelan karaan nolosheena oo ay ugu horeedo caafimaadkeena sida maskaxka , waxbarashada iyo waxii lamidkaa ee la xariiro nafteena ame nolosheena. Suaalo kuugu saabsan oo la xariiro qoraalkeena: - Waa sidee noloshaada? - Ma jiraan wax saameyn ku gu leh?. Maxaase kuu sababay saameyntaas? - Saameyn intee la eg ayay waalidkaa ku leeyihiin noloshaada?.Sidookale ma jiraan saameyn aad lee dahay waxaa - igu sababay deegaan keeyga, mid xun ame mid wanaagsan intaba? - Ma jiraan dabeecad aad dhaheedo waxaan ka keenay waalidkey ?. Sidookale, majiraan dabeecad aad dhaheedo waxaan ka keenay deegaan keyga? - Ma jiraan wax saameyn ah oo ay kuugu yeesheen dadka aad lanooshahay? Ame ma jiraan saameyn aay kuugu yeesheen dad aad la soo noolaatay oo aad nolol wadaag aheey deen? - Saameyn intee la’eg ayay kuugu yeelatay waxbarashadaadu? - Ma jiraan wax saameyn ah aad ku yeelatay qof ame bulsho dhan?. Saameyn nuucee ah ayaadne ku yeelatay ? Related Posts 7signs that indicate that a person is highly intelligent Extrovert personality İntrovert Personality Accepting the change Humanistic Theories By ashoweb.com

  • The most prominent drink in the world- coffee

    Maxaad ka taqaanaa coffee/ kafaayga? Kafaaygu waa mid ka mid ah cabitaannada ugu caansan looguna isticmaalka badan yahay adduunka. Waxa laga soo saaraa digir la dubay, kuwaas oo ah iniinaha dhirta Coffea. Geedaha kafaaga ayaa asal ahaan ka soo jeedda ame ka baxa dhulalka kuleellaha sida Afrika, waxaana hadda laga beeraa waddamada ku yaalla caalamka oo dhan, iyadoo hada Brazil ay tahay dalka ugu badan ee soo saara kafaayga. Taariikhda kafaayga: Kafaaygu waxa uu leeyahay taariikh dheer . Isticmaalkeeda cabitaan ahaan waxaa loo maleynayaa inay bilaabatay qarnigii 9-aad waliba dhulka Itoobiya, markii uu ari dhaqde uu ogaaday in xoolihiisa ay aad u firfircoon yihiin ka dib markii ay cunaan geedka kafeeygaa. Xoola dhaqdihii ayaa isna tijaabiyay geedka kafeeyga kadibne waxa uu ogaaday in haduu geedka ame miraha kafeeyga cuno inuu helaayo tamar iyo firfircooni dheeraada, waxa uu na la wadaagay dadkii kale. Markii ay faaftay in mirahaas ame digirtaas ay yihiin kuwa caajiska bixiyaan , waxaa bilaabatay beeritaaanka iyo isticmaalka kafaayga. Caffeine: Waxaa jirto walax ladhaho Caffeine oo laga helo kafaayga, sidookale dadka qaar ayaa aaminsan in walaxdaan laga helo shaaxa. Waa maado kor uqaado activitiga ame firfircoonida dareemayaasheena, daalka iyo caajiska kasaarto maskaxdeena. Madadan ladhaho Caffeine waxaa lasheegay in aysan ufiicneen dhanka caafimaadkeena. Dhaqan uu leeyahay kafaayga: Kafaayga ayaa ah cabitaan leh taariikh mar hore soo bilaabmatay. waxa muddo dheer la la xiriirin jiray xadaaradaha kala duwan ee adduunka dhan soo maray. Kafaayga ame saa utaqaan qaxwaha ayaa dhaqan ahaan waxa u ahaan jiray in laga cabo meelaha ay bulshadu isugu timaado sida meelaha shirarka iyo gıuryaha si ay u dhameystaan doodahooda caqligalkaa iyo shirarkoodaba. Caadooyinka qaxwaha ame kafaayga way kala duwan yihiin waddan ahaan, sida dhaqanka espresso oo ah kafaay Talyaani ah ama dhaqanka kafaay ee Turkiga. Sida loo sameeyo kafaayga asal ahaan: Kafaayga waxaa laga sameeyaa geed baxo oo mirihiisane u eg yihiin qaabka digir ta oo kale. Marka lasameenaayo kafaayga waxaa loo maraa dhowr hab, marka ugu horeedo waxaa ladubaa miraha geed kafeeyga, ka dib waa lashiidaa, kadib waxaa lagu qasaa biyo kulul, kadib kafaayga dareeraha aa laga soocaa waxii la isticmaalay. Dubidda miraha kafaayga waxa ay suurta kalinee in kafaaygu uu san acid lahaa ( uusan dhanaan noqon) waxaana markiiba uu yeelaa dhadhanka kafaayga. Hadii miraha biyaha kulul lagu shubay ay wax baddan layaalaan biyo haas kuleelkaa wax laga yaabaa in uu adkaado oo uu kafaaygu xumaado. ame uu san yeelan dhadhanka kafaaygu leeyahay Nuuc yada kafaayga uu leeyahay: Waxaa jiro nuucyo badan oo kafaayga loo sameesto kuwaasoo lagu sameeyo meelaha qaar sida maqaayadaha iyo cafateeriyaasha. İn dhowr nuuc oo kafaaya lahelo waxaa sababtay in dadku ay rabaan wax kala duwan oo aysan is ku dooq aheeyn. Ku wooda ugu caansan waxa kamida, Espresso,Cappuccino,Latte, Americano, Brew Qabow, iyo Kafee baraf leh ( Iced Coffee coffe). Waa jiraan noocyo kale oo kafaaya , dhamaantoodna waxaa loo sameeyaa qaabab kala duwan, Faa'iidooyinka caafimaadka ee uu kafaaygu leeyahay : Cabida kafaayga waxaa lala xariiriyaa wax yaabo badan ee dhanka caafimaadkaa kuwaasoo iskugu jiro kuwa faaiidooyin iyo qasaaraba leh. Faaiidooyinka uu leeyahay kafaayga waxaa kamida, in aad tamar dheeraad ah ka helno marka aan cabno, maskaxdeenuna ay ushaqeeyneeso si heesara iyo in streesku kaa yaraanaayo. Dhanka kale, cabida kafaayga waxa uu keeni karaa, hurdo la,aan, wadna garaaca oo saaid noqda, iyo xanaaq. Sidookle, waxaa looga digaa caafimaadka hooyada uurka leh, taaso wax yeeleenkarto ilmaha yar ee an wali dhalan. Gunaanad, kafaaygu asal ahaan waxaa laga helay afrika ilaa uu gaaray aduunka daafihiisa. Waxa uu na leeyahay taariikh dheer. Waa cabitaan laga sameeyo miro lehne dhowr nuuc oo kala duwan. Sidookle maahan cabitaan leh caafimad kaliyah laakiin waxaa jirto caafimaad daro uu keeni karo cabistiisa badan. By ashoweb.com

bottom of page